Monday, June 23, 2014

Wasiirka Madaxtooyada Oo Mashaariic Horumarineed Ka Fuliyey Degmada Qori-lugud Isla markaana Dhagax Dhigey Kuwo Cusub

Hargeysa (Himilo) Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X Xasan iyo wefti uu hogaaminayo socdaal shaqo ku tagey degmada qori-lugud.

Wasiir Xirsi ayaa ujeedada socdaalkan iyo waxyaalihii u qabsoomayba waxa uu kaga xogwaramay qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay internetka ee loo yaqaano Guush.com.

Qoraalkaasi oo dhameystirani waa kan:-

Safar Shaqo oo aan Maanta ku Tegnay Degmada Qorulugud


“Ujeedada Safarkayagu Wuxuu Salka ku Hayaa Hirgalinta Mashaariic Horumarineed iyo  Kor u Qaadida Nabadgelyada”


Waxay ahayd Maanta Abaaro 1:30 Pm “Duhurnimo” kadib markaan safar shaqo oo iskugu jira kor u qaadida nabadgelyada iyo hirgalinta mashaariic horumarineed  aan ka soo fulinay  deegaanka Qorulugud oo hoos yimaada Buuhoodle

Safarkan ayaa waxaa igu wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleeban Ciise Axmed  “Xaglo-toosiye” Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Beeraha Mud. Aadan Ibraahim Ashqar

xir & xagGuud ahaan markaan gaadhnay degmada Qorulugud ayaa waxaa goobta  nagu soo dhaweeyey  dadweyne aad u fara badan  oo  ay ka muuqato dareen farxad iyo  bushaaro  ah.

Indho indhayn iyo u kuur gelid xaalada degmada ah kadib waxaanu dadweynaha kala hadalnay goob fagaare ah halkaas oo aan uugu bushaaraynay mashaariicda horumarineed ee aanu ka sidno Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland  isla markaana aanu ka gudoonay  qoraal ay noogu soo gudbiyeen baahiyahooda aasasiga ee ka dhiman .

Ugu horayn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan oo ka jawaabay baahi kamida baahiyaha uugu waawayn ee dadweyne kasta oo meel wada degan oo ah caafimaadka ayaa u dhagax dhigay Goob noqon doonto Isbitaal kaasi oo badali doona MCH hadda kahor ka  hawl geli jiray degmada

Wasiirka ayaa u balan qaaday in goobtan ay ka hawl geli doonaan shaqaale intii loogu talo galay isla markaana uu noqon doono Isbitaal ku qalabaysan dhamaan adeegyada Caafimaadka

Mashaariicda kale ee horumarineed ee aan maanta ka fulinay  degmada ayey kamid ahayd in aan ku wareejinay Gaadhi Ciidan oo wax wayn ka tari doonaa amaanka iyo nabad gelyada degmada iyo degmooyinka ku wareegsanba sidoo kalena waxaanu dhagax dhignay  dhisme lagu dari doono xarunta station police-ka degmada

Dhisme-yaasha kale ee aanu u soo dhagax dhignay isla markaana dhamaystirkooda uugu soo bushaaraynay degmada ayey kamid yihiin dhisme loo samayn doono dawlada hoose ee magaalada halkaas oo noqon doonto xafiiskii loogu hawl geli lahaa degmada. Iyo sidoo kale gurigii Martida ee Degmada

Ka sakow Mashaariicdan horumarineed ee aanu maanta degmada gaadhsiinay ayaa waxaa barbar socda dedaalo loogu jiro kor u qaadida amaanka iyo nabadgelyada.

Waxaanu dadweynaha kala hadalnay isla markaana cod dheer uugu sheegnay in nabadu tahay furaha horumarka iyo nolol bogaadin leh

Waxaa xusid  mudan in dedaalkii loo galay hirgalinta Nabadgelyadu ay maanta muuqato midhaheedii  oo aanay col iyo colaad toona ka jirin degmada Buuhoodle iyo degmooyinka hoos yimaadaba

Waxaa  Xasuus  mudan in maanta  isla goobtii xafladu  ka socday ay ku soo biiraan wafti ka kooban madax-dhaqameedka degmada Buuhoodle iyagoo si hufan u sheegay qiimaha nabad gelyada Iyo wada noolashaha dadka wada degan.

Waxay amaan iyo bogaadin u soo jeediyeen dawladooda Somaliland oo ay ku sifeeyeen mid iibinaysa Nabad gelyo iyo horumar oo ah labada asaaska u ah bini’amka

 

Safarkan maanta ayaa noogu soo dhamaaday guul iyo hiigsi horumar aan horaantiisii Hayno

Wa BIlaahi Tawfiiq 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment