Hargeysa, 29 January, 2015 (Himilo)-Boqor cismaan aw maxamuud (Buur-madow) ayaa si adag u naqdiyey af-lagaado loo geystay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana ka codsaday in madaxweyne Silaanyo iyo xukuumadiisu xaal ka bixiyaan, isagoo axsaabta mucaaridka ah ku dhaliilay inaanay af-lagaadadaasi ka hadal ee ay ku wareegayaan waxyaalo raqiis ah.

Aniga dhaliisha ii muuqataa waxa weeyi in wasiirka hadlay uu af-lagaadeeyey madaxweynihii hore oo taariikhda galay, oo Somaliland intii uu xilka hayey wax badan u qabtay, isla markaana xilkii si sharaf leh u wareejiyey, anigu waxaan qabaa Madaxweyne Silaanyo, ma aha nin musuqmaasuq oo dhaqaale dhigtay gurigiisa iyo nin guryo ka dhistay midna, laakiin waxaanu ognahay in wasiirada wax dhaliilayaa guryahay ugu quruxda badan dhisteen, gabdhaha guryahooda u soo adeegaana gaadiid leeyihiin oo ay dhaqaalaha dalka siday doonaan ugu tagrifalaan, laakiinse may ahayn in madaxweynaha oo fadhiya uu ka xishoon waayo madaxweynihii hore ee sharafta inaga mudnaa, arrinkaana waxay ahayd in madaxweynuha iyo xukuumadu xaal ka bixiyaan, intii aan maqnaa arrimaha dalka ka dhacay ee aanay mucaaridku ka hadal ee ay ku warwareegayaan arrimo yar yar oo raqiis ah taasi ayaa ka mid ah”.
Buur-madow waxa kale oo uu ka hadlay tabashada gobolka Awdal iyo Suldaan Wabar, “Anigu waxaan qabaa fikirkani dibada ayuu ka yimid, waxaan filayaa fikir wax laga qancin karo maaaha, mana aha mawqifkii Somaliland, waxaanan qabaa Suldaanku inuu xadka Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya inuu ka fulinayo mawqifkii Daacish, waayo lama odhan karo waa Suldaan wax doonaya dadkiisa, waayo ninka suldaanka ah ee magaaladiisii yimid ee saq-dhexe rasaasta la dhacayaa waa argagixiso, ee maaha nidaam wax laga qancin karo oo saami qaybsi ah, waanan u sheegay dawlada oo waxaan leeyahay madaxweyne-ku-xigeenkii iyo wasiiro way leeyihiin reer Awdal”.
Boqor Buur-madow waxa kale oo uu xusay in musharaxnimada Madaxweyne Silaanyo aanay ku xidhinayn xaaladiisa, “ Musharaxnimada Madaxweyne Silaanyo kuma xidhna dadiisa iyo caafimaadkiisa midna ee waxa lagu qiimeynayaa waxa uu dalka u qabtay intii uu xilka hayey”. Ayuu Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment