Tuesday, June 3, 2014

Gabadh Reer Somaliland ah oo ka mid noqotay 25 laga Xushay 1,260 qof oo u tartamay Abaalmarin Caalami ah




Hargeysa, 03 June, 2014 (Himilo)- Raxma Cilmi Ducaale oo ah gabadh da’yar oo Somaliland u dhalatay, ayaa nasiib u heshay inay ka mid noqotay 25 qof oo ku guulaystay abaalmarinta sannadkan ee Barnaamijka MILEAD oo ah sannadle lagu kobciyo awoodda aqooneed ee hoggaaminta iyo horumarinta ee haweenka Qaaradda Afrika.


Raxma Cilmi Ducaale oo ku nool magaalada Hargeysa ee Somaliland, ayaa noqotay gabadha kaliya ee Soomaali ka ah 25-ka gabadhoodh ee sannadkan ku guulaystay, kuwaas oo ka soo kala jeeda 25 waddanka oo ku yaala qaaradda Afrika.


MoremiBarnaamijkan ayaa ah mid sannadle ah oo loo bandhigo dhammaan haweenka dhalinyarada ah ee Aqoontoodu gaadhsiisan tahay heer jaamacadeed eek u nool qaaradda Afrika, kuwaas oo sannad kasta intooda ku guulaysataa qayb ka noqdaan Bahda MILEAD, waxaana lagu tabobaraa sidii ay qayb laxaad leh uga qaadan lahaayeen hoggaaminta iyo horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan haweenka, iyaga oo ka qayb-qaadan doona duruusta iyo waayo-aragnimada uu xambaarsan yahay barnaamijkan oo la yidhaahdo (Moremi Initiative Leadership Empowerment and Development).


Raxma Cilmi iyo 25-ka hablood ee ku guulaystay abaalmarinta sannadkan, ayaa laga dhex-xushay 1,260 qof oo u kala dhashay 42 dal oo adduunka ah, kuwaas oo ka qayb-qaatay Barnaamijkan oo sannadkiiba hal mar la qabto, isla markaana dadka doonaya uga qayb-galaan Scholarships-ka waxbarashada, waxaanu qofku buuxinaya foomam lagu weydiinayo su’aalo iyo macluumaad gun-dhig u ah waxyaabaha looga baahan yahay qofka ka qayb-qaadanaya.


25-ka gabdhood ee ku guulaystay abaamarintan iyo mid ka mid ah Qurbejoogta Afrika ee ku dhaqan adduunka oo loo tabobarayo sidii ay noqon lahaayeen hoggaamiyeyaal da’yar oo qayb laxaad leh ka qaata horumarinta bulshooyinka ay ka soo jeedaan, ayaa u kala dhashay waddamada kala ah Benin, Botswana, BurkinaFaso, Cameroon, Cote d’Ivoire (Ivory Coast), DRC (Democratic Republic of Congo), Ethiopia, Ghana, Gambia, Ghana, Liberia, Malawi, Mozambique, Nigeria, Rwanda, Senegal, Sierra Leone, Somaliland, South Africa, South Sudan, Sudan, Tanzania, Tunisia,  Uganda, Zimbabwe iyo gabadh kale oo ka socota Qurbejoogta da’da yar ee Afrika u dhaalatay balse ku dhaqan qaaradda Yurub gaar ahaan dalka Belgium.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment