Saturday, January 31, 2015

Maxaa ka jira in Dawladda Itoobiya Diidday soo-dhiibista Suldaan Wabar?

Hargeysa, 31 Jan, 2014 (Himilo)- Warar ay faafiyeen warbaahin fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayaa lagu sheegay in Dawladda Itoobiya ku gacan-saydhay codsi ay Somaliland ugu gudbisay inay ugu soo gacan-galiso Suldaan Abubar Wabar oo dhaq-dhaqaaqyo ammaanka Somaliland ka dhan ah ka wada xuduudka u dhexeeya labada waddan.

War lagu daabacay Jariiradda Indian Ocean Newletter, ayaa lagu sheegay in dawladda Itoobiya ku gacan-saydhay dalab ay xukuumadda Somaliland ugu gudbisay in gacanta loo soo geliyo Suldaan Wabar oo ku sugan gudaha dalkaasi Itoobiya, iyada oo jariiraddu warkeedu ku xustay hadallo ay ka sii xigatay saraakiil ka tirsan dawladda Itoobiya oo arrintan ka hadlay.

brigadier-general-berhe-tesfayeHaseyeeshee, waxa warkan waxba kama jiraan aan sal iyo raad-toona lahayn ku tilmaamay Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Brig. Gen. Berhe Tesfaye oo wargeyska HIMILO xalay khadka telefoonka wax kaga weydiiyey jiritaanka arrintaas.

“Ma jirto hadal ka soo baxay xukuumada Itoobiya oo ku saabsan diidmada soo dhiibitaanka Suldaan Wabar, ama masuul ka tirsan oo ka hadlay,” Sidaas ayuu yidhi Mr Berhe Tesfaye.

Suldaan Wabar oo ka tirsan Madax-dhaqameedka gobolka Awdal, ayaa hore u shaaciyey inuu bilaabayo dhaq-dhaqaaqyo hubaysan oo ka dhan Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay xoreynayaan gobollada Awdal iyo Selal oo uu ku dooday inuu ka goynayo Somaliland inteeda kale. Waxaanu ilaa wakhtigaas ku dhuumaalaysanayey deegaannada xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Haseyeeshee madax-dhaqameedka iyo wax-garadka Awdal, ayaa sheegay inaanau la wadaagin Suldaanka mowqifkiisa isla markaana isaga ku kooban yahay.

Madaxweynaha Somaliland oo dhowaan booqasho ku tagay gobolka Awdal, ayaa sheegay in xukuumaddiisa gacan-bir ah ku qabanayso cid kasta oo gudaha dalka ka samaysay falal amni-darro oo waxyeello u geysan kara midnimada iyo qaranimada Somaliland.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo kormeer ku sameeyey Bilowga Wajiga labaad ee dhameystirka balaadhinta Dhabaha dayuuradaha ee Madaarka Cigaal

Hargeysa (Himilo)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta kormeer ku sameeyey bilowga dhamaystirka Wajiga labaad ee balaadhinta Dhabada dayuuradaha ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal.

IMG_5283Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo ay Wehelinayeen Wasiiradda Wasaaradaha Duulista iyo Hawadda, Maaliyadda, Gaashaandhiga Xidhiidhka Golayaasha, Hawlaha guud iyo Xildhibaano ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda  ayaa ka qayb galay munaasibad kooban oo loo qabtay bilowga qaybta Daamurka ee koradhsiinta lagu samaynayo Run-wayga Madaarka Cigaal.

Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ maanta waxaanu mudane madaxweyne ku xigeen iyo xubnaha wasiirada ee sharafta leh, ee aanu maanta munaasibada wada joogno, waxaanu bilownay balaadhintii Dhabada dayuuradaha qaybtii ugu dambaysay, waxaana la dhigayaa daamurkii, shaqadan aynu maanta halkan ka bilownay waxa weeye Kun iyo Laba boqol iyo Konton Mitir (1250 M) oo lagu darayo Runway-ga madaarka caasimada ee Cigaal, waxa ay hawshani ka kooban tahay laba leeyar oo ka hore yahay Lix Santi Mitir (6 CM) ka dambena afar santi mitir (4 CM) uu yahay, hawshan waxa la wadday muddo sanad ku dhaw, oo laga shaqaynayey dhabadaas iyo sidii loo soo dhishi lahaa, shaqadan intii adkayd waynu soo qabanay, Dhulka waa la qoday ka dib dhagax adag ayaa lagu soo dhisay, waa la soo buuxiyey aad ayaa loo adkeeyey, shaqadu xoogeeduna taas ayey ahayd, hawsha aynu maanta qabanaynaa  waa shaqadaas wajigeedii labaad oo daamurkii ah, waxaanu rajaynayaa in muddo bil gudaheed ah aynu hawshaasi ku dhamaato qaybtaasi, ka diba aanu u gudbino qaybaha kale ee Apron-ka iyo baarkinka oo la balaadhinayo, Taxi-way labaad oo isna la samaynayo, arrintaasi waxay Garoonka caasimada ee Cigaal ka dhigi doontaa Garoon weyn oo caalami ah, iyo Dekad labaad oo dalkan u soo korodhay, waa guul qarankan Somaliland uu leeyahay waa guul Xukuumadan Kulmiye ay leedahay, ILAAHAY ayaa ku mahad leh.”

Wasiirka Duulista Somaliland ayaa sidoo kale intaasi ku daray “ waxaan jecelahay inaan u mahad naqo dawladda Kuwait oo mashruucan oo inaga caawinaysa oo muddan inay u mahad naqno, waxaan jeclehay inaan sidoo kale u mahad naqo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada Somaliland oo runtii nagala shaqeeyey mashruucan, oo marka laga tago mashruucan Kuwait suuro galiyey lacag fara badan oo madaarkan la galinayo oo Xukuumadda Somaliland ay bixinayso, waxa ka mida banaynta Saddex iyo toban Kiiloomitir (13KM) oo madaarka ah oo xayndaab lagu wareejiyey, oo wixii dhisme iyo beero ku dhex jiray ay Dawladda Somaliland mag dhabayso, oo ay dadka u celinayso, waxa kale oo ka mida laydhkii madaarkan ee habeenkii suuro galinayey inay Diyaaraduhu adeegsadaan, oo ay Xukuumadu soo iibisay lacagteediina aanu bixinay, ayna ka qayb qaateen shirkadaha Daallo iyo Juba isla markaana ay kaalmo ka gaysteen, xukuumadduna ay kharash weyn bixisay, saddex billood gudahood aanu ku tallo jirno inuu Garoonku noqdo mid habeenkii shaqeeya Insha Allaah.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ( Saylici) oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa yidhi “ Runtii waxaanu maanta aad ugu faraxsanahay in balaadhintii gagada diyaaradaha Egal International Airport wajigii u danbeeyay maanta la billaabay oo muddo soo socotay, hawl adagna laga soo qabtay runtii, waxaa maanta ummadda reer Somaliland guul u ah wixii bil ama laba billood ka danbeeya uu madaarkani noqonayo mid buuxiyey dhamaan shuruudaha madaarada caalamiga ah, isla markaana waddooyin badan oo dhib lagu mari jiray lagaga raysan doono, waxa ay u tahay guul Xukuumadda Somaliland ee jirtay muddada Afarta Sano Iyo badhka ah, himilooyinkeediina runtii ku guulaysatay, waxaanu maanta ugu bushaaraynaynaa ummada reer Somaliland, ballan-qaadyadii aanu ummadda u samaynaynay inay ahaayeen wax suuro gal ah oo rasmi ah.”

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ iyada oo aanu ummadda u adeegayno xilkay noo igmatayna ugu adeegno sida ugu qiimaha badan leh, iyo baahiyaha ay tabayeen oo aan gaadhsiinay, arrintani waa talaabadii ugu weyneyd ee lagu dhiirado loona dhabar adaygay in xaga horumarka loo kaco, madaarkan Egal International in uu noqday madaar caalami ah, cidna kama qarsoona, intii hore ee la soo sameeyey waxa ay ahayd Laba Kiiloomitir iyo Shan boqol oo Mitir (2.5KM), hadda intan lagu darayaana waa 1KM iyo rubuc, markaa waa Afar Kiiloo mitir 4KM oo rubuc la, taasi waxay cadaynaysaa in madaarkii noqoday madaar caalami ah oo ay diyaarad kasta oo caalamka ka duushaa ay  ka soo dagi karto kana duuli karto, taas waxaanu ugu bushaaraynaynaa dadkii qurbajooga ah ee meelo badan oo dhibaatooyin leh soo mari jiray ay kaga raysan doonaan ama fursado badan ay heli doonaan oo diyaaradihii dalka iminayey ay badan doonaan, marka adeegani ay helaan oo madaarkii uu noqday madaar caalami ah taasina ay fudaydin doonto xaga helitaankii wakhtiga iyo xagii kharashka oo ka yaaraan doona maadaama ay Diyaaraduhu kooban yihiin hadda.” Ayuu yidhi Mudane Saylici.

Waxa kale oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, oo ka mida Madax dhaqameedka faca weyn ee Somaliland waxaanu yidhi “ aad baan ugu hambalyenayaa Xukuumadda maanta taladda dalka haysa, dalka way arad tireen intii awooda ahayd, waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa Wasiirka Duulista iyo hawadda oo runtii muujiyey wasaarad ahaan waxaan la filayn inuu qabsoomi karo, waayo  waxa ka mida maanta halkaas aynu taagan nahay ee madaarku nin waliba siduu ahaa wuu garanayaa, hadaad eegto dhismahiisa gudaha, haddaad dhabada dayuuradaha eegto, aad iyo aad ayaan u hambalyeynayaa Wasiirka, maanta madaarkeenu wuxuu la dhigan yahay, oo uu la tartamayaa madaaradii caalamka, iyadoo aynu awoodeena garanayo, Wasiir Maxamuudoow waan ku hambalynayaa, aad ayaan kuu bogaadinayaa waxaan jecelahay inay Wasiirada kale kugu daydaan oo aad adigu tilmaanta koowaad noqoto.” Ayuu yidhi Suldaan Cismaan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA

[gallery ids="14872,14888,14887,14886,14885,14884,14883,14882,14881,14880,14879,14878,14877,14876,14875,14874,14873"]

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Khabiir Ururka Daacish U Samayn Jirey Hubka Kimikada ah Oo Maraykanku Duqayn Ku Dilay

Mousil:Jan,31,2015(Himilo)-Khabiir Ururka Daacish u qaabilsanaa Dhinaca Samaynta Hubka Kimikada ah, ayaa maraykanku sheegay inay ku dileen Duqayn qorshaysan oo diyaaradihiisu ka fuliyeen Gudaha Dalka Ciraaq.

top-newsWar ka soo baxay Milateriga Mareykanka ayaa lagu sheegay in ninkan Khabiirka hubka kiimikada lagu magacaabayay Abuu Maalik, kaasoo weerar cirka ah lagu dilay 24-kii bishan January.

Abuu Maalik ayaa ahaa Engineer hubka Kiimikada ku takhasusay, waxaana uu ka tirsanaa dowladdii Sadaam Xuseen ee xukunta laga tuuray sanadkii 2003, waxaa uu ku biiray Al-Qaacida, isagoo kadibna ka mid noqday dowladda Islaamiga.

Ninkan ayaa la sheegay in weerar ka dhacay agagaarka magaalada Mosil lagu dilay, iyadoo Mareykanka uu sheegay in dilkan uu dhabar jab ku yahay Kooxda Daacish.

Waxaa jirtay shaki laga qabay in Daacish ay isticmaasho hub ka sameysan sunta gaaska ah oo ay u adeegsato weerarada iyo qaraxyada ay ka fuliso dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Isbaheysiga uu hogaaminayo Mareykanka ayaa ka fuliyay Ciraaq boqolaal weeraro cirka ah oo ka dhan ah Daacish, waxaana weeraradan lagu badhtilmaameedsaday goobo saldhig u ahaa dowladda Islaamiga.

 

Himilo Media

Somaliland Oo Ka Falcelisay Hadallo Diblomaasiyadda Ka baxsan Oo Maamulka Puntland Kasoo Yeedhay, Cawaaqibkiisana Ka kadigtay

Hargeysa:Jan,31,2015(Himilo)-Somaliland ayaa Jawaab cad ka Bixisay Hadal Deelqaaf ahaa oo dibadda ka ahaa Hannaanka Diblomaasiyadeed oo shalay wasiir ka tirsan Maamulka Puntland uu ku weeraray Somaliland iyo Markabka Hubka sida eek u xidhan Dekedda Berbera.

cadeerWasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo Maanta warbaahinta kula Hadlay Xafiiskiisa, ayaa sheegay in Hadalka kasoo yeedhay Maamulka Puntland uu ahaa mid aan milgo lahayn oo dibadda ka ah, waxana uu sheegay inay wax lagu faano tahay in Somaliland ay gacanta ku hayso Markab hub lagu soo qariyey, isagoo carrabka ku dhuftay in Bogaadinta tallaabadaas ee dunida ka imanaysaa ay iska soo daba dhacayo,

“Hadalkaasi waa mid ay Puntland caadaysatay, Somaliland-na waa u faan inay markab Hub sida qabato, jiritaankeedii iyo Inay Badda ilaalinayso ayey caddaan u tahay, caalamkuna dad wada caamo ah oo la camayn karo ma aha, waana na wada bogaadinayaa oo qoraal baa nalagu soo bogaadiyey ciidan baana dulsaaran hoos baana looga sii daadaageyaa oo hubka cidda leh baa la ogaanayaa.” Ayuu yidhi wasiir Cadami.

Wasiir Cadami ayaa sheegay in Somaliland ciidankeeda Badda iyo kuwa dhulkaba ay faan u tahay inay gacanta ku dhigaan Markab hub lagu soo qariyey, isagoo arrintaasna si gaar ah ugu ammaanay Maamulka Marsada Berbera, waxana uu yidhi,

“Malaha ninka Hadlay Shuruucda Badda waxba kama yaqaano, waxanan filayaa inuu qolada Xoolo raacatada ah yahay, dunida cid is xaddaana ma jirto, somaliland-na waxay ku faanaysaa Ciidamadeeda badda iyo kuwa dhulku waxay ku ammaanan yihiin inay ogaadeen Markab Tuugo loogu talo galay oo badeecaddii la sarraysiiyey Miinadii iyo Hubkiina Hoos la dhigay, dekedda iyo Maamulkeedana ku ammaan yihiin.”

Wasiirka oo ka Hadlayey arrinta markabka Hubka sida iyo waxa laga yeelayo, ayaa sheeg in sharciga Badda lamarin doono, isla-markaana aan lasii dayn doonin ilaa iyo inta si cad loo helayo cidda Hubkaas loo waday, waxana uu yidhi,

“Baddu sharci gooni ah bay leedahay Sharcibadeedkiibaana la isla marayaa, wax maalin iyo laba iyo Bil midna ku dhamaan mayso wax uu khayr qabahaasin ku jawaabi doonana garan maayo.Somaliland-na waxa ay dhalada ka saaraysaa Tuhmad aanay qaadi Karin oo u qalmin ay dhalada ka saaraysaa Puntland, waana macaamiilxumo keenaysa inaan waxba la iskaga tudhin.”

 

Himilo Media

Guddoomiye Cirro Oo Xubno Cusub Maanta U Magacaabay Xilal ay Ka Qaban Doonaan Xisbiga Waddani

Hargeysa:Jan,31,2015(Himilo)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa Maanta Masuuliyiin Cusub oo katirsan Xisbigiisa Xilal u magacaabay.

cirro wadaniQoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha oo Xilalkaas Lagu Magacaabay, ayaa sidatan u dhignaa:

Ujeeddo: Magacaabis Xilal

Markaan Darsay: Qod 28 Xisbiga WADDANI

Markaan Arkay: Baahida loo qabo In la buuxiyo Xilaalka Xisbiga ee Gobolka Maroodijeex

Markaan la Tashaday: Hogaanka Xisbiga Waxaan Maanta oo taariikhdu tahay 31/01/2015 markaan tixgelinay soo jeedinta Guddidi uu magacaabay Gudoomiyuhu taas oo tixraaceedu ahaa Ref/XIS/WAD/XDH/1178/ 014 ee Dec.12/2014

Waxaa Hoggaanka Xisbigu u magacaabay Xubnaha hoos ku xusan in ay noqdaan Guddida Gobolka Maroodijeex.

Xubnaha Guddida

Siciid Muuse Cabdi (Bustaale ) Gudoomiye Gobolka

2 Maxamed Axmed Cabdiraxmaan Gudoomiye ku Xigeenka 1aad

3 Mawliid Muuse Dacar Gudoomiye ku Xigeenka 2aad

  1. Khadar Jamaal Maxamed Gudoomiye ku Xigeenka 3aad

  2. Mahad Xaaji Faarax Axmed Xoghayaha Gobolka


6.Cabdishakuur Xuseen Cabdi Khasnajiga Gobolka

Waxaan ilaahay ka baryeynaa in ay ku soo biirin doonaan xisbiga WADDANI fikirado wax ku ool ah iyo in ay ku soo kordhin doonaan waayo aragnimadooda iyo khibradoodaba ay u leeyihiin la dhaqanka dhaliinyarada Gobolka Gebiley ee Xisbiga WADDANI ay gaadhsiin doonan horumar.

 

Alla Mahad Leh

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

 

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

 

Himilo Media

Itoobiya oo ka hadashay Mowqifkeeda la xidhiidha Hubka Saaran Markabka ku xidhan Dekedda Berbera oo ay Indhahooda ku soo arkeen

Sarkaal ka tirsan Safaaradda Itoobiya oo Berbera ku tagay indho-indhaynta Markab Hubku saaran yahay

 

Hargeysa, 31 Jan, 2015 (Himilo)- Dawladda Itoobiya, ayaa markii u horeysay ka hadashay Markab dhowaan ku soo xidhay dekedda Berbera, kaas oo xukuumadda Somaliland xannibtay kaddib markii laga helay saanad-milari oo laga shakiyey cidda iska leh.

 

[gallery columns="2" ids="14852,14851"]

Markabkan oo maalmihii u dambeeyey ku xannibnaa Dekedda Berbera, xukuumadda Somaliland-na sheegtay inay gacanta ku hayso baadhitaanka cidda iska leh hubka saaran, waxa ay dawladda Itoobiya oo Somaliland iskaashi kala leh dhinaca ammaanka u dirtay sarkaal sare oo ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa.

brigadier-general-berhe-tesfayeSafiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa Brig. Gen. Berhe Tesfaye, ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Xafiiskiisu u diray xogogaal u noqoshada xaaladda Markabka ku xidhan dekedda Berbera ee saanadda Milatari lagu qabtay, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay inay qayb ka tahay wada-shaqaynta dhinaca ammaanka ee ay wadaagaan Somaliland.

Berhe Tesfaye oo wargeyska HIMILO wax ka weydiiyey jiritaanka war lagu baahiyey warbaahinta qaarkeed oo lagu sheegay in dawladda Somaliland ay safiirka Itoobiya ka horistaagtay booqasho uu ku tagi lahaa magaalada Berbera, waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin warkaas, balse uu jiro sarkaal ka tirsan xafiiskiisa socdaal ku tagay magaalada Berbera.

“Waxba kama jiraan socdaal aan ku tegay dekedda Berbera oo kuna soo eegayey markabka oo lay diiday, balse waxa jiray sarkaal ka tirsan safaaradda Itoobiya ee Somaliland oo socdaal ku tegay xog-ogaal u noqoshada arrimaha la xidhiidha markabka iyo waxa saaran,” Sidaas ayuu yidhi Mr Berhe.

Mr. Berhe oo la weydiiyey inay xukuumadda Somaliland ka wada hadaleen arrimaha Markabka iyo ujeeddada socdaalka sarkaalka ku tegay dekedda Berbera waxuu ku jawaabay, “Kamaanu wada-hadal, sabab aan u weydiiyo ma jiro waa hawl xilkeeda ay leedahay Somaliland, haddii arrimo saamayn leh ay qabaan way nala wadaagi karaan,” ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Tegitaanka sarkaalka safaaradda ee dekeda Berbera waxuu ahaa kormeer caadi ah oo xog-ogaal ugu soo noqonayey arrimahaa markabkaa iyo waxa uu sido inaanu cadow lahayn, waana arrin aanu wada shaqeyn ka leenahay xagga amaanka Somaliland.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

“Waxaan si dhab ah u aaminsanahay in laynooga baahan yahay dhegeysiga shacabka ee qadiyadda Aqoonsiga”

Dood Baarlamaanka Ingiriisku Yeeshay Aqoonsiga Somaliland lagu soo hadal-qaaday

London,  31 Jan, 2015 (Himilo)- Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa ku baaqay inay muhiim tahay dhegeysiga Dalabka shacabka Somaliland ee ku aadan madaxbanaanida dalkooda, una qalmaan in lagu taageero dedaalada ay ugu jiraan horumarka.

3tfw53utg3sdby5vxkljMr. Stephen Doughty oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Shaqaalaha oo warbixin ka jeedinayey dood baarlamaanku yeeshay Khamiistii doraad, ayaa isbarbar-dhig ku sameeyey sida dalka Ingiriisku ula macaamilo arrimaha dalalka Somaliland iyo Yemen.

Mr. Doughty waxa uu ku dooday inaanu jirin doonin horumarin la gaadho haddaanay nabadgellyo jirin isla markaana ay meesha ka bixi doonaan dedaallada xukuumadda Raywasal-wasaare David Cameroon iyo tii ka horeysya ka gaysteen horumarinka waddamo uu tusaale ugu soo qaatay dalka Yemen oo xilligan qarka u saaran dagaal-sokeeye.

“Taa cakiskeedu (xaaladda Yemen) waxay ka dhacaysaa Somaliland oo dhiirigelinaysa horumarka, nidaamka dimoqraadiyada iyo dedaalada ay kaga hortagayso in argagxisada Shabaab, oo waxbadan ka faa’iideen bulshadeedu,” ayuu Xildhibaanku ku sheegay doodda uu ka dhiibanay Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska.

Xildhibaan Doughty ayaa sheegay inay isweydiin mudan tahay aqoonsiga Somaliland, loona baahan yahay baarlamaan ahaan inay dhegeystaan rabitaanka shacabka.

“Waxa jira su’aal muhiim ah oo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland. Waxaan si dhab ah u aaminsanahay in laynooga baahan yahay dhegeysiga shacabka ee ku aadan qadiyada aqoonsiga. Waana tusaale muujinaya sida horumarku muhiim u yahay, iyo sababta loo baahan yahay inaan sii wado arrimahaa, maadama ay yihiin ubucda horumar sii socda,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika oo taageero u muujiyey Dalalka Madax-bannaani-doonka ee qaaradda Afrika

Rober Mugabe oo loo doortay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika

 

Addis Ababa, 31 Jan, 2015 (Himilo)- Hoggaamiyaha ugu da’da wayn Madaxda Qaaradda Africa, ayaa loo doortay guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika 12- bilood ee sanadkan 2015-ka, isaga oo xilka kala wareegay madawaynaha dalka Muritania Mohamed Ould Abdel Aziz oo jagadaasi hayay sanadkii 2014-kii.
saxaraha galbeedRobert Mogabi oo ah 90 jir muddo dheer hoggaaminayay waddanka Zimbabwe ee Koonfurta Qaaradda Afrika, waxa uu xilka kula wareegay munaasibad shalay ka dhacday Shirka ururka Midowga Afrika oo ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaanu khudbad uu halkaas ka jeediyey oo si weyn loogu khushuucay uu taageero ugu muujiyey dalalka madax-bannaani doonka ee qaaradda Afrika.

Shir-madaxeedka hoggaamiyeyaasha Afrika ee wali ka socda magaalada Addis Ababa, ayaa diiradda lagu saarayaa Amniga Qaaradda waxaa si gaar ah isha loogu hayaa ururka Boko Xaaraam ee dalka Nigeria.

Rober Mugabe oo reer Galbeedku cuna-qabatayn xagga sodaalka ah ku soo rogeen, ayaa doorashadiisa kaddib khudbad uu ka jeediyey Madasha xilka loogu wareejiyey, waxa uu ka dareen-celiyey kalsoonida uu ka helay madaxda Qaaradda Afrika.

“Waan ku faraxsanahay haddii aad ii doorateen hoggaankiina si khushuuc leh ayaan u aqbalayaa go’aan-wadareedkiina,” ayaa uu yidhi Mogabi.

Mr Mugabe waxa uu soo-hadal qaaday dhaq-dhaqaaqyada madax-bannaanida doonka ee qaaradda Afrika, gaar ahaan dalka Saxaaraha Galbeed oo ka goostay waddanka Marooco, iyada oo dhammaan madaxdii ka qayb-qashay shirku ay u sacabbo-tumeen Mr Mugabe markii uu soo hadal-qaaday qadiyadda ka taagan Saxaaraha Galbeed (Western Sahara).
“Inta ay walaaladayashada Saxaaraha Galbeed ku soo hoos-jiraan Gacanta Marooko, wali maynaan dhammaystirin madax-bannaanideenna.”

Waddanka Saxaaraha Galbeed oo ay xuduud wadaagaan dalalka Mauritania, Al-jeeriya iyo Marooco oo muranku ka dhexeeyo, ayaa xubin joogto ah ku leh Ururka Midowga Afrika, waxaana maamulkiisa gacanta ku haysa Jabhad lagu magacaabo Polosariu oo muddo badan dagaal ka dhexeeyay dalka Marooco oo ku doodda in Saxaaraha Galbeed ka tirsan yahay dalkeeda.

Robert Mogabi ayaa noqonayaa hogaamiyihii 13-aad ee qabta jagada guddoomiyaha guud ee Midowga Africa oo ay si wareegto ah ugu tartamaan hogaamiyeyaasha shanta gobol ee bariga, galbeedka, waqooyiga, koonfurta iyo badhtamaha qaaradda Afrika.

Madaxweyne Mugabe oo ah hoggaamiyaha ugu xukunka dheer guud ahaan qaaradda Afrika, waxaanu dalkiisa hoggaaminayay tan iyo markii xorriyada uu qaatay waddanka Simbabwe sannadkii 1980-kii. waxaa lagu dhaliilaa inuu siyaasad kali talis ah ku maamulo dalkaasi, waxaana saaran xanibaad safarka ah oo ay kusoo rogeen midawga Europe iyo Maraykanka oo dalalkooda ka mamnuucay inuu yimaado taasi oo caqabad ku noqon karta xilkiisa cusub waxaana xilka uu hayn doonaa ilaa bisha January ee soo socota.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Xukuumadda oo Jawaab bixisey Eedayn Maamul-goboleedka Puntland ugu jeediyey Markab ku xidhan dekedda Berbera

Hargeysa, Jan 30, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay eedayn maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ugu jeediyey inay iska leedahay hub laga helay markab dekedda Berbera ku xidhan oo alaabooyin ugu rarnaayeen ganacsato dalka u dhalatay.

WASIIR KU XIGEENKAWasiirka Amniga ee Maamul-goboleedka Puntland Xasan Cismaan Aloore oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa ku dooday in Somaliland leedahay hubka oo uu sheegay in laga dejiyey markabka. Wasiirka Maamul-goboleedka Puntland oo eedayntiisu u muuqatay mid xaqiiqada ka durugsana, waxa uu intaas ku daray inay cabsi qabaan hubkaasi inuu u gacan-galo Kooxaha Xag-jirka ah.

Haseyeeshee, waxa eedaynta maamul-goboleedka Puntland jawaab ka bixiyey wasiir ku-xigeenka Waaxda Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Cilmi oo sheegtay in eedaynta maamul-goboleedka Puntland tahay mid aan loo meel-dayin oo xaqiiqada ka fog.

“Somaliland hubkan iyadaa qabatay, iyadaa sheegtay, Indhihii Caafimaad-qaba iyo caqliga Saliimka ahiba wuu garan-karaa, haddii aanu hubka qarsanayno maanaan sheegneen.

Hubkaasi waa mid si sharci-darro ah ku yimi oo u soo galay dalka, gacanta ayaanan ku haynaa. Wax shabaab layidhaahdo oo Somaliland ay u shaqo-leedahayna ma jirto, sababtoo ah Somaliland waxay tahay cidda ugu badan ee Al-Shabaab kala dagaalanta dalkeeda inaanay wax dhibaato ah ka samaynin, waana dhacdooyin la ogyahay,” Sidaass ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland.

Wasiir Amniga Somaliland, waxa uu maamul-goboleedka Puntland uga digay, “Meesha ay ku Milan yihiinna ee ay hawsha ku wadaanna waa Puntland, markaa (Wasiirka Puntland) qudhunka dhexdiisa yaalla inuu kula soo gal-gasho Somaliland waa wax laga xishoodo, af masuul ku hadlona maaha, hadduu af-masuul yahay, waxaas wax dhaama ayuu sheegi lahaa, wax lanagu eedeeyana maaha,” ayuu yidhi Md Cali Maxamed Cilmi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Sarkaal Al-Shabab ka diga-rogtay oo Ingiriiska gacan-siinaya Qabashada Haweenay reer Galbeedku ku Dawakheen

Muqdisho, 31 Jan, 2015 (Himilo)- Zakariye Ismaaciil Xirsi oo dhowaan isku dhiibay Dowladda Soomaaliya kaddib markii uu shaaciyey inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab oo uu taageersanaan jiray, ayaa ballan-qaaday inuu gacan ka geysan doono Soo-qabashada Samantha Lewthawite oo ah Carmali uu hore uqabi jirey Nin  ka tirsanaa afar Qof oo isku qarxiyey gudaha Dalka Ingiriska Sanadkii 2005-tii.

yoCiidamada gaarka ah ee Dalka Ingiriiska ka jooga Somaliya iyo qaar tababar sare qaba oo Soomaali ah, ayaa la sheegay inay fulin doonaan hawl-galkaas, iyadoo Zakariyena uu qaybtiisa qaadan Doono, maadaama oo sida ninkan hore uga tirsanaan jiray kooxda Al-Shabaab xogaha ku bixiyey muujinayaan inay haweenaydani ku dhuumaalaysanayo gudaha dalkaasi Soomaaliya.

Xogta lagu soo qabanayo haweeneydan ee uu bixiyey Zakariye, ayaa waaxda sirdoonka Ingiriiska ku sheegeen mid muhiim u ah xagooda marka loo eego baadi goobka loogu jiro in la soo xidho haweeneyda.

“Tallaabo kasta oo suurtagelin karta soo qabashadeeda waa in si taxadar leh loo qaadaa, waxaa la rumeysan yahay in ay ku gedaaman yihiin ciidamo tababar xoogan haysta oo ay ku jiraan kuwa ismiidaamiya,” sidaa waxaa sheegay sarkaal ka mid ah sirdoonka Ingiriiska.

Zakariye Ismaaciil oo noqonaya masúulkii ugu sarreeyey ee ka soo goosta Xarakada Alshabaab, waxa uu ka mid ahaa madax ka tirsan Alshabaab oo dawladda Maraykanku dul-dhigtay lacago abaal-gud ah ciddii ka caawisa soo-qabashadooda, waxaanna uu iska dhiibay Ciidamo ku sugan gobolka Gedo ee Koofurta dalka somalia.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan sheegtay in gabadhan la baadi goobayo ay u gacan-gashay kooxda Alshabaab wixii ka dambeeyey qaraxii ka  dhacay London, waxaana ay sheegeen bileyska caalamiga ah ee Interpol  inay ka codsadeen Dowladda Kenya in ay gacan ka geysato sidii loo soo qabashadeeda.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Friday, January 30, 2015

Sirdoonka Maraykanka Oo Lacag Ku Raadinaya Muwaadin Soomaaliyeed Oo Looga Shakiyey Arrimo Argagixiso

New York:Jan,30,2015(Himilo)-Waaxda Dambi-baadhista u qaabilsan Dawladda Maraykanka ee FBI-da, ayaa liiska Argagixisada u dartay Muwaadin soomaaliyeed oo Haysta Dhalashada waddanka Maraykanka, kaas looga shakisan yahay arrimo argagixiso.

fbiMuwaadinkan soomaaliyeed ayey Ha’yaddani ku eedaysay mid aqoon durugsan u leh dhismooyinka dowladda, garoomada dayuuradaha ee Washington iyo hanaanka tareenada ee Washington iyo nawaaxigeeda.

Ninkan la doon doonayo oo lagu magacaabo Liiban Xaaji Maxamed ayey saraakiisha FBIdu ku sheegeen nin adeegsada magacyo kala duwan oo uu isku qariyo.

Maxamed ayaa ku noolaa waqooyiga Gobolka Virginia ee duleedka Washignton, isagoo taksiile ka ahaa sida ay sheegtay FBIdu.

FBIdu waxey sheegtay in intii uu Washington ku noolaa Maxamed uu ahaa qof al-shabab dhalinyarada u tashkiiliya, isla markaana uu taageero hiil iyo hooba leh u fidiyay al-Qacida iyo al-Shabab.

FBIdu waxey sheegtay inay aaminsantahay in Maxamed uu ka tagay Mareykanka bishii July sanadkii 2012kii, haatanna uu ku noolyahay bariga Africa isagoo la shaqeeya Al-shabab.

FBI-da ayaa sheegtay inay ku bixinneyso abaal marin lacageed oo gaadheysa 50 kun oo dollar – xog kasta oo horseeda in la soo qabto oo cadaalada la hor keeno.

 

Himilo Media

Weerarro Dhimasho Badan Geystay Oo Laga Fuliyey Gudaha Dalka Masar

Sinai:Jan,30,2015(Himilo)-Weer dhiig badani ku daatay ayaa xalay laga fuliyey Waqooyiga dalka Masar, gaar ahaan Gobolka Sinai oo dadka Sunniga ahi ku xoog badan yihiin.

xicIlaa iyo Haatan waxa dhimashadooda la xaqiijiyey Ilaa 26-qof oo u badan ciidanka ammaanka, kuwaas oo ku dhintay Bar Kantarool oo ay ku sugnaayeen.

Weerarada ayaa ahaa kuwo ka dhashay qaraxyo iyo madaafiic lagu garaacay xarumaha Booliska iyo saldhig Milateri oo ciidanka Masar ku lahaayeen Gobolka Sinai.

Gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay bar ciidan oo ku taal magaalada El Arish oo ah Caasimada Gobolka Sinai.

Xoogaga islaamiga ee Ansaar Beytul Maqdis oo xidhiidh la leh Daacish ayaa sheegtay weeraradan, waxaana dhamaan dadka ku dhintay ay u badnaayeen ciidamada ammaanka Masar.

Sidoo kale weeraro kale ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay magaalo u dhow Xadka Masar uu la wadaago Falastiin, gaar ahaan nawaaxiga Marinka Rafah.

Mareykanka ayaa cambaareeyay weeraradan, iyagoo balan qaaday inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan dowladda Masar oo wajaheysa hanjabaado uga imanaya Argagixisada

Xoogaga Islaamiyiinta ayaa weeraro ka waday Gobolka Sinai, tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweyinii sida dimoqraadiga loo soo doortay Maxamed Mursi sanadkii 2013.

 

Himilo Media

 

Maamul-goboleedka Puntland Oo Si Xaqiiqda Ka Fog uga Hadashay Hubkii Dhawaan Somaliland Ku Qabatay Dekedda Berbera

Garowe:Jan,30,2015(Himilo)-Maamul-goboleedka Somaliyeed ee Puntland, ayaa ka Hadashay Markii Hubka siday ee dhawaan Somaliland ku qabatay Dekedda Berbera, waxana ay si qaldan tafaasiil uga bixisay Hubkaas iyo meesha uu u socday.

alooreWasiirka Arrimaha Ammaanka u qaabilsan Maamulkaas Xasan Cismaan Aloore oo Maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay in Hubkaasi yahay mid Somaliland leedahay, isagoo iska indho tiray dhammaan caddaymaha muuqda ee Soamliland bulshada caalamka ugu sheegtay inay gacanta ku hayso shixnadaas Hubka ah.

Wasiir Aloore   oo Hadalkiisu u muuqday mid xaqiiqada ka fog oo aan laga fiirsan, ayaa si caddaan ah u eedeeyey somaliland, isagoo tilmaamay in markabkaasi ahaa mid u socday Gudaha Somaliland,

“Puntland waxay si dhaw ula socotay markab siday hub iyo gaadiid dagaal oo bishan 24-keedii kusoo xidhay Dekedda Berbera, kaas oo somaliland sheegtay inuu yahay markab hub iyo gaadiid dagaal sida oo si qaldan ugu so xidhay dekedda Berbera, isagoo aan wax ogolaansho ah ka haysanin somaliland, Laakiin Dawladda Puntland waxay bulshada caalamka ugu sheekaysaa in somaliland ay marin-habaabinayso Indhaha caalamka, isla-markaana uu gadiidkii iyo Hubkii markabkaas saarnaa uu si dhamaystiran u galay gudaha Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiir Aloore.

Wasiirka Hadalkiisa sii wata hadalkiisa, ayaa hubkaas ku tilmaamay mid xadgudub ku ah Cunoqabadayn hore loo saaray gebi ahaanba Somalida, isagoo ka digay inuu Hubkaasi colaad ka abuuro Gobolka, waxana uu yidhi,

“Hubkaasi waxa uu xadgudub ku yahay Cuno-qabatayntii hubka ee saarnayd somaliya, Puntalnd waxay Dawladda Federalka iyo Dawladaha Deriska ahba ku wargelinaysaa in Hubka ka degay somaliland uu khatar ku yahay ammaanka Guud ee Somalia, isla-markaana waxay ka digaysaa Colaad horleh oo uu sababi karo Hubka Dhuumaalaysiga ah ee laga dejiyey Dekedda Berbera.”

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan somaliland si cad iskaga fogaysay ku lug lahaanshaha hubkaas, iyadoo Bulshada caalamka u muujisay inay ku Hawllan tahay sidii ay uga soo bixi lahayd Waajibka ka saaran ilaalinta Ammaanka Mandaqadda Geeska oo ay kaga tilmaaman tahay Goob amaan ah.

Waa markii ugu horraysay ee cid ka baxsan somaliland oo kamid ah Maamulada Gobolka ka jiraa ka hadasho Hubkan, waxana wali aan wax jawaab ah kasoo saarin Hubkan Dawladaha awoodda ku leh Gobolka ee ay kamid yihiin Ethiopia iyo Kenya oo jaangooya Siyaasadda Gobolka.

 

Himilo Media

 

Thursday, January 29, 2015

Shirkada Isgaadhsiinta Ee Somtel Oo Daah-Furtay Adeeg Cusub oo Casri Ah Oo La Magac Baxay E-DAHAB

Hargeysa (Himilo)-Xaflad balaadhan oo lagu daah-furayey adeeg cusub oo casri ah oo ay soo kordhisay shirkada isgaadhsiinta ee Somtel.

64 9 8Xaflada daah-furka adeega E-DAHAB ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Madaxdhaqameed, Culimo aw diin, Aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Cabdiraxmaan Cali Cabdi Oo Ka Mid Ah Masuulyinta Shirkada Dahabshiil Group oo ugu horeyn ka hadlay xafladani ayaa waxa uu Sheegay In Adeegan Cusub ee  E-DAHAB ee shirkada isaadhsiinta ee Somtel inuu yahay mid baahi weyn loo qabey isla markaana fursado shaqo siiyey dad badan ama dhalinyaro badan oo reer Somaliland ah.

Siciid Maxamed Siciid Ducaale oo ka mid ah gudiga sare ee Shirkada Somtel ayaa isna waxa uu sheegay in shirkada Somtel ay noqotay mid horumar faro badan sameeysay tusaale ahaana adeega cusub ee lagu magacaabo 4G oo shirkada Somtel hirgalisay oo ka dhigay dalka Somaliland noqotey dalkii  afraad ee afrika  ah oo uu adeegaasi gaadho.

Siciid waxa kale oo uu qeexay ahmiyada uu bulshada u leeyahay   adeegan cusub ee E-DAHAB, “waxaan idiin sheegaya inaynu dunida kaga jirno xaga technology-ga  dalalka ugu horeeya,  inagoo ah dal faqiir ah adeega 4G  waxeynu nahay dalkii afraad ee afrika laga fuliyey taas oo ay shirkada Somtel fulisay”.

Agaasimaha Guud Ee Adeega E-Dahab Ee Shirkada Somtel Fu’aad Axmed Nuux, ayaa isna ka xogwaramay marxaladihii uu soo maray aasaaska adeegan, “Adeega E-dahab waxa la bilaabay sanadkii 2014kii ilaa hadda waxa isdiwaangaliyey dad tiradoodu gaadhayso  ilaa 100,000  (boqol kun oo qof) oo ku kala nool guud ahaan gobalada dalka Somaliland, maadaama oo  adeegan laga heli karo”.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland iyo masuuliyiin iyo madaxdhaqameed dhamaantood ka hadlay xafladani ayaa mulkiilaha shirkadan Somtel ama Dahabshiil group iyo hawlwadeenadiisa ku amaanay dadaalka ganacsi iyo horumarka  ay ku gudo jiraan.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir ayaa shirkada somtel ku hambalyeeyey adeega cusub ee ay dalka ka bilowdey waxaanu u rajeeyey inuu adeegani hirgalo “hadaanu nahay  bahdii Baanka Dhexe Ee Somaliland waxaanu aad iyo aad ugu farax sanahay in Dahabshiil Group uu maanta halkan ku soo bandhigo adeeg  fududeynaya sida lacagta  loo qaato oo ku soo kordhey adeegyada baananka somaliland  waxaan leeyahay waa adeeg aad loogu baahnaa isla markaana sahlaya sidii bulshadu  lacagta u kala qaadan laheyd, aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa” ayuu yidhi Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland Cabdi Dirir Cabdi

 

Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlay ayaa waxa uu yidhi  “shirkada dahabshiil group  madaxdeeda iyo hawl wadeenadeeda aad baan ugu mahad  naqayaa hawlaha balaadhan ee ay dalka u hayaan  ee uu ka mid  yahay mashruucan cusub ee e-dahab oo aanu illaahay uga baryayo inuu illaahay ku guuleeyo sidii kuwii hore ee ay  hore ee ugu guuleysteen, waxaan leeyahay shaqadani waxay  wax badan ka bedeli doonta guud ahaan shaqooyinkii kala duwaana ee la xidhiidhayey maaliyada, wasaarada maaliyaduna  waxay u noqonayasaa wax weyn oo ku soo kordhay faraxdna wey  noo tahay aad iyo aadna waanu u soo dhaweyneynaa”.

Madaxweyne-ku-xigeenka somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ku amaanay doorka waxqabada iyo horumar ee Dahabshiil group, “Farxad weyn ayey dhamaanteen  inoo tahay  daah-furka adeega  cusub ee u soo kordhay bulshada reer Somaliland, ee ay soo kordhisay shirkadani, waxaanan leeyahay  aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa adeegan cusub oo ahaa mid loo baahnaa runtii adeegyadani iyo horumarka balaadhan ee ay sameynayaan ganacsiga gaarka loo leeyahay waxa uu qeyb ka yahay horumarka somaliland iyo sidoo kale iibinta somaliland oo aynu rabno inaynu noqono dal ka mid noqda dalalka dunida ka jira, waxeynu nahay dal curdin ah oo hiigsanaya in qaramada caalamka ka mid  noqdaan,   taasina waxaynu ku gaadheynaa inaga oo gacmaha is qabsana shirkadan Dahabshiil group-na waa mid dalka wax weyn u qabtay  waxaanan Illaahay uga baryayaa inuu ka abaal mariyo”.

7Gabagabadii Madaxweyne-Ku-Xigeenka Somaliland waxa uu  xadhiga ka jaray adeega cusub ee E-DAHAB oo ay hirgalisay Shirkada isgaadhsiinta ee Somtel.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Qodobo Muhiim U Ah Bulshada Oo Ka Soo Baxay Kulan Diimeed Hargeysa Lagu Qabtay Iyo Qorshaha Xukuumada Ee Ku Lamaan

Sidii guurka la fuddudeeyn lahaa iyo barbaarinta ubadka iyo qodobo kale oo ka soo baxay kulanka culimada

Hargeysa, 29 January, 2015 (Himilo)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi, ayaa sheegay in dawladdu tallaabo adag ka qaadayso dhallinyarada budhcada ah, waalidiinta iyo cuqaasha dabagasha marka ciidammada ammaanku gacanta ku dhigaan.

Sheekh Khaliil oo khubad ka jeediyey xidhitaanka kulamo diini ah oo muddo 12 habeen ah ka socday masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa oo arrimaha qoyska lagaga hadlayey waxa uu tilmaamay in dhallinyaro badan ciidammada ammaanku gacanta ku dhigeen, qaar la maxkamadeeyey, inta hadhayna lagu daba jiro, waxaannu waalidka ugu baaqay in ay ubadkooda ilaashadaan.

masaajid“Waad arkaysaan kooxaysigaa inagu cusub oo intay dhallinyaradii kooxo iyo magacyo samaysteen, qaarkood baa magacyaal gaalo samaystay, qaar baa samaystay magacyo ciyaartooy, qaar baa samaystay magacyo ururo oo Daacish oo kale la baxay, qaar baa dhoorar samaystay, kaas maanu aabbo iyo hooyo dhalin, guri miyaannu ka soo bixin, gurigaasi waa guri ba’ay, haddii uu isagii baaba’ayna dawladdu xaq bay u leedahay in ay qabato oo ka faa’iidaysato oo ay ku xamaasho  oo ay ku jeexdo waddooyinka iyo guryaha ay dhisayso, waana qodobada jira ee loo baahan yahay in aan nina soo dabagelin ilmaha noocaas noqday, xeerar baa ka yaal oo anshaxa carruurta ah oo lagu maxkamadaynayo waalidka iyo caaqilka odhanaya intay yimaadaan ilmaha yar il baa laga riday ee gaadhigii uu iska dhigay la odhanayo iska bixi, carruurtu ganacsi iyo baayac-mushtar maaha. Marka uu suuqa boobayana ilmahiisii maaha. Qaar badan waa la qabtay, qaarna waa lagu daba jiraa oo hadh iyo habeen waa la qaqabanaya, loona naxariisan maayo, waalidka iyo caaqilka ka daba imanayana laga yeeli maayo. Dhallinyaradaas dawladdu way u tashatay, waxna way xidhan yihiin, waxna waa lagu daba jiraa, afarta inan ee hoggaaminaya waa la garanayaa,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil.

Wasiirku waxa kale oo uu xusay in dawladdu tallaabo adag ka qaadayso dhaqan xumada dalka ku soo badanaysa, waxaannu yidh; “Xukuumadda iyo dawladdu sidaad ka war haysaan anshaxa iyo akhlaaqda illaalinteeda, iyaga gacanta saaraya oo ka shaqaynaya, inkastoo ay nagala shaqeeyaan Guddiyada Wanaag-farista iyo Xumaan-reebistu oo gobollada oo dhan ay nagala shaqayso, haddana gacanta dawladda ayey saaran tahay, waxna way ka wadaa, akhlaaqiyaadkii iyo dhaqan xumadii. Dad la xidhay, dad la maxkamadeeyey warbaahinta aad ka maqashaan amma aad aragtaan iyagoo jeelasha iyo saldhigyada booliska la tegayo.

Arrinta gacanta lagu hayaa, runtiina waannu ku xoojin doonaa, waalidkuna waa in ay nagala qaataan, waayo haddii waalidku ka shaqayn waayo ilmihii oo marka uu bulshada u soo baxo xumaynayo waa in dawladdu gacanta ku qabato. Way dhacdaa mararka qaar in nin miskiin ahaa ilayn dab munaafaq shiday baa miskiin ku gubtaaye in isaga gacan ku dhacdo oo qaar badan u soo cabanayaan ilmahaygii yaraa masaajid buu ka soo rawaxay iyo roodhi baan u dirtay baa ka dhacday.”

Wasiir Khaliil wuxuu ugu baaqay bulshada in ay guurka fududeeyaan oo lagu dhiirado guurka iyo yagleelida qoyska islamka ah.

Dhinaca kale, Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi, ayaa halkaas ka akhriyey qodobada ka soo baxay kulan diini ah oo muddo 12 habeen ah ka socday Masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa, waxayna qodobadaasi u qornaayeen sidan;

  • In la ogaado Cabsida Alle.

  • In la fudaydiyo dhismaha Qoyska Muslimka ah.

  • In la illaaliyo waaritaanka qoyska dhismay

  • In lagu dedaallo barbaarinta ubadka.

  • In la ilaaliyo dhallinta qaangaadhka ah, feejignaan gaar ahna loo yeesho hab-dhaqankooda.

  • In laga illaaliyo ubadka aafaadka mukhaadaraadka, qabyaaladda, is-kooxaysiga iyo tahriibka.

  • In la barto daruuriyaadka diinta, ubad iyo waalidba.

  • In la iska kaashado baaqa iyo dacwadda diinta.

  • In la illaaliyo nabadgelyada.

  • In la kaantaroollo oo itaalkood Shirkadaha Isgaadhsiintu ay xannibaan fawaaxishka Internet-ka.

  • In laga feejignaado oo ganacsatadu aanay keenin dharka tolan ee diinteennu aanay ogolayn.

  • In loo wada kaco barashada iyo ku dhaqanka diinta suubban ee Islaamka.


 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Maxaa Ka Dhexeeya Falaga Iyo Astaamaha Xisbiyada?-W/Q Maxamed Faarax Qoti

Waxa jiray wax ay kaga soocnaayeen urruraddii ku soo bixi waayey tartanka doorashooyinkii dalka ka qabsoomay, saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, taasoo ah  dhinaca astaanta saddexda xisbi  ay la waddaagaan astaanta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxa is diiwaangaliyey 23-urur siyaasadeed, waxaana ka qayb-qaatay  tartanka doorashooyinka gollaha deegaanka  18- urur siyaasadeed,  waxa hadhay 9-urur siyaasadeed,  dhamaantood waxay lahaayeen  Magac,  Calan,  astaan u gaar ah, ujeedo,  Barnaamij siyaasadeed iyo Guddoomiye.

 

Magacyada urur-siyaasadeedyadaa,  waxaynu ka xasuusan karnaa, urur-siyaasadeedka UDUB, KULMIYE,UCID. WADDANI, DALSAN, RAYS, UMMAD, XAQSOOR, NASIYE, UDHIS, NUUR, JAMHUURIGA, GOBONIMO, DAMAL, SSC, NDP, BADBAADO, UMMADA, HORYAAL ,XISBULAH ,IBD, ILAYS, IFTIN, inkastoo aynaan halkan kusoo wada koobi karrin dhamaan calamada iyo astaamaha ururadaasi ay lahaayeen, waxaynu sidaas ku eegi doonaa Magaca, Calanka, Astaanta,Ujeedada,  Barnaamijka iyo  Gadhwadeenka ururadu,  haddii aanay  hal-macno ah oo kaliya oo isku mida aanay sameynnayn, waxa inta badan lala xidhiidhiyaa, taasi inay tahay sababta keenta  guul-darrada.

 

Laakiin marka ay iswaafaqaan Magaca, Calanka iyo Astaanta urur siyaasadeedkaasi, ee haddana lala akhriyo barnaamijka iyo ujeedada ururkaasi inuu ka turjumayo magaca, calanka, iyo astaanta ururkaas, ka dibna waxa lala eegaa sifaha uu leeyahay gadh-wadeenka urur siyaasadeedkaasi, hadday noqon lahayd  dhinaca aqoonta, hab-dhaqanka, dabeecada,  iyo inuu yahay mid wax laga baran karro oo ah hogaamiye, oo waliba ay is waafaqsan yihiin astaanta iyo barnaamijka ururka siyaasadeedka uu hogaaminayo.

 

urur-siyaasadeedadii hadhay ka sokow sidaas waxaynu ku qiimeyn doonaa saddexda xisbi qaran ee hadda jira ee UCID, WADDANI, KULMIYE,

 

Xisbiga CADAALADA IYO DARYEELKA ee (UCID) waxa la aasaasay 18-kii bishii siddeedaad ee  sannadkii 2001-dii, waana xisbi siyaasiya oo aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda  ee aan ka hor imanayn shareecada islaamka.

 

Iswaafajinta ujeedada Astaanta iyo magaca xisbiga “UCID” oo ka kooban 4-xaraf   kaasoo u taagan  Cadaalad:-  oo loola jeedo ama tilmaamaya nidaam sharci oo ujeedadiisu tahay Illaalinta xuquuqda iyo ciqaabaha khaldama iyadoo loo marayo maamul cadaalada oo saxa sharciga dalka, halka Daryeelkuna:-  uu yahay  taageero siinta dadka hawl-gabka, Naafada iyo dadka saboolka ah, sida;- Raashin, Hoy, Kharashka dawooyinka,  waxa kaloo lagu tilmaamaa  qaran  faraxsan oo leh caafimaad qab iyo Guul dhamaystiran.

 

Calanka;-  xisbiga midabkiisu waa doogo oo dhexda ay kaga xardhan yahay magaca xisbiga Cadaalada iyo daryeelka oo loo soo gaabiyey “ UCID”  kuna qorna khad cad, Midabkan doogada ah: waxa loo nisbeeyaa, dhinaca cilmi falaga inuu ku leeyahay burji Qiirada iyo curinta ee Naariga ah,  kaasoo lala xidhiidhiyo sida  amarka, amaanka, taranka, wada noolaanshaha, nafoqeyn, daaweyn, jaceylka carruurta, u adeegista jiilka soo socda, kobcinta iyo koritaanka xusuusta garaadka maskaxda.

 

Burjigan dadka dhasha  waxa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwo ku wanaagsan Illaalinta, ururinta, faanka, xanaaneynta, khayaaliga, dabacsanaanta, axmaqnimada, hunguriga, isbedbedala, wax da’da, muxtaram la’aan, naxariista, xasaasi ah, caadifadda, waxa kale oo lagu tilmaamaa inay yihiin kuwo ka shiidaal qaata hooyooyinkood  iyo inay  yihiin kuwo ku dhagsan oo qabiili ah.

 

Astaanta xisbigu: waa midab dooga oo dusha sare kaga qoran tahay Laa Illaaha ila Laah oo af-carabi ah, oo dhexdiisuna uu ku yaalo miisaan leh laba-kafadood iyo Wan cad oo madax madow, waxa kale oo ku qoran magaca xisbiga oo af-soomaaali ah. Runtana Allaa Og

 

Laa Illaaha illa Laah, oo ah macno ahaan,  Illaah ma jiro, Alle Mooyaane,  kalmadaas oo ka mid ah rukunka ugu horeeya rukumada islaamka taasoo ah rumaynta Eebe (SCW), inkastoo aanay ku lamaanayn nabigeena suuban ee Nabi Muxamed (CSW) .

Miisaankani; - waa qalab la soo laalaadiyo oo leh laba kafadood oo wax lagu miisaamo  loona isticmaalo ganacsiga maceeshadaha  la kala iibsanayo ee u baahan miisaan, marna waxa loo isticmaalaa sawir ahaan, dhinaca maxkamadaha taasoo loola jeedo xukun cadaalad ah oo dadka u kala xaq-qaada oo aan lahayn eex ummaduna ay u siman tahay, marna waxa lagu sifeeya maalinta qiyaamaha in qofkasta la eegidoono miisaankiisa khayr iyo shar uu sameeyey intuu uu ifka ku noolaa, marna waxa lagu sheegaa in calaamad ay u tahay burjiga miisaanka dhinaca falaga kaasoo lagu tilmaamo inuu yahay burjiga hawlaha ganacsiga iyo  Guurka, “ inkastoo Burjigan Xisbiga Waddani  ay ka wadaagaan Dhinaca Midabka ” haddana wuxuu leeyahay isku kalsooni badan, dhinaca heshiisyada  axdiyadda iyo Arrimaha la macaamilka xidhiindhada diblomaasiyadeed nooc kasta, aqoona u leh ama yaqaana  cadawyada, waxa kale oo inta badan lagu tilmaamaa inuu leeyahay tayo soo jiidasho xubnaha la rafiiqa.

Inkastoo lala xidhiidhiyo dadka dhasha burjigan ay yihiin kuwo u fudud socdaalka oo  ku faraxsan xidhiidhada, nabada,  cadaalad maskaxeed, waana kuwo hadhis badan, waana kuwa had iyo jeer ka fikira oo jecel nolosha, una  xiisooda ammaanka shucuurta,  laakiin waa kuwo horyaal ka noqda markay dhibaatadu timaado, oo aan lahayn   go’aan awoodeed oo dhameystiran inay ka qaataan dhinaca amarka.

Waa wan madax madow oo lab ah, waxaanu  xanbaarsan yahay mucjisooyin aad u fara badan oo aynaan halkan ku soo koobin Karin, Runtana Allaa Og

 

 

Xisbi siyaasadeedka  WADDANI :-  waxa la aassaasay  6-dii bishii 10-aad sannadkii 2011-kii, waana xisbi siyaasiya oo aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda ee aan ka hor imanayn shareecada islaamka.

 

Iswaafajinta ujeedada  Astaanta iyo magaca xisbigan oo  ka kooban 7-ba xaraf, Calanka  xisbiga midabkiisu waa Liimi, kaasoo dhexda kaga xardhan yahay WADDANI oo ku qoran khad madow,  Midabka liimiga ah;- waxa lagu sifeeyaa inuu yahay faraxsanaan,  sababtoo ah waxa ku jira midabka huruuda ee farxada, isla markaana waxa lagu tilmaamaa xamaasada, danaynta, riyaaqaya, hal-abuurka, guusha iyo kicinta, waana shaqsiyaad diiran oo jecel inay soo jiitaan dareenka dadka, Midabka Liinta waxay maskaxda siisaa firfircooni, hawo iyo inay cariso kicinta doonista cuntada, iyo cunida cunto caafimaad qabta,

inkastoo burjigan lala xidhiidhiyo burjiga Guurka iyo Hawlaha Ganacsiga ayaa ah mid leh kalsooni, dhinaca Heshiisyada, axdiyadda iyo Arrimaha la macaamilka xidhiindhada nooc kasta oo diblomaasiyadeed, waxa kale oo uu aqoon u leeyahay  baa la yidhaahdaa cadaw kasta, inta badan waxa lagu tilmaamaa inuu leeyahay tayo soo jiidasho xubnaha la rafiiqa.

 

inkastoo lala xidhiidhiyo dadka burjigan dhashaa ay yihiin kuwo si fudud u socdaala, oo ku farxa xidhiidhada dhinaca nabada,  oo leh cadaalad maskaxeed, oo hadhis badan, had iyo jeer ka fikirsan jaceylka nolosha, xiiseeyana shucuurta ammaanka, inkastoo ay horyaal ka noqdaan marka ay dhibaato timaado,  balse aan lahayn  go’aan awoodeed oo dhameystiran inay ka qaataan dhinaca amarka.

 

Astaanta xisbiga waa Galaydh (Baas) oo ku-taagan caleen qoyan oo cagaar ah oo hareeraha laga xardhay, waa shinbir weyn oo cawlan, kaasoo leh laba baad oo ay ku xardhan yihiin barbar badow iyo caddaan ahi, waana lab inkastoo labada jinsiba ay daryeelaan carruurtooda, waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay shinbiraha ugu cimriga dheer, waxa kale oo cabirka dhererka garbihiisa lagu qiyaaso 5.6 illaa inta u dhaxaysa 6 feet, halka culayskiisana  lagu qiyaaso inuu yahay 3.5 illaa 5.2 pounds (1.6 2.4 kg), wuxuu leeyahay laba lugood oo leh cidiyo dhaadheer oo uu ku ugaadhsado noocyadda kala duwan ee cayayaanka, xamaaratada, baraarka, bakaylaha, sakaarada IWM. kala duwanaanshaha doonista socdaalkiisa ka sokow waa mid haajira haddii uu waayo cunto ku filan,  laakiin Galaydhkani wuxuu ku taagan yahay caleen qoyan oo cagaaran taasina waxay kuu xaqiijinaysaa inuu helayo cunto ku filan oo ku noolaado.

.

Xisbiga Nabada, Midnimada iyo Horumarka (KULMIYE)  waxa la aassaasay bishii May sannadkii 2002-dii, waana xisbi siyaasiya oo aaminsan afkaarta iyo mabaadii’da ku salaysan dimuqraadiyadda  aan ka hor imanayn shareecada islaamka.

 

Iswaafajinta ujeedada  Astaanta iyo magaca xisbiga kaasoo ka kooban 7-da xaraf, una taagan, Nabad:-  oo ah aassaaska iftiinka nolosha aadamaha, Midnimona:- ay tahay  israac ama dad isku ujeedo ah oo samir badan,  kuwaasoo  galay heshiis laba dhinac ah oo ka kooban Towfiiq iyo wada noolaansho, waxa kale oo lagu tilmaamaa inay ka turjumayso, in la gaadhay wakhti loo tafo-xaytay hiigsi wax-qabad, marna waxa lala xidhiidhiyaa inay  qayb ka tahay suugaanta  farshaxanku  ku soo saaro   shaqo wanaaga, iyo ta saddexaad oo ah Horumar:-  tani maaha koboca dhaqaalaha oo qudha, laakiin waa hab koobaya baahiyaha sida caafimaadka, nafaqada, waxbarashada, waddooyinka, laydhka, biyaha, nadiifinta deegaanka, waana mid siinaysa dadka soboolka ah nolol wanaagsan oo ay ku noolaadaan.

 

Xisbiga KULMIYE ;- wuxuu leeyahay astaan u gaar ah, kana kooban laba-gacmood oo Lab ah, oo isa salaamaya, labada gacmood mid ka mid ahi waxay xidhan tahay suudh cad, taasoo ka turjumaysa heshiis nabadeed  iyo aaminsanaanta  muhiimadda ay leedahay  isbedelka toggani, Gacanta labaad ee xidhan suudhka madowna:- waxa ay ka turjumaysaa heshiis wada shaqayneed, waxa kale oo dusha kaga xardhan magaca xisbiga “KULMIYE”  oo dusha ay kaga wareegsan tahay goobo u eeg qaab ukun oo khad madow ku qoran.

 

Calanka;-  xisbiga Kulmiye waa afar gees u qeybsan laba qaybood oo saddex xagal ah, kaasoo  tilmaamaya, curin qorshayaal wax-ku’ool ah iyo midnimo, waxa kale oo uu leeyahay Laba midab;-  Midabka sare ee doogada ahi, waxa lala xidhiidhiyaa dhinaca cilmi falaga inuu ku leeyahay burjiga Qiirada iyo curinta, kaasoo ah burji Naari’ga ee Naaf,  waxaana loo nisbeeyaa dhinaca Amarka, Amaanka, Taranka, Wada- noolaanshaha, Nafoqeyn, Daaweyn, u adeegista jiilka soo socda, Jaceylka carruurta, kobcinta iyo koritaanka xusuusta garaadka maskaxda.

 

inkastoo  burjigan dadka dhasha  lagu tilmaamo inay yihiin kuwo axmaqiin ah, oo wax da’da, kuna wanaagsan Illaalinta, ururinta, faanka, xanaaneynta, khayaaliga, dabacsanaanta, hunguriga, isbedbedala, muxtaram la’aan, naxariista, xasaasi ah, caadifada, waxa kale oo lagu tilmaamaa inay yihiin kuwo ka shiidaal qaata hooyooyinkood, iyo inay yihiin kuwo ku dhagsan oo qabiili ah.

 

Midabka hoose ee huruudda ahina:- waxa lagu sheegaa inuu fulkiga ku leeyahay burjiga hawaa’iga ee lamaanaha ah, waxaanu leeyahay iftiinka qorraxda, farxadda, tamarta, cisiga iyo sharafka,  dhinaca arrimaha bulshada waxa lala xidhiidhiyaa inuu ku leeyahay soo jiidasho badan iyo firfircooni maskaxeed, laakiin haddii midabkaasi uu ku bato ardayda wuxuu ku keenaa cadho, inkastoo carruurtuna ay ka ooydo.

 

Burjigan waxa lala xidhiidhiyaa inuu leeyahay maskax dabacsan, sidoo kalena waxa lagu tiriryaa inuu leeyahay Xirfado badan leh, diimaha, codkarka, isbedelka, feejignaanta, isyeelyeelka, toosnaanta, xidhiidhka jaceylka, caqligalka, dhageysiga, guuritaanka-ku ba’an, dhimirka-kadiska ah, urrurinta, la qabsan og xaalada xusub, ka qayb qaadashada marin habaabinta, ciyaarta tartanka, oo aan gaban. Runtana Allaa Og

 

dhamaan astaamahan  xisbiyada  waxaan kala soo dhex baxay mareegaha ay lee yihiin, wixii khalad ahna la iima raaco

 

 

W/Q Dr. Maxamed Faarax Qoti Astrologiest

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Ujeedada Tababar Ku Saabsan Dib-u-Heshiisiinta Oo Arday Waddamo Dunida Ka Socota Somaliland-na Ku Jirto Loogu Qabanayo Jaamacada Hargeysa, xilliga uu bilaabmayo iyo ujeedadiisa

Pisa 29 January, 2015 (Himilo)- Wasaaradda Arrimaha Dibedda Talyaaniga ayaa shaacisay in tababar la xidhiidha dib-u-heshiisiinta oo arday waddamadda caalamka qaarkood ka socda lagu barri doono uu ka bilaabmi doonto jaamacada Hargeysa bisha soo socota.

jaamacadQoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Talyaaniga ayaa lagu sheegay in tababarkaa oo markii labaad lagu qabanayo Jaamacada Hargeysa ay ka geybgeli doonaan arday tiradoodu gaadhayso shan iyo soddon oo ka kala socda waddamadda Talyaaniga, Maraykanka, Sacuudiga, Itoobiya, Jabuuti Tansaaniya iyo Kenya.

Tababarkan oo bilaabmi doona kowda bisha labaad ee sannadkan oo jaamacada Scuola Superiore Sant'Anna ee Talyaaniga iyo Machadka Nabada iyo Xallinta Khilaafaadka, Jaamacada Hargeysa soo wada diyaariyeen ayuu bixin doonaa Prof. Andrea de Guttry, oo aqoonta xeerarka caalamka dhiga, isla markaana ah agaasimaha machadka Dirpolis (Sharciga, Siyaasada iyo Horumarka)

Qoraalka wasaarada Khaarajiga Talyaaniga ayaa lagu sheegay in tababarkan oo ujeedadiisu tahay barashada xirfadaha dib-u-heshiisiinta, ayaa la sheegay in ardaydu ku qaadan doonaan casharo ay ku kasbadaan qaababka iyo aqoonta lagu maareeyo dib-u-heshiisiinta ayaa la sheegay in xaflada furitaanka uu ka soo qeybgeli doono safiirka dalka Talyaaniga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Fabrizio Marcelli.

Qabashada tababarkan ayaa noqonaya markii labaad ee noociisa oo arday ka kala socota waddamadda caalamku ka qeybgelayaan uu martigeliyo Machadka Nabada iyo Xallinta Khilaafaadka ee Jaamacada Hargeysa.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Guddoomiyaha Bisha Cas Somaliland Oo Deedefeeyey In Soomaaliya Laga Xukumo, Faahfaahina Ka Bixiyey Qaabka Ay U Kala Shaqeeyaan

“Bisha Cas waa hay’adda keliya ee xafiis dal madaxbanaan ula dhaqanta Somaliland, ka Soomaaliyana oo ilaa Puntland….” Mr. Axmed Cabdi Bakaal

Hargeysa 29 January, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland Mr. Axmed Cabdi Bakaal ayaa shaaca ka qaaday inay kala madaxbanaan yihiin xafiisyada Bisha Cas ee Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana socdaalkii uu dhowaan ku tegay dalka Qatar loogu casuumay isagoo xafiiska Somaliland metelaya.

bakaalMr. Axmed Cabdi oo shalay xafiiskiisa ugu waramay weriye ka tirsan wargeyska HIMILO ayaa sheegay in Bisha Cas ee Somaliland hawlahooda iyo mashaariicadoodu midna aanay wax saamayn ah ku lahayn Soomaaliya, isla markaana aan loo soo marin ee si toos ah uga helaan hay’adaha iyo waddamadda caawiya hawlaha ururadda  bisha Cas ee adduunka.

Guddoomiye Bakaal ayaa mar uu ka jawaabayey war wargeyska HIMILO ku baahiyey inuu qeyb ka ahaa wefti Soomaaliya ah oo booqasho ku tegay dalka Qatar ayaa sheegay inay dhab ahayd tegitaankiisu, balse aanu qeyb ka ahayn wefdiga Soomaaliya, ee si gaar ah loogu soo casuumay Somaliland, una shaqeeyaan qaab kala madax-banaan, (sida uu dhigayey qoraal uu tusay wargeyska Himilo oo loo soo diray Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal AHN) waxaanu yidhi, “Xafiiska Bisha Cas ee Somaliland iyo ka Soomaaliya way kala madaxbanaan yihiin, waxaana go’aankaa qoraalkiisa soo saaray xoghayaha Bisha Cas Mr. Steven Molekleiv, sannadkii 1999, oo dhigaya inay u shaqeeyaan laba xafiis oo kala madax-banaan.”

Mr. Bakaal ayaa sheegay inuu kala duwan yahay heerarka xafiisyada Bisha Cas ee Somaliland iyo ka Soomaaliya marayaan, sidoo kalena  mashaariicahoodu, waxaanu yidhi, “ Bisha Cas ee Somaliland waxay fulisaa mashaariic horumarineed, halka ta Soomaaliya fuliso mashaariic gargaar, markaa caqli maaha inaan hoostago xafiiska Soomaaliya oo weli aan gaadhin heerka xafiiska bisha Cas ee Somaliland marayo,”ayuu yidhi Mr. Bakaal. Isagoo raaciyey.

“Bisha Cas waa hay’adda keliya ee xafiis dal madaxbanaan ula dhaqanta Somaliland, ka Soomaaliyana oo ilaa Puntland ku jirto aanu xukumin, laba xafiisna u kala aqoonsan,  halka hay’adaha kale gargaarku saddex qeybood u kala qeybiyaan.”

Mr. Axmed Cabdi Bakaal ayaa ugu dambayn sheegay inuu bulshada Somaliland u caddeynayo in Xafiiska Bisha Cas ee Somaliland u madax-banaan yahay hawlahiisa iyo maamulkiisaba, taasoo wax badan kala qabtay AHN Madaxweynihii geeriyooday Cigaal oo qoraalada ugu badan u gudbiyey xarunta Hay’adda Bisha Cas adduunka kaga dalbanayey madaxbanaanida bisha Cas ee Somaliland, waxaanu yidhi, “Wakhtigan xafiiska bisha Cas Soomaaliya oo sheegan kara Somaliland ma jiro, waxaanu xidhmay markii lagu heshiiyey inaan kala madax-banaan nahay,  balse laba xafiis oo siman ayey Bisha Cas ku kala leedahay Somaliland iyo Soomaliya.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibedda Oo Sheegay In Somaliland Kaalin Ku Leedahay Illaalinta Amaanka Waddooyinka Waddammada Yurub

Wareysi wargeyska New Europe.

“Waxaan qabaa in aqoonsigu fursad noo siinayo inaan ka muuqano goobaha beesha caalamku ku faaqidayso xaaladaha khuseeya guud…”Mr. Maxamed Biixi

Brussels 29 January, 2015 (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in madax-banaani dalkiisu helo faa’iido u leedahay caalamka, isla markaana xilligan ka shaqeeyaan sidii waddooyinka Yurub amaan u noqon lahaayeen.

BuiixMr. Biixi oo wareysi dhinacyo badan leh siiyey wargeyska New Europe ayuu ku sheegay in Somaliland la soo noqotay madax-banaanideeda sannadkii 1991, wakhtigan inkastoo aanay aqoonsi haysan oo ay ula macaamisho dal ahaan dunnida, waxaanu yidhi, “ Xaqiiqada, aqoonsi weli ma haysano, laakiin, waxaanu nahay dal madax-banaan, waxaanan ula macaamilnaa waddamadda kale iyo dunida dal gaar ah,” ayuu yidhi Biixi. Isagoo raaciyey “Laakiin, waxaan go’aansanay inaan si fool-ka-fool ah wada xaajood ula galno jaarkayaga Soomaaliya, si aanu u gaadhno inaan ku dhamaysano gaadhitaanka madax-banaani iyo arrimaha noo dhexeeya wadahadal.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Mr. Biixi ayaa sheegay in dalkiisu leeyahay nidaam sharci, isla markaana xaqdhowro xuquuqda bani’aadamka, waxaanan caalamka u muujinay inaan nahay dal u qalma in dunidu aqoonsato oo caawiso.”

Balse, xasiloonida iyo nabadgelyada ka jirta dalkiisu weli ma helin abaalmarinteeda, isla markaana caalamku ku jeestaan meelaha dagaalada, waxaanu yidhi, “Badi waxuu caalamku eegaa meelaha dagaaladu ka socdaan. Cidna weli ma xiisaynayso dal xasiloon,” ayuu yidhi.

Mr. Biixi ayaa sheegay in Somaliland dhinacyo badan ka taageerto beesha caalamka, isla markaana aanay ka xumayn in wax lala qabto walaalahooda Soomaaliya, balse, dhinacoodana aan laga jeedsan, “Si weyn ayaan u soo dhoweynaynaa taageerada adduunku ka geysto xasilinta Soomaaliya, waxaanan aaminsan nahay inaan qeyb ka qaadan karno. Waxaan nahay jaar, luuqad wadaaga.”

Waxaan dhaqaalaha ugu badan ku bixinaa nabadgelyada gudaha iyo sidoo kale jaararka, “Waxaan odhan karaa Somaliland hadafkeeda koowaad waa xasiloonida, waxaan la dagaalanaa argagxisada, budhcad badeedka, waxaanan ku guulaysanay inaan ka illaalino baddaha Somaliland. Waxaan kala shaqeynaa beesha caalamka arrimaha la dagaalanka argagxisada, waxaan qabaa inaan guulo ka gaadhnay.”

“Waxaan ku bixinaa kala badh miisaaniyadda dhinaca amaanka, isla markaana ku foogan nahay inaan ka illaalino argagxisada inay gabood ka helaan dhulkayaga, iyo guud ahaan dalalka jaarka.”

“Waxa muhiim ah in adduunku ogaado inaan ku bixino wax badan amaanka, taasoo keliya aan khusayn Somaliland, balse jaarka, waxaan sidoo kale qabaa inaan illaalino amaanka waddooyinka Yurub.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Mr. Biixi ayaa sheegay in dalkiisu soo galeen shan doorasho oo dhamaantood lagu qiimeeyey inay u dhaceen si madax-banaan, isla markaana ku soo fool-leedahay doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka oo Midowga Yurub ka taageerayo.

“Waxaan filayaa in baddi beesha caalamku garowsadeen isla markaana qirayaan kaalinta Somaliland ka ciyaarayso marka laga hadlayo la dagaalanka argagxisada, budhcad badeedka, tahriibka iyo waxa ka xidhiidha.”

“Somaliland, fikirkayga, waa xubin muhiim u ah beesha caalamka. Waxaanan qabaa in aqoonsigu fursad noo siinayo inaan ka muuqano goobaha beesha caalamku ku faaqidayso xaaladaha khuseeya guud ahaan.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Baanka Adduunka Oo Saadaaliyey In Dhaqaalaha Somaliland Koboc Samayn Doono Sannadkan

London 29 January, 2015 (Himilo)- Warbixin Baanka Adduunku soo saaray ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha adduunku samayn doono koboc gaadhaya 2.9% sannadkan 2015, sida ay xaqiijiyeen waaxda sirdoonka dhaqaalahu, shirkad la shaqeysa.

20150103_gdm200_1Warbixintan oo soo baxday bishan January ayaa lagu sheegay in waddamo ay ka mid yihiin Somaliland gaadhi doonaan koboc dhaqaale sannadkan, isla markaana koboca ugu sareeya uu dalka Maraykanku gaadhi doono.

Sannadkii 2014 qiyaasta koboca dhaqaalaha adduunka ayaa sare u kacay  2.5%, sababo la xidhiidha qiimo-dhaca sicirka shidaalka, balse koboca dhaqaale ee adduunka ayaa lagu sheegay warbixinta inay culays ku keeni doonaan qiimo-dhaca lacagta Yurub  iyo Jaban, halka dalka Shiinahu gaadhi doono koboc dhan boqolkiiba 7%  sannadkan 2015.

Warbixinta Baanka adduunka ayaa lagu sheegay in marka laga yimaado Japan, qaarada Aasiya iyo Australia noqon doonaan meelaha koboca ugu horeeya gaadhi doona. Dalka Papua New Guinea ayaa la saadaalinaaa inuu gaadhi doono koboc dhan 15%, laba jibaar ka badan dunida kale.

Dalka Ruushka dhaqaalihiis ayaa la sheegayaa inuu hoos u dhici doono, qiimo dhaca shidaalka awgeed oo dhaqaalahiisu ku xidhnaa iyo cuna-qabataynta waddamadda reer Galbeedka. Sidoo kale dalka Macau ayaa la sheegayaa in hoos u dhac dhaqaale haleeli doono, maadaama khamaarka dhaqaalahiisu ku xidhnaa, halka Somaliland la saadaalinayo inay gaadho koboc dhaqaale sannadka 2015.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in waddanka sida ugu weyn u saamayn doonto dhaqaale la’aantu noqon doono dalka Sierra Leone, sababo la xidhiida xanuunka Ebola ee ka dilaacay waddamadda Waqooyiga Afrika qaarkood.

Warbixintan ayaa ku soo beegmaysa xilli miisaaniyadda qaranka Somaliland laga dareemayo koboc sare sannadihii u dambeeyey, isla markaana sannadkani yahay kii ugu badnaa intii jamhuuriyadda Somaliland la soo noqotay madax-banaanideeda, inkastoo cabiraada koboca dhaqaalahu aanu keliya ku xidhnayn koboca miisaaniyadda, haddana wuxuu ka qeybqaadanayaa awooda wax-iibsiga dadka iyo guud ahaan qiyaasta horumarka iyo dhismaha kaabayaashiisa.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

“Madaxweynaha Iyo Xukuumadiisu Waa Inay Xaal Ka Bixiyaan Af-Lagaadada Uu Wasiirku U Geystay Madaxweynihii Hore”

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud (Buur-Madow)

Hargeysa, 29 January, 2015 (Himilo)-Boqor cismaan aw maxamuud (Buur-madow) ayaa si adag u naqdiyey af-lagaado loo geystay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana ka codsaday in madaxweyne Silaanyo iyo xukuumadiisu xaal ka bixiyaan, isagoo axsaabta mucaaridka ah ku dhaliilay inaanay af-lagaadadaasi ka hadal ee ay ku wareegayaan waxyaalo raqiis ah.

Boqor-Cismaan-BuurmadowBoqor Buur-madow oo u waramay warbaahinta ayaa ka hadlay af-lagaadada loo geystay madaxweynihii hore waxaanu yidhi:- “Nin wasiir ah oo miisaan culus ayaa madaxweynaha oo fadhiya markii uu socdaalka ku marayey magaalada Berbera ee la furayey Dekeda, ayaa iyada oo ay taagan yihiin kaadiriintii Xisbigii Udub la soo halgantay, maantana dawlada barbarka haysa, waxaynu ognahay in madaxweynihii hore si sharaf leh xilkii u wareejiyey, ixtiraamna inaga mudan yahay, madaxweyne Silaanyo sida uu taariikhdii halganka ugu suntan yahay, iyo haatan waxqabadka qiimaha leh ee uu qabtay waynu ku hambalyeeynaynaa”.

Aniga dhaliisha ii muuqataa waxa weeyi in wasiirka hadlay uu af-lagaadeeyey madaxweynihii hore oo taariikhda galay, oo Somaliland intii uu xilka hayey wax badan u qabtay, isla markaana xilkii si sharaf leh u wareejiyey, anigu waxaan qabaa Madaxweyne Silaanyo, ma aha nin musuqmaasuq oo dhaqaale dhigtay gurigiisa iyo nin guryo ka dhistay midna, laakiin waxaanu ognahay in wasiirada wax dhaliilayaa guryahay ugu quruxda badan dhisteen, gabdhaha guryahooda u soo adeegaana gaadiid  leeyihiin oo ay dhaqaalaha dalka siday doonaan ugu tagrifalaan, laakiinse may ahayn in madaxweynaha oo fadhiya uu ka xishoon waayo madaxweynihii hore ee sharafta inaga mudnaa, arrinkaana waxay ahayd in madaxweynuha iyo xukuumadu xaal ka bixiyaan, intii aan maqnaa arrimaha dalka ka dhacay ee aanay mucaaridku ka hadal ee ay ku warwareegayaan arrimo yar yar oo raqiis ah taasi ayaa ka mid ah”.

Buur-madow waxa kale oo uu ka hadlay tabashada gobolka Awdal iyo Suldaan Wabar,  “Anigu waxaan qabaa fikirkani dibada ayuu ka yimid, waxaan filayaa fikir wax laga qancin karo maaaha, mana aha mawqifkii Somaliland, waxaanan qabaa Suldaanku  inuu xadka Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya inuu ka fulinayo mawqifkii Daacish, waayo lama odhan karo waa Suldaan wax doonaya dadkiisa, waayo ninka suldaanka ah ee magaaladiisii yimid ee saq-dhexe rasaasta la dhacayaa waa argagixiso, ee maaha nidaam wax laga qancin karo oo saami qaybsi ah, waanan u sheegay dawlada oo waxaan leeyahay madaxweyne-ku-xigeenkii iyo wasiiro way leeyihiin reer Awdal”.

Boqor Buur-madow waxa kale oo uu xusay in musharaxnimada Madaxweyne Silaanyo aanay ku xidhinayn xaaladiisa, “ Musharaxnimada Madaxweyne Silaanyo kuma xidhna dadiisa iyo caafimaadkiisa midna ee waxa lagu qiimeynayaa waxa uu dalka u qabtay intii uu xilka hayey”. Ayuu Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Qodobo Muhiim U Ah Bulshada Oo Ka Soo Baxay Kulan Diimeed Hargeysa Lagu Qabtay Iyo Qorshaha Xukuumada Ee Ku Lamaan

Sidii guurka la fuddudeeyn lahaa iyo barbaarinta ubadka iyo qodobo kale oo ka soo baxay kulanka culimada

Hargeysa, 29 January, 2015 (Himilo)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi, ayaa sheegay in dawladdu tallaabo adag ka qaadayso dhallinyarada budhcada ah, waalidiinta iyo cuqaasha dabagasha marka ciidammada ammaanku gacanta ku dhigaan.

Sheekh Khaliil oo khubad ka jeediyey xidhitaanka kulamo diini ah oo muddo 12 habeen ah ka socday masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa oo arrimaha qoyska lagaga hadlayey waxa uu tilmaamay in dhallinyaro badan ciidammada ammaanku gacanta ku dhigeen, qaar la maxkamadeeyey, inta hadhayna lagu daba jiro, waxaannu waalidka ugu baaqay in ay ubadkooda ilaashadaan.

“Waad arkaysaan kooxaysigaa inagu cusub oo intay dhallinyaradii kooxo iyo magacyo samaysteen, qaarkood baa magacyaal gaalo samaystay, qaar baa samaystay magacyo ciyaartooy, qaar baa samaystay magacyo ururo oo Daacish oo kale la baxay, qaar baa dhoorar samaystay, kaas maanu aabbo iyo hooyo dhalin, guri miyaannu ka soo bixin, gurigaasi waa guri ba’ay, haddii uu isagii baaba’ayna dawladdu xaq bay u leedahay in ay qabato oo ka faa’iidaysato oo ay ku xamaasho  oo ay ku jeexdo waddooyinka iyo guryaha ay dhisayso, waana qodobada jira ee loo baahan yahay in aan nina soo dabagelin ilmaha noocaas noqday, xeerar baa ka yaal oo anshaxa carruurta ah oo lagu maxkamadaynayo waalidka iyo caaqilka odhanaya intay yimaadaan ilmaha yar il baa laga riday ee gaadhigii uu iska dhigay la odhanayo iska bixi, carruurtu ganacsi iyo baayac-mushtar maaha. Marka uu suuqa boobayana ilmahiisii maaha. Qaar badan waa la qabtay, qaarna waa lagu daba jiraa oo hadh iyo habeen waa la qaqabanaya, loona naxariisan maayo, waalidka iyo caaqilka ka daba imanayana laga yeeli maayo. Dhallinyaradaas dawladdu way u tashatay, waxna way xidhan yihiin, waxna waa lagu daba jiraa, afarta inan ee hoggaaminaya waa la garanayaa,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil.

Wasiirku waxa kale oo uu xusay in dawladdu tallaabo adag ka qaadayso dhaqan xumada dalka ku soo badanaysa, waxaannu yidh; “Xukuumadda iyo dawladdu sidaad ka war haysaan anshaxa iyo akhlaaqda illaalinteeda, iyaga gacanta saaraya oo ka shaqaynaya, inkastoo ay nagala shaqeeyaan Guddiyada Wanaag-farista iyo Xumaan-reebistu oo gobollada oo dhan ay nagala shaqayso, haddana gacanta dawladda ayey saaran tahay, waxna way ka wadaa, akhlaaqiyaadkii iyo dhaqan xumadii. Dad la xidhay, dad la maxkamadeeyey warbaahinta aad ka maqashaan amma aad aragtaan iyagoo jeelasha iyo saldhigyada booliska la tegayo.

Arrinta gacanta lagu hayaa, runtiina waannu ku xoojin doonaa, waalidkuna waa in ay nagala qaataan, waayo haddii waalidku ka shaqayn waayo ilmihii oo marka uu bulshada u soo baxo xumaynayo waa in dawladdu gacanta ku qabato. Way dhacdaa mararka qaar in nin miskiin ahaa ilayn dab munaafaq shiday baa miskiin ku gubtaaye in isaga gacan ku dhacdo oo qaar badan u soo cabanayaan ilmahaygii yaraa masaajid buu ka soo rawaxay iyo roodhi baan u dirtay baa ka dhacday.”

Wasiir Khaliil wuxuu ugu baaqay bulshada in ay guurka fududeeyaan oo lagu dhiirado guurka iyo yagleelida qoyska islamka ah.

Dhinaca kale, Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi, ayaa halkaas ka akhriyey qodobada ka soo baxay kulan diini ah oo muddo 12 habeen ah ka socday Masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa, waxayna qodobadaasi u qornaayeen sidan;

  • In la ogaado Cabsida Alle.

  • In la fudaydiyo dhismaha Qoyska Muslimka ah.

  • In la illaaliyo waaritaanka qoyska dhismay

  • In lagu dedaallo barbaarinta ubadka.

  • In la ilaaliyo dhallinta qaangaadhka ah, feejignaan gaar ahna loo yeesho hab-dhaqankooda.

  • In laga illaaliyo ubadka aafaadka mukhaadaraadka, qabyaaladda, is-kooxaysiga iyo tahriibka.

  • In la barto daruuriyaadka diinta, ubad iyo waalidba.

  • In la iska kaashado baaqa iyo dacwadda diinta.

  • In la illaaliyo nabadgelyada.

  • In la kaantaroollo oo itaalkood Shirkadaha Isgaadhsiintu ay xannibaan fawaaxishka Internet-ka.

  • In laga feejignaado oo ganacsatadu aanay keenin dharka tolan ee diinteennu aanay ogolayn.

  • In loo wada kaco barashada iyo ku dhaqanka diinta suubban ee Islaamka.


 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Maayirka Hargeysa oo Sheegay in Sharciga Lala Tiigsan Doono Dadka Jejebiyey Gaadiidka Dawladda Hoose

Hargeysa, 29 January, 2015 (Himilo)- Maayirka Caasimada Hargeysa Mudane  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay inuu tallaabo sharci ah ka qaadi doono dadweyne ka gadooday jid laga bannaynayo Degmada Axmed Dhagax oo waxyeelo u gaystay qaar ka mid ah gaadiidka masuuliyiinta dawladda Hoose.

soltelcoQaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan goobaha loo bannaynayo waddada la samaynayo, ayaa rabshad iyo dagaal gacan-ka-hadal ah kala hortagay shaqaalaha dawladda Hoose, kuwaasoo dhagaxaan la dhacay cagaf-cagafta jidka samaynaysa iyo gaadiidka masuuliyiinta dawladda hoose oo qaarkood laga jajabiyey muraayadaha.

“Waxaan ka xumayhay marka qofku dhisto meel waddo ah haddana inuu cagafyadii dawladda iyo ciidanka dhagax kala horyimaado, waxaan leenahay shalay gelinkii hore dadka halkaas ka galay falkaas ee cagafta iyo baabuurrta dawladda jajabiyey  marnaba kaga hadhi mayno,” ayuu yidhi maayirka Hargeysa.

Waxaannu u mahadceliyey dadweynaha ku dhaqan goobaha jidka laga banneeyey ee la shaqeeyey, isagoo xusay inay xannuun badan tahay marka qofka laga duminayo guri uu waddo dhexdeed ka dhistay, balse ay dad badan oo wada-shaqayn la sameeyeen dawladda Hoose ee Hargeysa.

“Waxaannu samaynay wejigii koowaad ee waddada ka baxda beerta Xoriyada ee marta dhinaca xaafadaha degmada Axmed-dhagax, taasoo marka wejiga koowaad ka baxayso u soconaysa koonfur, marka danbena bari iyo galbeed, dhinaca galbeedka waxay kaga xidhmi doontaaa halka ciidanka booliska, dhinaca kalena waxay kaga xidhmi doontaa ilaa Degmada Maxamed Mooge oo ay ka tallaabi doonto waddadu,” ayuu yidhi maayirku.

“Waxa la sameeynayo waa hawl danguud ah oo ummadda oo dhan u adeegaysa, maanta markay halkaas saxmadu ka taagantahay, qofka doonaya inuu tago hudheelka Ambassador ama qofka doonaya inuu tago xaafadda Haaf Londhon halkan ayuu ayuu kaga boodayaa ama waddo kale oo halkan  marta ayey noqonaysaa, isku xidhka magaalada ayeyna fududeynaysaa, waxayna sameynaysaa qofka aqalkiisa qaybta laga dumiyey maahee qaybta kale ayey u wanaagsan tahay oo waxay noqonaysaa inay u sameyso goob ganacsi,oo ka faa’iido badan qiimahiina uu aad ugu kaco.”

 

 Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

Wednesday, January 28, 2015

Anigaa Hadhay Looma Hadlo-W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Magaalooyinka Dalka gaar ahaan Caasimada waxa lagu qabtaa xaflado aad u tiro badan oo leh u jeedooyin kala duwan, qaar rasmi ah oo lagu xuso munaasabadaha taariikhiga ah, furitaanka dhismayaal xafiisyo cusub ama mashaariic kale oo ay dawladu hirgelisay iyo kuwo aan rasmi ahayn sida xafladaha xisbiyada qaranka, ururada bulshada rayidka ah, madarasado ama dugsiyo  loo xidhayo ama loo furayo sanad dugsiyeed cusub, qalin jabin iyo kuwo kale oo loo sameeyo hudheelo iyo meherado casri ah oo ku soo biiray suuqyada ganacsiga.

Xafladahaa dhamaantood waxa ka soo qayb gala tiro wasiiro ah iyo madax kale xataa haddii ay tahay munaasabad aad u yar, waxa kale oo lagu casuumaa haldoorka qaybaha bulshada mararka qarkoodna waxa ka soo qayb gala madaxweynaha jamahuuriyada Somliland ama ku xigeenkiisa.

Si kastaba ha ahaatee Somaliland waxa ka hirgalay dhaqan cusub oo aan hore u jiri jirin oo ah in qof kasta oo xaflada ka soo xaadiraa ka hadlo: Madaxweynaha ama ku xigeenka hadba kii jooga, tiro wasiiro ah, Xildhibaano, xubnihii soo qabanqaabiyay ama iska lahaa, rag ku hadlaya magaca saddexda xisbi, Culimo awdiin, Suldaano, Odayaal iyo qaar kaloo badan.

Dhowr iyo labaatan qof oo hormoodkii ummada ah oo ka wada khudbadaynaya munaasibad kaliya iyo ujeedo kaliya maxay kala sheegayaan oo ay dadka u sheegayaan?  Hadalka haddii lagu celceliyo erayadii iyo weedhihii horaba loo yidhi wuxuu noqdaa booshaaq iyo war aan xiiso loo qabin, Dadkuna way ku caajisaan.

Odhaah baa tidhaahda ( The worst Sin in politics is to become boring) .

Somalilduna waxay tidhaahdaa anigaa hadhay looma hadlo.

Masuuliyiinta xukuumada Somliland qaarkood waxay u haystaan in sharaftoodii iyo mansabka ay hayaan meel lagaga dhacay haddii aan looga yeedhin madasha si isagana markiisa loo dhagaysto sidaa daraadeed marar badan waxa la arkaa iyaga oo ka cadhooday ama ku dagaalamaya in mikrafoonka loo dhiibo hase yeeshee macquul maaha loomana baahna tiro intaa leeg oo goob qudha iyo ajande qudha ka wada hadasha .

Madaxda Qaranku haddii aanay hayn war cusub oo loo sheego dadka ama aanay gudbinayn farriin inay iska aamusaan baa  u roon ( Speeches are useless unless the Speaker has  a  message).

Dhinaca kale bal u fiirso hab dhaqanka masuuliyiinta sarsare ee Xukuumada madaxweyne Siilaanyo iyo meel ka dhaca hab-maamuuska dawladnimo’ Tusaale: Xafladihii lagu qabtay barxada Dekada iyo Xerada Haamaha Shidaalka Berbera waxa safafka hore oo dhan buuxiyay ama soo fadhiistay wasiiro iyo masuuliyiin tiradoodu kor u dhaaftay boqol iyo kontan oo Hargeysa ka soo hayaamay waxay kuraasidii ka riixeen ama ka boobeen oo dibada la dhigay dadweynihi Madaxweynuhu u yimid ee uu la hadli lahaa, waxay isku gedmeen madaxweynihii oo odayaashii reer Berbera waayeen meel ay u maraan  iyo dadkii magalada ee Madaxweynuhu la sheekaysan lahaa ama isaga u xaal warami lahaa,  Hadda ogow ragana madaxweynaha daba guurayaa sidii shini caydh ah wasaaradihii iyo hay’adihii loo magacabay way soo xidheen.

Xil iskama saaraan shaqooyinkii loo igmaday muddnaanta waxa la siiyaa amaanta madaxweynaha iyo mar kasta inay ka muuqdaan hortiisa isaguna sidaa ayuu raalli kaga yahay .

C/raxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Masuul Hay’ad Samofal Somaliland Ah Oo Qeyb Ka Noqday Wefti Soomaaliya Ah, Xilli Xukuumadu Mamnuucday In Taageero Loo Soo Mariyo Iyo Saamaynta Talaabadani Ku Yeelanayso Gooni-Isu-Taaga

Madaxa Bisha cas Somaliland oo lagu sheegay xidhiidhiyaha Soomaaliya

Doha 28 January, 2015 (Himilo)- Axmed Cabdi Bakaal, madaxa Bisha Cas ee Somaliland Axmad Bakaal ayaa la sheegay inuu  qeyb ka ahaa wefti guddoomiyaha Bisha Cas ee Soomaaliya Dr. Axmed Maxamed Xasan hogaaminayey oo heshiis isfaham  kula soo saxeexday Hay’adda bisha cas ee dalka Qatar, kulan ka dhacay magaalada Qatar.

Hayadaha-Bisha-Cas-ee-Qatar-iyo-SoomaaliyaKulankaa oo lagu sheegay in Axmed Bakaal inuu yahay xidhiidhiyaha Bisha cas ee Soomaaliya ee Somaliland ayaa la sheegay in ujeedadiisu ahayd iskaashi iyo xidhiidhinta hawlaha bisha cas ee Soomaaliya ka qabato dhinacyada abaaraha, caafimaadka, waxbarashada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay bisha cas ee Qatar.

Weftiga ka socday Soomaaliya  oo u hogaaminayey Dr. Axmed Maxamed Xasan, guddoomiyaha Bisha Cas ee Soomaaliya, kuna jireen Dr. Yuusuf Xasan Max’ed, ku xigeenka Bisha Cas Soomaaliya, Axmed Bakaal oo lagu sheegay xidhiidhiyaha Bisha Cas Soomaaliya ee Somaliland iyo Maxamed Axmed Cadli, xidhiidhiyaha Bisha Cas ee Muqdisho, Soomaaliya, ayaa heshiis la saxeexday Saalax bin Cali al Mohanadi, xoghayaha Bisha Cas ee Qatar.

“Heshiiskani waa kordhinta shaqada Bisha Cas ee Qatar ka wado Soomaaliya,” ayuu sheegay Al Mohanadi.

Sidoo kale, madaxa wefdiga Soomaaliya Dr. Xasan ayaa sheegay in heshiisku ka taageerayo gaadhitaanka inta ugu badan shacabka Soomaalida iyo wanaajinta nolashooda.

Inkastoo weli xukuumada Somaliland iyo hay’adaha u qaabilsan wax war ah ka soo saarin talaabada madaxa Bisha Cas ee Somaliland Axmed Bakaal qeybta kaga noqday wefti ka socda Soomaaliya, ayaa dhinaca kale ku soo beegmaya xilli badhtamahii sannadkii hore wasiirka Qorsheynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire gebi ahaanba gaashaanka ku dhuftay taageero dhaqaale oo Baanka Afrika u qoondeeyey Somaliland, balse la sheegay in loo soo marinayo dalka Soomaaliya, isla markaana sheegay inaanay aqbalayn taageero loo soo mariyo Soomaaliya.

Ugu dambayn, waxay bulshada Somaliland indhaha ku hayn doontaa talaabada xukuumada Somaliland iyo hay’adaha ku shaqada leh ka qaataan sababta masuul hay’ad samofal oo Somaliland ah qeybta uga noqday wefdi ka socda Soomaaliya, maadaama ay ka horimanayso mowqifkii shacabka dalkani ee madaxbanaanida lama taabtaanka ahayd.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Wasiirka Caafimaadka oo caddeeyey inaan mudaharaad siyaasadaysan ka baajinayn gudashada waajibaadka saaran

“Arrintaas dhacday waxay ahayd qorshe la soo abaabulay oo Siyaasadaysan…” 

Laascaanood 27 January, 2015 (Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) ayaa Maanta Magaalada Laascaanood waxa uu ka furay Shir Sannadeedkii Caafimaadka, kaas oo noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah ee wasaaradu ku qabato gobol ka baxsan caasimada.

xaglo toosiyeShirkan Waxa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasime Waaxeedyada iyo Qaybaha Wasaaradaasi ka Kooban tahay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka xogwaramay Waxqabadkii u hirgalay bahda Caafimaadka Sannadkii tagey ee 2014 iyo Qabyada jirta ee la rabo in sannadkan la dhamaystiro.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo si rasmi ah u furay Shir sannadeedkaas ayaa ugu horayn sheegay inuu ku faraxsan yahay in Markii koowaad ee ay shir miisaankan oo kale leh ku qabtaan Xarunta Gobolka Sool ee Magaalada Laascaanood.

Wasiirku waxa uu is-dul-taagay nuxurka iyo ujeedada Shirkan ka leeyihiin “Shirkan waxaan rabaa in madaxdu ay ku soo saarto qorshaha aynu rabno inaynu gaadhno, si aynu u dhamaystirno Wixii himilo ah ee inoo qorshaysan, Sannadkii hore wixii inaga qabyoobay waa inaad miiska soo saartaan si aynu u qabyo tirno”.

Markaas kadib Waxa uu Wasiirka Caafimaadka iyo madaxda Wehelinaysay ay Kormeer ku soo sameeyeen Xarunta Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Sool iyo qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka Guud ee Magaalada Laascaanood isagoo soo indho indheeyay Xaalada Cisbitaalka iyo bukaan jiifka yaala waxaanu warbixin ka dhagaystay Gudida horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Sool.

Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye  oo halkaasi ka hadlay ayaa iftiimiyay isbedelka Cusbitaalka Laascaanood ku yimid muddadii uu xilka hayay “Runtii Maalintii Wasaaradan la ii dhiibay Dhakhtarkani Wuu xidhnaa, Wasiirkii Xilka igu wareejiyay Xil wareejintiisii ayay ka mid ahayd dhakhtarka Laascaanood iyo ka Ceerigaabo inay xidhan yihiin, Safarkii ugu horeeyay ee aan ku imidna qashin baa tuulnaa waxa maanta ii farxad ah inuu furan yahay oo shaqaynayo oo dadku jiifaan dhismayaashuna ku soo kordheen, Safarkii u horeeyay ee aan imid waxa la igu lahaa Dhakhtarka noo fur, maantana haddaad leedihiin dhakhtar qalliin ayaanu u baahanahay waa alxamdullilaahi”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ Horumarku maalin kuma yimaado maadaama cusbitaalka dhawaan la furay wakhti ayay qaadanaysaa, sidii waxa ka dhiman loo buuxiyo, muddadii sannadka iyo badhka ahayd ee aan joogay wasaarada waxyaabaha kale ee aan qabtay waxa ka mid ah Iskuulka Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka ee Gobolka Sool oo lacag Saddex boqol oo Kun oo dollar ku dhowi ay gashay, anaa dhagax dhigay oo dhisay isla markaana furay waa dhisme dhaxalgal ah oo soo saari doona kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee dalka guud ahaan iyo gobolka Sool ba u baahnaa”.

Wasiirka Caafimaadku waxa uu tilmaamay Mashaariic door ah oo uu ka hirgaliyay Gobolka Sool isagoo fulinaya balanqaadkii Madaxweynaha waxaanu yidhi “ Meesha la yidhaahdo Kalabaydh, Xudun iyo Awr boogays hay’ad UNFPA la yidhaahdo Ayaan ku soo xidhay oo qalabka iyo daawadana bixisa, isla markaana Mid walba oo ka mid ah Saddexdaas Xarumood Shaqaalaha ka hawlgala siisa  Guno fiican” .

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Xaglo-toosiye waxa uu ka hadlay dad dano siyaasadeed leh oo Madaxweynaha hortiisa ka sheegay in caafimaad aanu jirin “arrintaas dhacday waxay ahayd qorshe la soo abaabulay oo Siyaasadaysan, Waxay u malaynayeen in Madaxweynuhu aanu ka warqabin xaalada caafimaad ee dalka, waa Nasiib daro, laakiinse waan fahamsanahay anigu, waxaa jira dad la dagaalama oo aan jeclayn in Gobolka wax loo qabto, Weliba waa siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Sool, Kuwaasoo la dagaalamaya qofkii raba inuu wax ka qabto, Waxaan idiin cadaynayaa in Shakhsi ahaan aanan u joojinayn dadka noocaas u fikiraya, Wixii aan qaban karana waan qabanayaa”. Ayuu yidhi wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye).

Mamnuucida Jaadka Oo Beeralayda & Ganacsatada Magaalada Hawadaay Werwer Ka Muujiyeen

Haawaday 28 January, 2015 (Himilo)- Ganacsatada jaadka ee magaalada Hawadaay ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inay culays weyn kala kulmeen mamnuucida waddamo ka tirsan Yurub ku joojiyeen jaadka, kuna dhowyihiin inay shaqo la’aan ku dhacaan.

des-commercants-de-khat-sur-le-marche-de-awaday-dans-l-est-de-l-ethiopie-le-30-juillet-2014_5020942Ganacsiga jaadka oo dhaqaale malaayiin doolar ka soo geli jiray dalka Itoobiya, ayaa mamnuucidii bishan ee dalka Netherland iyo Ingiriiska oo hore u mamnuucay la sheegay inuu culays dhaqaale la’aan ku keenay ganacsatadii Itoobiya. Hore ganacsiga jaadka ayaa kaalinta afaraad kaga jiray badeecadaha Itoobiya dibeda u dhoofiso oo dhaqaale lagu qiyaasay € 205 million ka heshay sannadihii 2012-13.
"Jaadku waa nolosha inta badan dadka Hawadaay, ma haystaan shaqo kale,” ayuu sheegay Mustafe Yuye, ganacsade jaad.

Ka hor mamnuucida, Mustafe oo u dhoofin jiray jaadka dalka Ingiriiska ayaa sheegay inuu haatan u wareegay suuqyada waddamada gobolka ee Somaliland, Soomaalia, Jabuuti iyo Yemen.

Qiimaha jaadka ayaa hoos u dhacay ka dib markii jaadku ku batay suuqyadaa oo sidoo kale ganacsatadii Kenya u soo wareejiyeen ganacsigooda.
"Mushkilada ugu weyn ee na haysata waa qiimaha,” ayuu sheegay Mustafe, oo xilligan lix dollar ku iibiya kiilooga, halkuu siin jiray labataan xilliyadii hore.

Maxamed Towfiiq ayaa sheegay in mamnuucida jaadka ee Ingiriisku saamaysay guud ahaan magaalada Hawadaay.

“Waxaan dhoofin jiray jaadka, mamnuucidii ka dib, waxaan noqday shaqo la’aan,” ayuu sheegay Mohammed Tofiq.
Beeralayda Itoobiya ayaa aad u jeclaa beerida jaadka maadaama sannadkii oo dhan ka gurto ayaa xilligan qorshaynaya inay ku laabtaan beerashada bunka.

Khadiija Yuusuf oo ka hadlaysay sababta ay u jeceshahay beerashada jaadka ayaa sheegtay inuu u baahan yahay biyo yar marka loo eego bunka.
"Haddaan weyno dhoofitaankii jaadka, waanu joojin doonaa beeridiisa, kuna laaban doonaa bunka,” ayey tidhi.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Xildhibaan Guurtida Ah Oo Xisbiyada Mucaaradka Kula Taliyey Inay Baraamij Waxqabad Cod Kaga Doonaan Bulshada Balse Aflagaado Waxba U Keenayn

Hargeysa 28 January, 2015 (Himilo)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac (Shaadh), oo ka tirsan gollaha Guurtida ayaa xisbiyada mucaaradka u soo jeediyey inay barnaamij waxqabad muuqda ku soo jiitaan shacabka Somaliland ee codka ay ka doonayaan, balse aflagaado iyo cay aanay meel gaadhsiinayn.

