Monday, June 30, 2014

Soddomeeyo Tahriibayaal ah Oo Ku Geeriyooday Doonni ay Saarnaayeen oo ku jihaysnayd Talyaaniga

Lambadusa:June,30,2014(Himilo)-Dad kor u dhaafay soddon qof kana mid ahaa Tahriibayaal Doonayey inay Doonni Cidhiidhi ah ku galaan Dalka Talyaaniga ayaa ku dhintay Badda u dhexaysa Italy iyo Libiya.

donDadkan Geeriyooday ayaa la sheegayaa inay ku neef-qabatoobeen Khanka hoose ee Doonnida oo culaysku ka batay, waxana Dadka ay sidday tiradooda lagu sheegay 600-Qof.

Marka laga reebay Soddomeeyada dhimatay dadkaas intoodii kale waxa Badbaadiyey ciidamada badda Talyaaniga, kuwaas oo u qaaday dhinaca Jasiirradda Sicily.

 

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey ciidamada Bada ee Talyaaniga sidan oo kale ugu gurmadeen dad gaadhaya 1.600 tahriibayaal ka yimid qaarada Afrika oo u jihaysnaa dhinaca Xeebaha waddanka Talyaaniga.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment