
“Waxaan ka xumayhay marka qofku dhisto meel waddo ah haddana inuu cagafyadii dawladda iyo ciidanka dhagax kala horyimaado, waxaan leenahay shalay gelinkii hore dadka halkaas ka galay falkaas ee cagafta iyo baabuurrta dawladda jajabiyey marnaba kaga hadhi mayno,” ayuu yidhi maayirka Hargeysa.
Waxaannu u mahadceliyey dadweynaha ku dhaqan goobaha jidka laga banneeyey ee la shaqeeyey, isagoo xusay inay xannuun badan tahay marka qofka laga duminayo guri uu waddo dhexdeed ka dhistay, balse ay dad badan oo wada-shaqayn la sameeyeen dawladda Hoose ee Hargeysa.
“Waxaannu samaynay wejigii koowaad ee waddada ka baxda beerta Xoriyada ee marta dhinaca xaafadaha degmada Axmed-dhagax, taasoo marka wejiga koowaad ka baxayso u soconaysa koonfur, marka danbena bari iyo galbeed, dhinaca galbeedka waxay kaga xidhmi doontaaa halka ciidanka booliska, dhinaca kalena waxay kaga xidhmi doontaa ilaa Degmada Maxamed Mooge oo ay ka tallaabi doonto waddadu,” ayuu yidhi maayirku.
“Waxa la sameeynayo waa hawl danguud ah oo ummadda oo dhan u adeegaysa, maanta markay halkaas saxmadu ka taagantahay, qofka doonaya inuu tago hudheelka Ambassador ama qofka doonaya inuu tago xaafadda Haaf Londhon halkan ayuu ayuu kaga boodayaa ama waddo kale oo halkan marta ayey noqonaysaa, isku xidhka magaalada ayeyna fududeynaysaa, waxayna sameynaysaa qofka aqalkiisa qaybta laga dumiyey maahee qaybta kale ayey u wanaagsan tahay oo waxay noqonaysaa inay u sameyso goob ganacsi,oo ka faa’iido badan qiimahiina uu aad ugu kaco.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment