Tuesday, January 27, 2015

Xubno Lagu Tuhunsan Yahay Al-shabaab Oo Gudaha Kenya Lagu Qabtay

Nairobi:Jan,27,2015(Himilo)-Tiro rag ah oo lagu xidhiidhinayo Kooxda Al-shabaab ayey Ciidanka Ilaalada Xeebaha Kenya gacanta ku dhigeen, waxana lagu wadaa Baadhitaano joogto ah.

xureSarkaal u hadlay ciidamda ilaalada xeebaha dalka Kenya ayey warbaahinta dalka Kenya soo xigteen isagoo sheegay in dadka la qabay ay yihiin saddex qof oo hore tuhuno ugu jiray, waxaana uu dusha kaga tuura dadka la hayo eedeymo ah in ay Shababa ka caawin jireen in ay hubka usoo gashaan gudaha dalka Kenya.

Dadka la qabtay ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda Kenya, waxayna ku socdeen markii la qabnaayey caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Goobta lagu qabtay ragan oo ah jasiirada Lamu waxaa hore uga dhacay weeraro ay dad badani ku geeriyoodeen kuwaas oo ay mas’uuliyadooda sheegteen ururka Al-Shabaab.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment