Hargeysa, 05 June, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u xoojisay ka-gudubka xuduudka u dhexeeya dalka Jabuuti, ka dib markii horaantii bishii hore qaraxyo dadka is-miidaamiyeen fuliyeen ka dhaceen badhtamaha Caasimadda dalka Jabuuti.
Badhasaabka gobolka Selal Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa sheegay in dawladda Somaliland wax-ka-beddel ballaadhan ku samaysay baadhitaannada lagu sameeyo gaadiidka iyo dadka u safraya dalka Jabuuti, kuwaas oo inta aanay gaadhin magaalo-xuduuddeedda Lawyacaddo lagu sii baadhi doono laba bar-kaantarool oo kale.
Badhasaabka gobolka Selal waxa uu ku dooday in qaraxyadii laga fuliyey dalka Jabuuti wax-ku-qaadasho iyo feejinaan dheeraad ah ku abuureen labada dalka isla markaana la xoojiyey baadhitaannada lagu sameeyo gaadiidka isaga gudba xuduudaha Jabuuti iyo Somaliland.
Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu iftiimiyey inaanay dhinaca Somaliland ku koobnayn dhaliisha dhinaca ammaanka ee suurto-galiyey in dadka is-qarxiyey ka tallaabaan dhinaca xuduudka Somaliland oo marinkoodu ahaa, isaga oo sheegay inay jiraan saraakiil dawladda Jabuuti ka tirsan oo fal-dambiyeedkaas qayb ku lahaa.
“Waxa la caddeeyey inay Dadku (kuwii geystay Qaraxa Jabuuti) ka gudbeen xuddeenna Lawya-caddo, arrinkaasina waa wax dhici karaya, waa wax aan hore loogu dabanin (filayn), waxay noqonaysaa arrin taxaddar fara-badan laga yeelanayo.
Xagga shisheba waxa jira saraakiil ay isku sheegeen oo ay is-magac garanayeen, markaa hadday maanta dhacday, berry dhici mayso in si yar oo fudud xadka looga tallaabo. Jabuuti Xadkeeda may xidhin, innaguna (Somaliland) xadkeenna maynaan xidhin, laakiin waxa laba dhanba laga bilaabay taxaddar badan in la ilaaliyo oo la sugo amniga iyo isku-gudubka dadka oo qof aan la garanaynin ama sharci la hubo sidanin, aanu dhinaceenna ka tallaabi karin, dhinacoodana ka soo tallaabi karin,” ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Selal.
Guddoomiyaha Gobolka Selal oo ka hadlay tallaabada ay maamul ahaan kaga fal-celiyeen dawladda Jabuuti oo dhacdadaas ka dib baadhitaanno ay samayeen dhinaca Somaliland farta ku soo fiiqay isl amarkaana sheegay inay xuduudka gobolka Selal uga soo tallaabeen dadka is-qarxiyey, ayaa waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Dhinaceena ka gobol Selal ahaan hay’adaha amniga waanu ka shirnay oo shir deg-deg ah ayaanu galnay, Kaantaroolladiina waanu fara badinney; Caasha-caddo ayaa Kaantaroolka ugu adagi noqonayaa, waddadaas Caasha-caddo ayay isugu yimaaddaan baabuurta imanaysa Selal ee ka imanaysa gobollada kale ee dalku, halkaasaa lagu hubinayaa.
Dabadeed waxa lagu sii kaantaroolayaa Bariisle, waxa Kaantaroolka saddexaad noqonayaa Lawya-caddo oo intaba waxa la dhigay niman aqoon u leh dadka, aad baana loo ilaalinayaa, waxaana sidaas loo yeelayaa waa nabad-gelyada shacabka Somaliland iyo kuwa reer Jabuuti,” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Selal.
Bishii hore 24-keedii ayaa Hotel ku yaala badhtamaha magaalada Jabuuti oo ay cunteeyaan dadka Ajaanibka ah, ayaa laba qof oo is-miidaamiyey qarax la beegsadeen, waxaan halkaas dhaawacyo ka soo gaadheen dhowr iyo toban qof oo Ajaanib ah, waxaana ku dhintay hal qof oo dhalashadiisa lagu sheegay Turki, waxaana laba maalmood dhacdadaas ka dib masuuliyadda qaraxaas sheegaatay Malleeshiyaadka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment