Brussels 21 January, 2015 (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis ayaa guddiga Arrimaha Dibedda ee baarlamaanka Yurub u soo jeediyey inay taageeraan qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland oo dhamaan buuxisay shuruudahii aqoonsiga.

Wasiir Biixi oo khudbad u jeediyey xubnaha guddiga ayaa ka waramay taariikhda Somaliland iyo sababahii keenay midnimadii lagu hungoobay ee Soomaaliya oo bilowgiiba shacabka Somaliland ka soo horjeesteen.
“Xaqiiqdii ma jirin wax heshiis midow oo Somaliland iyo Soomaaliya dhexmaray.
Mudane Biixi ayaa sheegay in dalkiisu wakhtigan ula macaamilo beesha caalamka sidii dal madaxbanaan, isla markaana ay jiraan heshiisyo uu la saxeexday waddamadda caalamka qaarkood.
Xilligan waxaan ula macaamilnaa sidii dal madaxbanaan dunida, waxaana jira heshiisyo aanu la galnay waddamadda caalamka qaarkood. Waxaanu kala shaqeynaa dhinacyo badan sida la dagaalanka budhcad badeedka.”
“Waanu qiimaynaynaa taageerada Midowga Yurub oo xafiiskii ugu horeeyey ka furtay Somaliland.”
Dhinaca kale, xubnaha Guddiga Arrimaha Dibedda u qaabilsan Baarlamaanka Yurub ayaa weydiiyey wefdiga Somaliland siday u arkaan taageerada wakhtigan Midowga Yurub u fidiyo Somaliland iyo inay ku qanacsan yihiin dariiqyada ay u soo mariyaan.
Xildhibaan kaloo ka mid ah guddiga Arrimaha Dibedda ayaa wefdiga Somaliland u soo jeediyey siday u arkaan haddii Midowga Yurub keeno qorshe lagu dhexdhexaadinayo sida wakhtigan waddamo badan oo qaarada Afrika uga wadno.
Kulankaa wefdiga ka socday Somaliland iyo baarlamaanka Yurub guddiga u qaabilsan Arrimaha Dibedda shalay dhexmaray ayaa ku soo beegmaya xilli shirweyne lagaga hadlayey aqoonsiga Somaliland isla shalay uu ku qabsoomay magaalada Brussels.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment