Thursday, June 5, 2014

Maraykanka oo Qiratay In Ciidamo Uu leeyahay oo ku Sugan Soomaaliya




 


Washington, 05 June, 2014 (Himilo)- Dawladda Maraykanka, ayaa markii u horreysay muddo labaatan sanno ah qiratay inay ciidamo ay leeyihiin oo hawl-gallada khaaska ah fuliya sannado badan kaga sugnaayeen dalka Soomaaliya.


Kaaliyaha dhinaca siyaasadda ee Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Wendy Sherman oo todobaadkan khudbad ka jeedisay machadka Nabadda ee dalkaas, ayaa sheegtay inay jiraan ciidamo Maraykan ah oo siyaabo kala duwan uga hawl-galayey dalkaasi Soomaaliya intii ka dambaysay sannadkii 1993-kii oo Ciidamo Maraykan ahi galeen dalkaas ka dib markii ay dhacday dawladdii Dhexe ee Soomaaliya.


Afghanistan“Ciidamo Maraykan ah, kuna jiraan kuwa hawlgallada khaaska fuliya ayaa noo joogay qeybo ka tirsan Soomaaliya sannado badan,” sidaas ayay tidhi haweenaydan oo xaaladda Soomaaliya wax lagaga weydiiyey machadkaas oo todobaad kasta lagu qabto doodo ku saabsan arrimaha siyaasadda adduunka.


Ms. Sherman waxa ay tafaasiil ka bixisay ujeeddada iyo hawl-gallada ciidamadooda muddada sugnaa Soomaaliya, iyada oo carrabka ku dhufatay inay sii wadayaan hawl-gallada ciidankoodu ka fuliyo gudaha Soomaaliya, waxaanay tidhi, “Ujeedadoodu waxa weeyi inay la shaqeeyaan Soomaalida iyo ciidamada AMISOM, kana siiyaan macluumaad iyo talooyin la dagaalanka Al-Shabaab.”


“Taasi way sii socon doontaa iyo weliba weerrarada milateri marba xilli oo lagu beegsanayo ashkhaasta la xaqiijiyo inay qeyb ka yihiin Al Qaeda," ayey tidhi Haweenaydan dhinaca siyaasadda u qaabilsan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka.


Himilomedia.com                      


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment