
Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ maanta waxaanu mudane madaxweyne ku xigeen iyo xubnaha wasiirada ee sharafta leh, ee aanu maanta munaasibada wada joogno, waxaanu bilownay balaadhintii Dhabada dayuuradaha qaybtii ugu dambaysay, waxaana la dhigayaa daamurkii, shaqadan aynu maanta halkan ka bilownay waxa weeye Kun iyo Laba boqol iyo Konton Mitir (1250 M) oo lagu darayo Runway-ga madaarka caasimada ee Cigaal, waxa ay hawshani ka kooban tahay laba leeyar oo ka hore yahay Lix Santi Mitir (6 CM) ka dambena afar santi mitir (4 CM) uu yahay, hawshan waxa la wadday muddo sanad ku dhaw, oo laga shaqaynayey dhabadaas iyo sidii loo soo dhishi lahaa, shaqadan intii adkayd waynu soo qabanay, Dhulka waa la qoday ka dib dhagax adag ayaa lagu soo dhisay, waa la soo buuxiyey aad ayaa loo adkeeyey, shaqadu xoogeeduna taas ayey ahayd, hawsha aynu maanta qabanaynaa waa shaqadaas wajigeedii labaad oo daamurkii ah, waxaanu rajaynayaa in muddo bil gudaheed ah aynu hawshaasi ku dhamaato qaybtaasi, ka diba aanu u gudbino qaybaha kale ee Apron-ka iyo baarkinka oo la balaadhinayo, Taxi-way labaad oo isna la samaynayo, arrintaasi waxay Garoonka caasimada ee Cigaal ka dhigi doontaa Garoon weyn oo caalami ah, iyo Dekad labaad oo dalkan u soo korodhay, waa guul qarankan Somaliland uu leeyahay waa guul Xukuumadan Kulmiye ay leedahay, ILAAHAY ayaa ku mahad leh.”
Wasiirka Duulista Somaliland ayaa sidoo kale intaasi ku daray “ waxaan jecelahay inaan u mahad naqo dawladda Kuwait oo mashruucan oo inaga caawinaysa oo muddan inay u mahad naqno, waxaan jeclehay inaan sidoo kale u mahad naqo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada Somaliland oo runtii nagala shaqeeyey mashruucan, oo marka laga tago mashruucan Kuwait suuro galiyey lacag fara badan oo madaarkan la galinayo oo Xukuumadda Somaliland ay bixinayso, waxa ka mida banaynta Saddex iyo toban Kiiloomitir (13KM) oo madaarka ah oo xayndaab lagu wareejiyey, oo wixii dhisme iyo beero ku dhex jiray ay Dawladda Somaliland mag dhabayso, oo ay dadka u celinayso, waxa kale oo ka mida laydhkii madaarkan ee habeenkii suuro galinayey inay Diyaaraduhu adeegsadaan, oo ay Xukuumadu soo iibisay lacagteediina aanu bixinay, ayna ka qayb qaateen shirkadaha Daallo iyo Juba isla markaana ay kaalmo ka gaysteen, xukuumadduna ay kharash weyn bixisay, saddex billood gudahood aanu ku tallo jirno inuu Garoonku noqdo mid habeenkii shaqeeya Insha Allaah.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ( Saylici) oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa yidhi “ Runtii waxaanu maanta aad ugu faraxsanahay in balaadhintii gagada diyaaradaha Egal International Airport wajigii u danbeeyay maanta la billaabay oo muddo soo socotay, hawl adagna laga soo qabtay runtii, waxaa maanta ummadda reer Somaliland guul u ah wixii bil ama laba billood ka danbeeya uu madaarkani noqonayo mid buuxiyey dhamaan shuruudaha madaarada caalamiga ah, isla markaana waddooyin badan oo dhib lagu mari jiray lagaga raysan doono, waxa ay u tahay guul Xukuumadda Somaliland ee jirtay muddada Afarta Sano Iyo badhka ah, himilooyinkeediina runtii ku guulaysatay, waxaanu maanta ugu bushaaraynaynaa ummada reer Somaliland, ballan-qaadyadii aanu ummadda u samaynaynay inay ahaayeen wax suuro gal ah oo rasmi ah.”
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ iyada oo aanu ummadda u adeegayno xilkay noo igmatayna ugu adeegno sida ugu qiimaha badan leh, iyo baahiyaha ay tabayeen oo aan gaadhsiinay, arrintani waa talaabadii ugu weyneyd ee lagu dhiirado loona dhabar adaygay in xaga horumarka loo kaco, madaarkan Egal International in uu noqday madaar caalami ah, cidna kama qarsoona, intii hore ee la soo sameeyey waxa ay ahayd Laba Kiiloomitir iyo Shan boqol oo Mitir (2.5KM), hadda intan lagu darayaana waa 1KM iyo rubuc, markaa waa Afar Kiiloo mitir 4KM oo rubuc la, taasi waxay cadaynaysaa in madaarkii noqoday madaar caalami ah oo ay diyaarad kasta oo caalamka ka duushaa ay ka soo dagi karto kana duuli karto, taas waxaanu ugu bushaaraynaynaa dadkii qurbajooga ah ee meelo badan oo dhibaatooyin leh soo mari jiray ay kaga raysan doonaan ama fursado badan ay heli doonaan oo diyaaradihii dalka iminayey ay badan doonaan, marka adeegani ay helaan oo madaarkii uu noqday madaar caalami ah taasina ay fudaydin doonto xaga helitaankii wakhtiga iyo xagii kharashka oo ka yaaraan doona maadaama ay Diyaaraduhu kooban yihiin hadda.” Ayuu yidhi Mudane Saylici.
Waxa kale oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, oo ka mida Madax dhaqameedka faca weyn ee Somaliland waxaanu yidhi “ aad baan ugu hambalyenayaa Xukuumadda maanta taladda dalka haysa, dalka way arad tireen intii awooda ahayd, waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa Wasiirka Duulista iyo hawadda oo runtii muujiyey wasaarad ahaan waxaan la filayn inuu qabsoomi karo, waayo waxa ka mida maanta halkaas aynu taagan nahay ee madaarku nin waliba siduu ahaa wuu garanayaa, hadaad eegto dhismahiisa gudaha, haddaad dhabada dayuuradaha eegto, aad iyo aad ayaan u hambalyeynayaa Wasiirka, maanta madaarkeenu wuxuu la dhigan yahay, oo uu la tartamayaa madaaradii caalamka, iyadoo aynu awoodeena garanayo, Wasiir Maxamuudoow waan ku hambalynayaa, aad ayaan kuu bogaadinayaa waxaan jecelahay inay Wasiirada kale kugu daydaan oo aad adigu tilmaanta koowaad noqoto.” Ayuu yidhi Suldaan Cismaan.
HALKAN KA DAAWO SAWIRADA
[gallery ids="14872,14888,14887,14886,14885,14884,14883,14882,14881,14880,14879,14878,14877,14876,14875,14874,14873"]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment