Monday, January 26, 2015

“Da’du wax xun maaha, laakiin, inaan Awood leeyahay,inaan dhaqaaqi karayo, inaan socon karayo, inaan fikiri karayo,inaan Shaqayn karayo dee way iga muuqataa,” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa:Jan,26,2015(Himilo)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waraysi kooban oo uu siiyey TV-ga Qaranka Somaliland kaga Hadlay arimo la xidhiidha safarkiisii dhawaan ee Gobollada dalka iyo hankiisa musharraxnimo ee uu sheegay inuu markale hoggaanka dalka usoo hollan doono.

MADAXWEYN SIILAANYOMadaxweyne Siilaanyo, ayaa ugu horrayn si kalsooniyi ka muuqatay uga jawaabay su’aal la xidhiidhay safarkii uu kusoo maray Gobollada Dalka iyo waxyaabihii uu daaranaa, waxana uu safarkaas ku tilmaamay mid xogo-ogogaal u noqosho salka ku hayey,

“Safarkaasi wuxu daarranaa inaanu dalka soo maro,Inaanu xogogaal u noqono dadkayaga iyo dalkayagu wuxuu qabo.aad iyo aad bay farxad noogu ahayd inaanu ku soo wareegno qaybo badan oo dalka ka mid ah,dadka la soo kulano, waxay qabaan ogaano,Mashaariic ka soo furo,Dareenkooda Ogaano oo la soo tashano, aad iyo aad baanay farxad weyn ugu tahay Maamulkayga waayo waa in dadka iyo dawladdu isku xidhnaadaan” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha waxaa la waydiiyay Su’aal nuxurkeedu ahaa sida uu ugu adkaysanayay Socdaalkii Kalahaadda iyo Guuro galka ahaa iyo waliba Arrinta ku saabsan inuu Madaxweynuhu haatan hayay da oo aanu isa soo sharaxi Karin waxaanu ku jawaabay “Dee horta da’du wax xun maaha,Da’daydu kolay kuna weynaan mayso kuna yaraan mayso ee intaan ahay uun baan ahay laakiin, inaan Awood leeyahay,inaan dhaqaaqi karayo, inaan socon karayo, inaan fikiri karayo,inaan Shaqayn karayo dee way iga muuqataa, markaa Alxamudullilaahi Rabbil caalamiin, waan mahadinayaa, waan Caafimaad qabaa,waan wanaagsanahay, Illaahay Mahadii baan joogaa”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka jawaabay Dhaliisha Mucaaradka ee ah in Doorashadu wakhtigeedii dib uga dhacayso waxaanu yidhi “Doorashadu wakhtigeedii bay ku dhacaysaa Insha Allaahu tacaalaa,Annagu xaggayaga waanu ka dhamaystiray,wakhtigii doorashada loogu tala galayna way dhacaysaa,waanu ku xisaabtamaynaa,waanan fullinaynaa,Dimuqraadiyadda dalkana waanu ilaalinaynaa,xaggayagana ka liici mayso inaanu hagaajino oo toosino mooyaane.waajibka iyo xilka na saaran waanu ka soo baxaynaa si buuxda ayaanu Insha Allah u gudanaynaa”

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment