Laascaanood, 03 June, 2014 (Himilo)- Afartan qof ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen Dab shalay Subax ka kacay goob Shiidaalka lagu iibin jiray oo ku taallay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee Somaliland, waxaanu sababay khasaare badan oo maaliyadeed.
Dabkaas ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay Foosto shiidaal ku jirtay oo qaraxday ka dib markii naqasku ku dhagay sida ay ku soo warramayaan Weriyeyaasha goobtaas tegay ee ku sugan magaalada Laascaanood. Waxaanay intaas ku dareen in saddex qof dhaawacoodu culus yahay afartan qof oo dhaawac ka soo gaadhay dabkaas oo Booyado biyo ah iyo gacanta ay dadweynuhu ku bakhtiinayeen.
Cabdi Cali Xirsi (Cabdi-Bafle) oo la jaar ah goobtaas Kaalinta Shidaal ahayd oo lagu soo dejin jiray Foostooyinka Shidaalka lagu shubo oo hab ganacsi ahaan ah loogu iibin jiray Shidaalka kala duwan ee Gaadiidku isticmaalo, ayaa sheegay in dabku ka kacay Foosto naqasku ku dhegay oo markii ay qaraxday saamaysay guud ahaan shidaalkii meheraddaas yaallay.
Dadweyne fara badan ayaa isu yimi goobtaa dabkaasi ka kacay si ay uga qayb-qaataan bakhtiinta iyo gurmadka Kaalintaas, waxaanay ku dedaaleen inay bakhtiiyaan dabkaas iyaga oo dadkii ku dedaalayey inay demiyaan inay dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen dad badan oo ku jiray gurmadka lagu bakhtiinayey dabkaas oo lala tacaalay inaanu ka gudbin halkaas oo aanu saamayn ku yeelan qaybaha kala duwan ee magaalada.
Dr. Axmed Caddaani oo Goob Caafimaad ku leh meel ku dhaw meheradda gubatay, ayaa sheegay in afartan qof lagu daweeyey Rugtiisa caafimaad, kuwaasoo uu sheegay inay dhammaantood ku dhaawacmeen dabkaas, kuwaasoo uu xusay inay qaarkood soo gaadheen dhaacyo culus oo gubasho jidhka ah. Waxaanu Dhakhtarku xusay inay saddex qof ugu dhaawac culus yihiin dadkaas afarta qof gaadhaya.
Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada gobolka Sool Cabdirisaaq Axmed Warsame (Dhabayaco), oo dabkaas ka dib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in sababta ugu badan ee keenta dhibaatooyinka dabka ee magaalada Laascaanood ay tahay Dab-demis la’aan maaddaama oo sida uu sheegay inaanay magaalada joogin gaadiid dab-demisyo ah oo ka qayb-qaata bakhtiinta goobaha uu dabku ka kaco.
Waxaanu ganacsatada u soo jeediyey inay iska kaashadaan sidii ay u heli lahaayeen Dab-demisyo ay ganacsigooda iyo guryaha magaaladaba ku ilaashadaan. Waxa kale ee uu Guddoomiyaha Ganacsatada gobolka Sool ugu baaqay Ganacsadaha khasaaruhu ka soo gaadhay dabkaas in gurmad dhaqaale loo fidiyo oo la caawiyo si uu dib ugu bilaabo caafimaadkiisa.
Dabka shalay baabbi’iyey Meheraddaas shidaalka lagu iibin jiray ee magaalada Laascaanood ayay Weriyeyaashu ku soo warramayaan inuu yahay dabkii ugu weynaa ee ka kaca magaalada Laascaanood muddo 19 sano ka badan ee dhaliya khasaarihii ugu badnaa oo dhaawac dad soo gaadhay iyo hanti khasaartay ah. Waxaanay dadku u arkaan inay dhibaatada dabka awoodddiisa sii badiyey Dab-demis la’aantu.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment