
Ciyaartan uu madaxweynuhu daawashadeeda ka qayb galay ayaa ahayd final ay labadan kooxood koob ku kala qaadayeen isla markaana loogu magac daray waxqabadka xukuumada madaxweyne silaanyo.Dhinaca kale daawashada ciyaarta ka hore Madaxweyne Silaanyo waxa uu soo kormeeray dadka danyarta ah ee garoonka ku hareeraysan oo dawlada hoose ee berberi guddoonsiiyey looguna rakibay buulasha iyo jiingadaha ay degan yihiin qalabka casriga ah ee cadceeda kaydiya ka dibna dabka dhaliya loona yaqaan solarta, ayaa ku soo noqday garoonka kubada cagta oo uu madaxweynuhu, gebegebadii gudoonsiiyey kooxdii ku guulaysatay koobka oo noqotay kooxda ku ciyaaraysay wakaalada biyaha berbera.
isaga oo madaxweynuhu markii danbena uga mahadnaqay dhamaan kooxihii ku tartamaayey koobkan, si gaar ahna waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay labadii kooxood oo soo bandhigay ciyaar wanaaga oo uu madaxweynuhu halkaasi ka hambalyeey guulaha ay gaadheen kuna soo bandhigeen ciyaar dadka qancisa soona jiidatay dadka daawanaayey ee uu madaxweynuhu ka midka ahaa.
HALKAN KA DAAWO SAWIRADA
[gallery columns="4" ids="14595,14594,14593,14592,14591,14590,14589,14588,14587,14586,14585,14584,14583,14582,14581,14580,14579,14578,14577,14576,14575,14574,14573,14572,14571,14570,14569,14568,14567,14566,14565,14564,14563,14562,14561,14560,14559,14558,14557,14556,14555,14554,14553,14552,14551,14550"]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment