Saturday, January 24, 2015

Muqdisho: Socdaalkii baaqday ee Madaxweynaha Turkiga oo Berri loo muddeeyey iyo Saraakiil loo xidh-xidhay weerar lala eegtay Wefti gogol-xaadh u ahaa

Muqdisho, 24 Jan, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo lagu waday inuu shalay booqasho ku tago magaalada Muqdisho, ayaa u baaqday ka qayb-galka Aaska Boqorkii Sucuudiga oo geeriyooday, waxaanu madaxweynuhu sheegay inuu magaalada Muqdisho tagi doono maalinta Axadda ah ee Berri.
734962_358208750945079_1671729643_nMadaxweyne Erdogan oo ka hor qorshaha socdaalkiisa Muqdisho ee dib u dhacay booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa oo uu uga laabtay dhinaca dalka Sucuudiga, ayaa mar uu koox weriyeyaal ah kula hadlayey garoonka diyaaradaha Addi Ababa waxa uu sheegay inuu booqasho ku tagi doono magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho.
“Waxaan go’aansanay inaan aadno Riyadh oo aan kaga qaybgalayo aaska boqorka Saudi Arabia Cabdalla Bin Cabdicasiis. Balse waan sii wadayaa safarkii aan ku tegi lahaa Somalia iyo Jabuuti,” ayuu Erdogan u sheegay koox wariyeyaal ah oo uu kula hadlay Addis Ababa.
Erdogan ayaa filayaa inuu booqashadiisa ku horeysiiyo dalka dalka Jabuuti, isagoo uga sii gudbi doona magaalada Muqdisho ee Soomaaliya oo la filayo inuu ku beegan yahay Axadda Berri, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dawladda Soomaaliya.
Wefti hordhac u ahaa socdaalka Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho oo deggenaa Hotel lagu magacaabo SYL oo ku yaala meel u dhow madaxtooyada Soomalaiya, ayaa dorraad Khamiistii lala beegsaday baabuur laga buuxiyey walxaha qarka, in kasta oo aanu wax khasaare ahi ka soo gaadhin weftiga Turkiga, balse ay ku dhinteen saddex qof oo laba ka mid ahi askar ahaayeen.
Qaraxan oo ismiidaamin ahaa, waxaa masuuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab oo shaacisay inay la beegsatay saraakiil Soomaali iyo Turki isugu jira oo ku shirayey Hotelka ay deggenaayeen.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, waxa dhacdadan loo xidh-xidhay saraakiil sar-sare oo ka tirsan laamaha amniga oo sheegay inay qaadeen tallaabooyin ku aaddan sidii ay u heli lahaayeen ciddii ku lug lahayd weerarkaas,
Warku waxa uu intaas ku daray in saraakiisha falkan loo xidh-xidhay ay ku jireen laba taliye oo ka tirsan booliiska dalkaasi Soomaaliya, isla markaana baadhitaanno ku socdaan, iyada oo amniga hoteelka weerarka lala beegsaday iyo hareerihiisa ay la wareegeen ciidamada nabadsugidda iyo xoogagga nabad-ilaalinta ee AMISOM.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment