Wednesday, January 21, 2015

Maayir Soltelco oo Dhagax dhigay Waddo isku xidhi doonta Degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe

Hargeysa 21 Jan, 2015(Himilo)-Maayirka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa Maalintii Shalay dhagax dhigay waddo cusub oo isku xidhi doonta Degmooyinka Axmed Dhagax Iyo Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa.
dhagax dhigaMaayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ka hadlay dhagax dhiga waddadan ayaa sheegay inay waddadan ugu tala galeen sidii ay Waddooyinka dhexe ee Magaalada Hargeysa u noqon lahayd mid yaraysa Saxmada badan ee Waddooyinka Caasimada “ Waxa aanu maanta dhagax dhigayaa waddo taas oo ka timaada maxkamada soona marta beerta xoriyada, kana talawda Cawaale Jidhoon iyo Laynka millatariga ka dibna marta dugsiga mujaahid Quule Aadan Dool, kana talawda degmada Axmed Dhagax oo dhan ka dibna sii maraysa degmada Maxamuud Haybe ilaa Maxamed Mooge.” ayuu yidhi Maayirku, waxaanu sharaxaad ka bixiyay Muhiimada ay Waddadani yeelan doonto “ Runtiina Magaalada waxa ku yaraa waddooyinka u kala baxa Bari iyo galbeed, si saxmada looga yareeyo waddooyinka dhexe ee magaalada ayaa waddooyinkan loo samaynayaa, siyaasada uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweynaha Somaliland ee dhinaca waddooyinka ayaa Miisaaniyada sannadkan ee dawlada hoose ku salaysan tahay in waddooyinka la horu mariyo, taas oo noqonaysa inay dawlada hoose waddooyin cusub dhisto qalabkiina soo iibsato, taas oo keenaysa in waddooyin badan laga dhiso caasimada Hargeysa.”
Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa Shacabka ku dhaqan Degmada Axmed Dhagax ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay waddadaasi u socon lahayd, mar haddii buu yidhi aan haba yaraatee Dadkaasi laga qaadin Lacagtii lagu dhisay Waddadaasi, waxaanu yidhi “qaadhaanka ku darsada laydinma laha laakiin waa inaad ka qayb qaadataan halkii ay mari lahayd guryaha ka dhisana sidii loo dumin lahaa guddiduna ay is garab istaagto dawlada hoose” waxaanu intaa ku sii daray oo yidhi “ Qof, Aqal waddo ka dhistayna cidna looga garaabi maayo meeshii uu doono ha ka soo jeedo mansabkii uu doono ha hayo, qofka waddo aqal ka dhistay aqalkaas waa la duminayaa, waddadaasina ilaa marka ay marayso degmada Maxamuud Haybe aqal kasta oo ka hor yimaada waa la duminayaa dadkana waxaan leeyahay ha garab istaagaan dawlada hoose.”
Dhinaca kale, Maayir Soltelcoayaa ka hadlay Horu marka dhinaca waddooyinka ee ay ka hir galiyeen Degmada Axmed Dhagax, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaaya “Waddooyinkii kale ee ay ka qayb galayeena sidii ay sanadadii hore uga qayb galeen imikana hawga qayb galaan, sanadkii 2013 xaafadaha waxa ugu horaysay oo xaga waddooyinka ugu wax qabad badnayd degmada Axmed Dhagax, 3.5km masalaha ah ayaa laga hirgeliyey, sanadba dhinac ayaa culayska la saaraa, sanadkana waxa weeyaan Maxamuud Haybe-Axmed Dhagax iyo Gacan Libaax oo la dhamaystiri doono waddadii hore ee martay June iyo Gacan Libaax iyo waddadan aynu maanta dhagax dhigayno oo ah mashruuca ugu balaadhan ee dawlada hoose fulinayso sanadkan.”
Ugu dambayntiina Maayirka Caasimada Hargeysa waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay bixiyaan Cashuurta si loo dhiso Waddooyin badan isaga oo tilmaamay in maxkamad la geyn doono qofkii lagu yeesho Cashuurta Sannadkii tagay iyo qofka la arko isaga oo shaaricyada qashin ku qubaya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment