Wednesday, January 21, 2015

Masuuliyiinta Madaarka Cigaal Oo Soo Bandhigay 320 Baasaboor Sharci Daro Ah Oo Lagu Qabtay Madaarka

Hargeysa 21 Jan, 2015 (Himilo)-Masuuliyiinta madaarka Cigaal International Airport ee caasimada Hargeysa ayaa soo bandhigay 320 baasaboor si sharci daro ah lagu doonayo in loogu dhoofo dunida oo lagu qabtay madaarka hargeysa, waxaanay bulshada uga digeen innay isku dayaan in baasabooro aanay lahayn kaga dhoofaan madaarka Hargeysa.
masuuliyiinta madaarkaMasuuliyiintan oo kala ah maamulaha madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Taliyaha Laanta socdaalka ee Madaarka Gaashaanle Cabdi Saleebaan Aadan oo shalay warbaahinta u waramay qaabka madaarka loogu qabtay baasabooro sharci daro ah oo dad aan lahayni doonayeen inay ku dhoofaan.
Taliyaha Laanta socdaalka madaarka Hargeysa Gaashaanle Cabdi Saleebaan Aadan oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:-
baasabooro foojari ah“Waxaanu maanta idiinku yeedhnay warbixin kooban in aanu ka bixino qaabka iyo nidaamka Laanta socdaalku (Emigration) uga shaqayso madaarku muddadii laga soo guuray Madaarka Berbera, iyo ilaa hada dadka sifaha sharci darada ah isugu dayayey inay ugu dhoofayey madaarkeena ee aynu ku qabanay, tiradooda iyo baasaaboorada ay siteen waddamada ay kala yihiin, meelaha ay u socdeen, iyo qaababka ay adeegsanayeen ee ay nagu marayeen, markii Berbera laga soo wareegay Wasaaradda Duulista Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Laanta socdaalka waxay go’aansadeen in la xakameeyo dadkan sida sharcidarada ah ku doonaya inay madaarada iyo xuduudahaba ka baxaan, Xukuumaduna waxay go’aansatay arintaas in ka xakameeyo,”
Taliyaha Xafiiska Laanta Socdaalka ee Madaarka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray ““laansocdaal ahaan waxaanu maanta soo bandhigaynaa oo maamuluhuna nagu weheliyo, Madaarkan Caalamiga ah ee Cigaal muddadii uu shaqaynayey baasaboorada la qabatay ee sida sharcidardada ah uga baxyey,waxay dhan yihiin 320 (sadex boqol iyo labaatan) basaaboor, oo noqonaysa hal sano gudaheed, August 2013-KII ayaa la furay madaarka ilaa January 2015-ka oo maanta ah, 320 baasaaaboor, waxa ay noqonayaan wadamadoodu oo ay isugu jiraan wadamo badan oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Iswiidhan, Dheenmarak, Norwey, Holland, Biljam, Talyaaniga,wadamada yurub oo dhan iyo Kanada dhamaantood way ku jiraan, waddan aan baasaboorkiisu halkan ku jirin ma jiro sida aad arkasaan. “ ayuu yidhi Gaashaanle Cabdi Saleebaan waxaanu intaas ku daray “ dadkaasi waxay kala yihiin dad baasaboor foojari ah oo aan sharci ahayn watay iyo dad isu Ekaanshiiyo ah oo sita baasaboor qof ay isu eeg yihin, oo aan lahayn baasaboorka uu sito, labadaa qaybood ayey u qaybsamaan.”
Gaashaanle Saleebaan ayaa sidoo kalena ka hadlay dadka lagu qabtay Fiisayaal sharci darro ah waxaanu yidhi “ waxa kaloo jira dad fiisayaal sharci darro ah oo aanay waddamadii lahaa soo saarin oo meelo kale laga soo saaray sita, sida Angola, Musanbiig , Koonfur Afrika, Sudan, Masar, Yaman waddamadaas oo dhan waxaa ka soo baxa fiisayaal sharci darro ah, oo waddankii lahaa si sharci ah aanay u soo saarin, Thailand waa ka mid oo dad mukhalisiin ah ayaa soo saara dadna waa lagu tahriibinayaa iyagana ilaa hada dadkaanu celinay waa ilaa 140 qof oo aanu basaboorada dib ugu celinay oo aanu ka joojinay in ay madaarka ka dhoofaan, way jiraan dabcan baasabooro sharci ah iyo fiisayaal sharci ah sita oo lama celiyo iyaga, oo markaanu baadhnay aanu ogaanay in ay sharci yihiin, laakiin inta badan fiisayaasha sida qaloocan meelaha looga soo saaro iyo baasabooradan sharci darrada ah ee la sitaa madaarkan waa laga mamnuucay taasina waa Siyaasadda Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland ay ku maamulayso Madaaradeeda iyo xuduudaheeda, haddaba dadkeena waxaanu u soo jeedinayaa inay ka waantoobaan arrimahaas oo aanay ku kharash garoobin sharci darro ah, waayo waanu qabanayaa”
Gaashaanle Cabdi Salaabeen ayaa sidoo kalena intaas ku daray “ dadka waxaan leenahay ha iibsanina baasaabooradaas, hantiiidana wax kale ku isticimaala, dadka arintaas waan ugu digaynaa, waana la joojiyey, wakhtiyadii hore dadka waanu ka qaadi jirnay uun Baasaaboorka, dadka waanu iska siin dayn jirnay, laakiin maanta shir halkan ka dhacay waxa lagu go’aamiyey in qofka maxkamad lagu saaro haddii lagu qabto Dhukumanti sharci darro ah.”
Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaacil oo isaguna shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “ si aanu u illaalino sharciga, iyo sumcada madaarka Cigaal, waxa aanu diyaar u nahay inaanu samayno tab kasta oo aanu kula dagaalamayno dadka doonaya inay sifaha sharci darrada ah, ugu dhoofaan madaarkan, anaga oo kaashanayna hay’adaha ku shaqada leh, arrintaas si aanu wax ugu qabano waxaanu u tababarnay shaqaale u carbisan sidii ay u baadhi lahaayeen cid kasta oo sidata dhukumanti sharci darro ah, markaas waxaanu ka Wasaaradda Duulis ahaan iyo ka Xukuumad ahaanba aanu balanqaadaynaya in aanu talaabo adag ka qaadayno qof kasta oo ay ku soo baxdo arrimahaas uu Taliyaha Socdaal ka hadlay, qofkaasna la hor geyn doono maxkamada.”
Maamule Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa sidoo kalena sheegay in dadka doonaya inay madaarka sifaha sharci darada ah kaga dhoofaan inay la yimdaan qaabab kala duwan taasna ay ku baraarugsan yihiin waxaanu yidhi “ waxaanu ogsoonahay in xeelado iyo tabo kala duwan ay la yimaadaan dadkaas oo doonaya inay madaarka sida sharci darrada ah uga dhoofaan, waxaanu ku kalsoonahay inaanu leenahay awood aanu ku xaqiijin karno sharciga ay sitaan saxnimadiisa, waxa kale oo aanu ku kalsoonahay inaanu haysano shaqaale u tababaran arrimahaas iyo sida loola tacaaalo, mar labaad dadka waxaan ugu digaynaa inay ku soo tallo galaan inay madaarkan ka dhoofaan iyaga oo sharcigoodu uu khaldan yahay.” Ayuu yidhi Maamule Maxamed Yuusuf.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment