Hargeysa, 25 June, 2014 (Himilo)- Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable TV ayaa abaalmarinno kala guddoonsiiyey todoba dhalinyaro oo ku soo baxay tartanka sugaaneed la magac-baxay Fanka iyo Fannaanka oo labadii bilood ee u dambeeyey ka socday telefishanka.
Munaasibad balaadhan oo lagu soo gebogabeeyey Tartanka Fanka iyo Fanaaniinta oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-qalay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Marwada Madaxweynaha, Madaxdhaqameed, Fanaaniin, Abwaano, Dhalinyaro, Maamulka iyo Shaqaalaha Horn Cable, iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Tartanka Fanka iyo Faniinta oo socday muddo laba bilood ah kaasi oo ay ka qayb qaadanayeen Dhalinyaro kor u dhaafaysa 100, kuwaasi oo ku tartamayay Heeso Cusub iyo heesihii hore u jiray ee qaraamiga ahaa, kuwaas oo ay ka soo baxeen todoba dhalinyaro oo isku jiray afar hablood iyo saddex wiil.
Agaasimaha Guud ee Horn Cable Tv, Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo ka hadlay munaasibadaasi, ayaa soo bandhigay marxaladaha kala duwan ee uu soo maray tartanka oo uu sheegay in ay baaxadda tartankaas u badheedheen qabashadiisa iyada oo aanay cidi ka caawinayn.
Maxamed Cabdi Ilig, waxauu sheegay in kharashka ku baxay tartankaasi mudadii uu socday uu dhan yahay $43.500 (saddex iyo afartan kun iyo shan boqol oo dollar) oo ku kala baxday, Kharashka Guddida, Kharashka Hawada ee Satellite iyo kharash Malmeedka iyo qabashada Barnamijka Muddadasi labada bilood ah ee uu socday.
“Barnamijkani waxa uu noqonaya kii ugu horeeyay ee nociisa ah ee Televishan gaar loo leeyahay qabto Tariikhda Soomaalida, waxaana dhammaan Kharashkaasi masuliyadiisa iyo dedaalkiisaba lahaa Guddomiyaha Horn Cable TV Farxan Cali Axmed oo qayb wayn ka ahaa dhiiri galinta Barnamijka,” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Ilig, isaga oo intaas ku daray inuu jiro barnaamij noocan ah oo Telefishanku u qaban doono tartanka Gabayada dhowaan.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Boqor Cismaan Buur madaw iyo Masuuliyiin kale oo ka hadlay halkaasi ayaa Horn Cable Tv ku hambalyeeyay dedaalka uu u galay qabsoomidda tartanka iyo dhiirigalinta uu siiyay Dhalinyarada Somaliland ee ka qayb qaadanaysay tartankaasi, waxaanay sheegeen in tartanada noocan ahi ay yihiin kuwo ay qabtaan dawladuhu balse u Horn Cable Tv u badheedhay.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay, gebo-gabadii Munaasibaddaas, ayaa Horn Cable Tv iyo Maamulkiisaba ku amaanay kaalinta uu ka galay dhiirigalinta Dhalinyarada Somaliland, xukuumad ahaanna ay dhawaynayaan tartannada noocan oo kale ah, waxaana uu halkaasi kaga dhawaaqay in dhalinyaradaasi guulaysatay ee tartanka adag soo maray ay si toos ah uga shaqaalaysiin doonaan Wasaarada Warfaafinta.
Gebo-gabadii, Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde, ayaa abaal-marinno kala duwan oo maamulka telefishanku ugu talo-galay guddoonsiiyey Dhalinyarada tartanka ku guulaysatay. Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi abaal marino lagu maamuusayo lagu gudoonsiiyay Guddidii dhex-dhexaadinaysay tartanka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment