
Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale hadaladii uu halkaa ka jeediyay Waxa kamid ahaa.
"Walaalayaal Waxqabadkaa Gobolka Saaxil ka muuqda ee dalka oo dhan ka muuqda,illaahay ayaa inoo suurtagaliyay illaahayna gacanta Madaxweynaha ayuu ku suurtagaliyay aynu u mahadnaqno Madaxweynaha doonaya dalkan iyo dadkan inuu u shaqeeyo illaahaybaa mahadaa leh subxaanahu watacaalaa hogaanka wanaagsanina,isaga ayaa suurtagaliya waxa Wanaagsan hogaanka leexsamaana isagaa suurtagaliya waxa leexsama Gobolka Saaxil waxyaabahaa adag ee ka qabsoomay ama ka qabsoomaya waxa kamid ah Wadadaa adag ee isku xidha Hargeysa iyo Berbera,oo saad ogtihiin ilaa xamaas dib udhis Wanaagsan ay dowladu kadhistey oo Wasaarada Maaliyadu lacag malaayiin dollar ah ka bixisay waa xaqiiqo dhab ah Xamaas wey soo gaadhay aduunkiina markuu arkey in aynu wax qabsaneyno mucaawinooyin kale ayaa la ina Siiyay,waxana socota hada dhameystirkii laga soo bilaabo Berbera ilaa Sheekh"Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland waxa uu u mahad celiyay Dedaalka ay muujiyeen Maamulka Dekeda Berbera iyo Maamulka Keydka Haamaha Shidaalku isagoo, qodob qodob u xusey waxqabadyada ay Wasaaradu Maaliyadu ka qeyb qaadatey ee suurtagaly Mudada Xukuumadani talada haysay gaar ahaana mudadii uu Xilka Wasaarada Hayay ee Miisaaniyadiidihii u kordhey Wasaarada sanadihii laga soo gudbey ee 2013ka ilaa 2014ka
Waxa kale oo Wasiirka Wasaarada Maaliyadu carabka ku dhuftey in ay Gudaha Dekeada ka Wasaarad ahaan ka hirgalin doonaan Dhawaan Dhismayaal la Xidhiidha kordhinta Kastamada Dekeada iyo Qeybo kale oo kamid ah Xaruntii Wasaarada ee Gobolka Saaxil,iyo Xafiisyada Maamulka Kastamka Dekeda Berbera.
Wasaarada Maaliyada ayaa, waxa ay Suurtaglisey mudadii uu Xilka Wasaarada Hayay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale Dhismayaal fara badan oo laga hirgaliyay Wasaaradaha dalka iyo guud ahaan gobolada dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment