“Waxaynu sheegaynaa inay xaaraan tahay hawsheedu, ninkii gudcur ku cantuugaya isaga ayey u taalaa…wixii hore Illaahay ha idinka dhaafo….”
Burco 27 January, 2015 (Himilo)-Culimada magaalada Burco ayaa si adag uga hadlay shaqada shirkada Tiens ka wado dalka, isla markaana ku tilmaamay xaaraan, loona baahan yahay inay faraha kala baxaan dhamaan inta ku guda jirta hawlaheeda.
Kulan su’aalo diineed lagu weydiinayey ayuu Sheekh Maxamuud ku sheegay in shirkada Tiens iibkeeda ku jirto khiyaano, ribbo iyo in lagu qaadanayo xoolaha dadka xaqdaro, culimada islaamku guud ahaan isku raaceen inay dembi tahay ka shaqeynteedu.
Shirkadan Tiens oo deegaano badan oo Somaliland xafiisyo ku leh, isla markaana ku iibiya daawooyin la sheego inay caafimaadka wax ka taraan, ayaa Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa diinta islaamku ka qabto hawlaha shirkada Tiens qabato waxuu yidhi,

Waddamadda islaamka markii hore ayey u yara dhuumatay waxa ka mid ah Masar iyo Sudan, markii dambe warkoodii waa la fahmay inay tahay shirkad budhcad ah, oo ummada dhacaysa.
vlcsnap-2015-01-26-20h53m33s222Sheekh maxamuud ayaa sheegay in hawsha shirkada Tiens ku jirto khiyaami, ribbo, isla markaana hay’adda culimadda islaamku xaaraan ku tilmaameen hawlaheeda, waxaanu yidhi, “Dhowr qodob ayaa ku jira iibkeeda. Ribbo ayaa ku jirta,khiyaano ayaa ku jirta, in xoolaha islaamka xaqdaro lagu cunno ayaa ku jirta. Si fiican hay’adda ugu sareysa culimadda islaamka ayaa uga hadlay, go’aamada ay ka soo saareen way qoran yihiin.
“Waxaan leenahay dadka ka shaqeeya ama dadka wax ka qaadqaata, dadku waa muslimiin, oo diin jecel, haddii ay aqoon fiican u lahaan lahaayeen diintooda iyo waxay ka qabto arrinka shirkada way ka joogsan lahaayeen. Waxaynu sheegaynaa inay xaaraan tahay hawsheedu, ninkii gudcur ku cantuugaya isaga ayey u taalaa. Waxaan leenahay waxii tegay illaahay ha idinka dhaafo, waxii dambena haddaad ka joogsan weydaan ogaada inaad xaaraan quudanaysaan.”
Shirkada Tiens oo xarunteedu ku taal magaalada Hargeysa ayaa hore xilliyo kala duwan xukuumada Somaliland uga soo saartay go’aamo lagu joojinayo hawlaha ay ka wado dalka, inkastoo ilaa wakhtigan aanay jirin wax ka fulay go’aamadaa hay’adaha kala duwan ka soo saareen
HALKAN KA DAAWO KULAN-DIIMEEDKA BURCO EE LAGAGA HADLAY SHIRKADA TEINS
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment