Thursday, June 26, 2014

Boqor Buur-madow iyo Faysal Cali Waraabe oo Weedho Xambaarsan Weerar iyo Weerar-celin Isku waydaarsaday Madal laysku Arkay

Hargeysa, 26 June, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Boqor Cismaan aw-Maxamuud (Buur-Madow), ayaa weedho duur-xul iyo xin-siyaasadeed ka muuqdo isku weydaarsaday munaasibad ka dhacday magaalada Hargeysa habeenkii Axaddu soo-galaysay ee todobaadkan.

buurGuddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Boqor Cismaan aw-Maxamuud (Buur-madow) o oak mid ahaa siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed telefishanka HCTV ku marti-qaaday munaasibad lagu oo gunaanaday tartan-suugaaneed muddo laba bilood ah socday oo telefishanku qaban-qaabiyey, ayaa hadallo kooban oo ay ka jeediyeen xafladdaas, waxa ay uga mahad-naqeen telefishanka qabashada barnaamijka iyo masuuliyadda ay iska saareen dhiirri-gelinta dhalinyarta oo ay ku bogaadiyeen.

Haseyeeshee, hadalka laga siiyey inay ka yihaahdaan munaasibadda, waxa ay uga faa’idaysteen inay shakhsi ah is abbaaraan weedho xambaaran cunfi-siyaasadeed iyo duul-xul aan labadooda ku koobnayn balse u muuqday xurgufo shakhsiyeed oo ka shidaal-qaadanaya marxaladda siyaasadeed ee dalka.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo isagu ku horeeyey hadalka, waxa uu telefishanka uga mahad-celiyey dhiiri-gelinta iyo jihaynta dhalinyarada, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Waan ku bogaadinayaa HCTV inay jiheeyaan dhalin-yarada iyo barnaamijkan ay qabteen. Dhalinyarada oo kaliya uma baahna in laga jiheeyo bahashan ina wareerisay ee siyaasadda, waxaynu u baahannay in salaadiinta laga jiheeyo siyaasadda oo aad u jihaysaan.

Boqor Cismaan aw-Maxamuud Buur-madow oo hadalka ka daba-qaatay guddoomiye Faysal Cali Waraabe, balse ay u dhexeeyeen dhowr masuul oo guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ka mid yahay, ayaa ka sokow mahad-naqa uu maamulka telefishanka ugu jeediyey hirgelinta barnaamijka, waxa uu Faysal ka daba-qaatay soo-jeedinta uu ku taliyey in Salaadiinta laga jiheeyo siyaasadda ay ku dhex-milmeen, waxaanu Boqor Cismaan oo hadalka Faysal ula muuqaday mid isaga ku socda, kaga hal-celiyey weedho uu si shakhsi ah ugu weeraray, isaga oo kaga dhawaajiyey waxa uu ku tillmaamay baahi loo qabo in la jiheeyo shakhsiyaadka ku margaday siyaasadda dalka.

Weedhaha Boqor Cismaan kaga hal-celiyey hadalka Faysal Cali Waraabe, waxa uu ku sheegay: “Waxaan soo dhawaynayaa dhiirri-gelinta dhalinyarada iyo in la jiheeyo oo aan ku ammaanayo barnaamijkan uu telefishanku qabtay. Laakiin waxa la idiinka baahan yahay siyaasiyinta fashilmayna inaad jihaysaan,” ayuu yidhi Boqor Cismaan Buur-madow.

Maaha markii u horeysay ee Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe sidan oo kale oo uga hadlo doorka madax-dhaqameedka dalku ku leeyihiin siyaasadda dalka. Bishan horaanteedii oo Guddoomiye Faysal warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ka dib socdaal dhowr todobaad qaatay oo uu dalka dibaddiisa ku maqnaa, waxa uu si adag u dhaliilay hab-dhaqanka madax-dhaqameedka dalka oo uu ku eedeyey inay ka gudbeen xayn-daabka Dhaqanka iyo hawlihii loo igmaday, isla markaana ku dhex-milmeen siyaasadda dalka.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment