Dawlaha Caalamka ayaa Gurmad ka Geystay inay Dawladda Xasan sheikh Gaadhsiiyaan Gawaadhi aanay Rasaastu Karin, maadaama Qaraxyadu Muqdisho ku soo Bateen, waxana Haatan la Helay Jawaabtii ugu horraysay ee arrintaas.11-kamid ah gaadiidka nooca aan karin rasaasta ayaa maanta lagu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana deeqdaasi ay ka timid Dowladda Imaaraadka Carabta oo kamid ah Dowladaha taageera Soomaaliya.
Madasha gaadiidkaan Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu wareejinaye, ayaa waxaa ku sugnaa Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Dalka Soomaaliya Maxamed Al-Cuthmaan oo sheegay in Dowladda ay ku wareejiyeen maanta gaadiid gaadhaya 11-nooca aan rasaasta karin.
Wuxuu goobta ka sheegay in arintani ay qeyb ka tahay taageerada Dowladda Imaaraadka Carabta ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna sii wadayaan sida ay u taageerayaan Dowladda Soomaaliya.
11-ka Gaadiidka nooca aan rasaasta karin Dowladda Soomaaliya waxaa uguddoomay Agaasimaha madaxtooyada Taabit Abdi Mohamed, oo goobta ka sheegay in Imaaraadka Carabta ay umahadcelinayaan taageerada joogtada ah ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.
Himilo Meida
No comments:
Post a Comment