508050bc5eac3b807d5fa8da13caf391_LXildhibaanka ayaa Mucaaradka ku eedeeyay inaanay lahayn Khibrad Dawladdeed, sidoo kalena ay yihiin dad aan xilkas ahayn “Hadday Mucaaradku doorasho doonayaan, Xisbiyadoodu Barnaamij wax qabad ba ma laha. waxoodu waa Cay iyo Nac-nac iyo Fool xumo iyo fadqalalo 24-ka saacdood ay waddaan, markaa Niman doorasho doonaya maaha ee waa Niman doonaya inay meesha ku shaqaystaan oo Xisbi uun maqlay, laakiin Xisbigu kaas maaha waa Kulmiye oo kale, Madaxweyne doorasho doonayaana waa inuu Silaanyo oo kale noqdaa” ayuu yidhi XIldhibaan Shaadh.

Xildhibaan Shaadh waxa uu ka hadlay arrimaha doorashada “Madaxweynuhu wakhti buu qabtay oo maalin dhaafi mayso ayuu yidhi, taasina waa run oo waa xaqiiq. waxa weeye Madaxweynuhu shacbiyaddii iyo dadkiina wuu wataa, Waxqabadkiina wuu muujiyay, markaa maanta Madaxweynuhu ka warwari maayo doorasho” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Laakiin, haddii farsamo dhacdo oo wax si ka noqdaan, Kordhin baa dhacaysa oo dawlad la’aani jiri mayso Guurtida ayaa kordhinaysa. kolkaa kuwan Mucaaradka ah iyaga Muddo kordhin ayaaba u wanaagsan oo ay doonayaan laakiin lama tartami karaan Madaxweyne Silaanyo. waa dad 24-ka saac waxaad ka naxdo mooyaane wax dalka wax u tarayaba aan Odhanayn, Dad xil kas ahna maba aha”

Xildhibaan Shaadh waxa uu Mucaaradka u soo jeediyay inay Doorashada u diyaar garoobaan, waxase uu amaanay Madaxweynaha oo uu tilmaamay in dhaliishii Mucaaradka ee Madaxweynuhu meesha ka baxday maadaama Madaxweynuhu safar dalka ku soo maray islamarkaana taasi muujinayso sida uu u caafimaad qabo.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

Masuul Ka Tirsanaan Jiray Shabaab Oo Shaaciyey Inuu Fikirkii Khaldanaa Ka Soo Laabtay

Muqdisho 28 January, 2015 (Himilo)-Madaxii hore ee Sirdoonka Al-Shabaab Zakariya Ismaaciil Xirsi ayaa sheegay inuu ka tanaasulay fikirkii Al-Shabaab, isla markaana wuxuu caddeeyay in ay jiraan xubno la mid ah, oo damacsan inay ka tanaasulaan fikirka Shabaab.

Zakariya oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaaliya oo bishii December ee sanadkii la soo dhaafay isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey inuu ka tanaasulay fikirkii Al-Shabaab.

sakariye-ismaaciil2“Anigoo ah Zakriya Ismaaciil Xirsi oo ku magac dheer Zaki shalay oo ay taariikhdu tahay 27 Jan 2015, Sidaad la socotaanba waxaan ahaan jiray xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab oo aan masuuliyado kale duwan oo aan ka soo qabtay hogaanka sare ee ururka, waxaan cadeynayaa inaan ka mid aheyn Ururkaas”ayuu yihdi Zakariye Ismaaciil Xirsi.

Mar uu soo hadal qaaday ujeedooyinkii hore ee u ku bilowday Al-Shabaab oo ahaa kuwo dad badan  soo jiidan jiray, balse nasiib daro ay dhacday in laga leexday ujeedooyinkaas, isla markaana ay marin habaabiyeen shaqsiyaad watay dano gaar ah oo guracan, fara gelin iyo aragti shisheeyana aysan ka madhneyn.

“Xaaladuna waxay ku danbaysay in 1- in laga beensheego ku dhaqankii shareecada laguna dhacay xadgudub diineed, 2- Midnamadii iyo wada tashigii ururka oo meesha ka baxay, 3- Xidhiidhki bulshada oo xumaaday loona tudhi waayay, 4- Dulmi iyo xadgudub badan oo loo gaystay bulshada iyo dad badan oo ururka ka tirsanaaba, 5- In Jihaadkii la marin habaabiyay, loona rogay mid shacabkii lagu beegsado dhiigga muslimkana lagu xalaashaday”ayuu yidhi Zakariye Ismaaciil Xirsi.

Sidoo kale Zakariye Ismaaciil oo hadalkiisa wataa wuxuu yidhi “Waxaa xaqiiqa ah in fikirkaas qaloocan uu ku koobanyahay rag fara kutiris ah oo hogaanka ururka kamid ah, waxaana jira dad badan oo an qabin arinkaas kuna qanacsanayn sida wax u socdaan”

“Haddaba waxaan cadaynaayaa wixii imika ka danbeeya in aan xubin ka ahayn Ururka Al-shabaab, mabaadiidayda iyo fikirkayga aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo isfaham; oo aan ka tanaasulay inaan dagaal iyo colaad wax ku xaliyo”ayuu yiri Zakariye Ismaaciil.

Waxaa ugu baaqayaa kuna dhiiri galinayaa ragga saaxibaday ah in si wadahadal iyo nabadgalyo ah wax laga xaliyo maadaama uu ururkii ku yimid burbur iyo kala tag, anigana halkan waxaan

“Waxaan halkan ka cadaynayaa in aan waxba ka jirin aragtida ay dadbadan oo ururka ka mid ahi aaminsan yihiin in dawladu ku xadgudubto xuquuqda muwaadinka, iyo in loo gacangeliyo gacan shisheeye”ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Zakariye Ismaaciil.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somalilandsakariye-ismaaciil2

Magaalo Dalka Kenya Oo Loo Aqoonsaday Caasimada Dameeraha Afrika

Lamu 28 January, 2015 (Himilo)- Telefishanka alJaziira ayaa baahiyey in Jaziiradda Lamu ee dalka Kenya una dhaw xadka Soomaaliya iyo Kenya noqotay bogcada adduunka ee dameeraha ugu badani ku noolyihiin.

Warbixin uu baahiyay Tv-ga Al-Jazeera ayaa waxa lagu sheegay in dadka jaziiradda Lamu dadka nool ay badankood dhaqdaan dameeraha oo ay sidoo kale rartaan.

images333Tiro koob la sameeyay ayaa muujinaysa in dadka jaziiradaan ku nool ay tiro ahaan gaadhayaan 24,000 oo ruux sidoo kalena dameeraha jaziiradan ku nool ayaa lagu qiyaasaa 6,000 oo dameer, isla markaana ay joogaan laba gaadhi keliya.

Marka qaaradda Afrika loo eego Lamu waxa loo aqoonsanyahay caasimada dameeraha Afrika marka aad magaalada dhex socotana waxa ugu badan ee indhahaagu qabanayaan waa dameero. Dadka magaaladan ku nool ayaa sidoo kale dameeraha u adeegsada tartamo la qabto oo sanadle ah.

Shee Faamow oo 14 jir ku nool Lamu ayaa u sheegay AlJaziira inuu weligii  ku hamiyi jiray inuu dameer yeesho si uu mar uga qeybgalo tartanka sanadlaha ah.

Dadka Lamu ku dhaqan oo dameeraha uga faa’iidaysta xaabo gurashada, biyo dhaansiga iyo adeegyo kale oo nolosha muhiim u ah, ayaa kala siman Qaaradda Afrika iyo waddamo kale oo dunnida ku yaala guud ahaan, oo dameeraha u yihiin  gaadiid muhiim ah oo dadku rartaan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Hawlgal Cusub Oo Lagu Cidhibtirayo Dhibaatooyinka Dhalinyaradu Ka Geystaan Magaalooyinka

“Waxaan ku amrayaa Saraakiisha xukuma fadhiyada Booliska inay Tilifoonadoodu furnaadaan oo ay u dhaga-nuglaadaan qofkasta oo reer Somaliland ah,”Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan

Hargeysa 28 January, 2015 (Himilo)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,  ayaa ku dhawaaqay qorshe cusub oo ciidanka boolisku kor ugu qaadayaan hawshii illaalinta aminga oo la magac baxay  Hawlgalka Guusha, oo noqonaya hawlgal si joogta ah Maalin iyo Habeen ay ciidanka boolisku ku gudo jirayaan, isla markaana waxa uu ku amray saraakiisha xukuma fadhiyada Booliska inay Tilifoonadoodu furnaadaan oo ay u dhega nuglaadaan qofkasta oo reer Somaliland ah.

fadalTaliyaha Fadal oo warbaahinta la hadlay shalay galab, kadib Kulan uu la yeeshay saraakiisa sare ee ciidanka booliska ayaa waxa uu yidhi:- “Taliye-ku-xigeenka ciidanka Booliska, Hogaamada ciidamada, Saraakiisha kale,Taliyayaasha saldhigyada iyo Dablayda, Waxaan idiin xaqiijinayaa inay nabadgelyada Somaliland iyo ta Caasimadu-ba inay wanaagsan tahay, dhacdooyin way  dhacaan, laakiin nabadgelyada guud waxaynu ku jirnaa Al-xamdullilaahi Rabil Caalamiin oo waxaynu uga mahad-celinaynaa ILAAHAY iyo bulshada reer Somaliland oo gacan weyn ina siisa.”

Mar uu ka hadlayay Taliyuhu dhalinyaro ay ciidamadu soo qabqabteen iyo kuwo xukun ku dhacay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan halkan uga caddeynayaa bulshada reer Somaliland waxa had iyo goor la sheegaa kooxo dhalinyaro ah,oo isku dilaya koox-koox, kuwaas oo bulshada u geysta dhibaatooyin naf iyo maalba ah. Waxaan idiin sheegayaa in 24-kii sacadood ee u danbeeyey in Ciidanka booliska ee Caasimadu ay gacanta ku dhigeen 64-dhalinyaro ah, 25-ka mid ahna waxa lagu xukumay 5-bilood oo xadhiga (Shan bilood oo Xadhiga), annaga oo uga mahad-celinaynaa Xeer-illaalinta iyo Maxkamadda sidii degdega ahayd ee ay xukunkaasi u fuliyeen”.

Waxa kale oo intaasi ku daray “Dhalinyarada fidmo wadayaasha ah ee kooxaha u dagaalama waa dhaqan aad u xun, oo bulshada ku xun, oo sharciga ku xun oo Diinta ku xun, Waxaan halkan ka caddeynayaa inaanay jiri doonin wiil danbe oo xadhig loo iibinayo ama la ganaaxayo.oo qofku marka uu xumaanta geysto xabsiga ayuu ku qaadan doonaa, waxa kale oo aan halkan ka caddeynayaa oo la mida Tuugta waaweyn oo qaarkood ku jiraan kuwaa la xukumay, iyo mukhaadaraadka iyo wax kasta oo nabadgelyada khatar ku ah  inay ciidanka boolisku ay u yihiin dal jirayaal, naftooda u hurey habeen iyo maalinba u soo jeeda oo heegan u ah ammaana waan u soo jeedinayaa Ciidanka booliska ee Caasimada iyo guud ahaan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo heegan u ah ilaalinta nafta iyo maalka”.

Sidoo kale Taliye Fadal waxa uu iftiimiyey heerka ciidanka booliska ee illaalinta nabadgelyada “Waxa kale oo aan halkan ka caddeynayaa dhacdo way dhacdaa, waxa taala maxaa laga qabtay? Waxa la yidhi ‘Mayd maxaa u danbeeyey, kaa la sii sido, Xalay oo kale Gobolada dalka mid ka mida (Gobolka SOOL) laba qof ayaa midna lagu dilay midna lagu dhaawacay, abaaro saacadu markay ahayd 3:00 Habeenimo ee xalay ayaa Ciidanka boolisku labadii nin ee falkaasi geystay ay gacanta ku soo dhigeen.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Toddobaadkii la soo dhaafay falalkii ka dhacay Caasimada Hargeysa, haday yihiin dhalinyarada iyo haday yihiin kuwii toorida lagu dilay loo hayo saddex nin kii afraad ee maqnaana si fiican loo aqoonsaday oo sida ugu dhakhsaha baddan gacan loogu soo dhigi doono”

Taliye Fadal oo farriin waxa uu farriin u diray bulshada “Waxaan dadweynaha reer Somaliland u sheegayaa inay ciidanka booliska ay gacan buuxda ka siiyaan sidii ay horeba uga siinayeen….Waxaan ku amrayaa Saraakiisha xukuma fadhiyada Booliska inay Tilifoonadoodu furnaadaan oo ay u dhaga-nuglaadaan qofkasta oo reer Somaliland ah, waayo waxa uu boolisku u jooga oo uu u darban yahay, hawl ku soo dhacda, shaqada booliskuna malaha wakhti, Ninka booliska ah warkasta oo loo sheego waa inuu u qaataa war jira oo xaqiiqo ah oo uu ka hawlgalaa oo uu u dhaga nuglaadaa qofka muwaadinka ah,sidaad horeba ugu dhaga-nuglaydeen waa iga baraarujin”.

Taliyuhu wuxuu xusay in taliyayaasha saldhigyada looga baahan yahay inay bulshada xidhiidh dhow oo wada shaqayneed la yeeshaan, “Waxaan u sheegayaa taliyayaasha Saldhigyada sida uu sameeyey taliyaha Saldhiga Daloodho in bulshada xaafada laga sameysto dad sida aqoonyahanka, dhalinyarada Caafimaadka qabta, madax-dhaqameedka iyo guddiyada nabadgelyada xaafadaha in lala xidhiidho si ay hawshu u fududaato, waayo Soomaalidu waxay tidhaahda  ‘Far kaliyi fool ma dhaqdo”, cidda la doonayaa inay bulshada soo dhaweystaan waa ciidanka booliska oo ay hawshooda wada qabsadaan, waanay ka fududaanaysa hawshu marka taliyaha saldhigu la xidhiidho dadweynaha xaafadda uu ku nool yahay, waa arrin muhiima oo aan idinku boorinayo, oo aan idin farayo oo aan idinku amrayo,”

Taliye Cabdilaahi waxa uu ku dhawaaqay inay Ciidanka Booliska Somaliland ay bilaabeen hawlgalo cul culus, waxaanu yidhi“Hawlgalkan aanu galayno imika waxaan u bixiyay hawlgalkii “GUUSHA” mana joogsanayo oo habeen iyo maalinba ma kala laha, Subax malaha, Saq-dhexe malaha uu soconayaa. Waxaanan halkan digniin adag ka siinayaa Waalidiinta dhalay dhalinyaradaa haddii inankaa dhalinyarada ah ee Ciidanka boolisku yaqaano, ee ay bulshadu taqaano ee caadeysta ah haddii isaga la waayo meelkasta ha qabtee, waalidkiiba u xidhan oo u qoolan, waayo waalidku ma joogayo haddii ay wax ku dhacaan oo wax loo geysto… Meelaha Giimamka lagu ciyaaro ee loo aqoonsado inay nabadgelyada khatar ku yihiin waa la xidhayaa, Diiniyan ma wanaagsana, oo Caruurta ayuu akhlaaqda ka xumeynayaa, oo sharcigii ayay khilaafayaan, cidkasta oo lagu arko wax ka baxsan sharciga dawliga iyo Diinta Islaamka-ba ciidanka boolisku gacan bira ayay ku qabanayaan, waanan uga digayaa qolyaha Tiifiyada gaar ahaan meelaha Giimamka lagu ciyaaro.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland