
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciim Faarax, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada loogu tallogalay gaadiidka wasaaradoodu la wareegtay iyo cidda loo qorsheeyey inay ka faa’iidaystaan.
“Md. Madaxweyne-ku-xigeen, waxa farxad noo ah in aad nagala qaybgasho xafladda Wasaarada Beeraha ay kula wareegayso gaadiid tiradoodu dhan tahay 8 baabuur oo ay hay’adda FAO nagu caawisay, waxaannu gaadiidkan ka mid yahay mashruuc ama barnaamij la yidhaahdo Dugsi-goobeedyo beeralayda ah, kaasoo ay naga caawiyeen Midawga Yurub (EU-da) oo soo mariyey Hay’adda Qarammada Midoobay ee FAO, oo wadashaqayn dhaw la leh Wasaaradda Beeraha Somaliland, iyadoo mashaariicda ay la wadaan iyo kuwa ay fuliyeen aan la soo koobi karin,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.
Agaasimaha guud waxa kale oo uu ka waramay sida barnaamijkan dalka uga hirgalay waxaannu yidhi; “Barnaamijkan waxa uu ka socdaa lix gobol oo kala ah; Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil, Gabiley, Togdheer oo u kala baxaya Daad-madheedh iyo Burco, waxaanna barnaamijkaas ka shaqaynaya shaqaalaha Wasaaradda Beeraha oo loo tabobaray, waxa aannu beryahan ku jirnay cilmi-daadejinta ku xidhnaan jirtay in Wasaaradda Beeraha oo keliya loo soo doonto cilmiga fidinta beeraha ama la-dagaalanka cayayaanka, markaas hawshaas hoos ayaannu u daadejinay, waxaanan gaadhsiinay heer gobol, heer degmo ilaa heer beeralay.”
Madaxa Hay’adda FAO ee Somaliland Mr. Maxamed Jaamac Gaheyr oo xafladaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:-
“Waxaan jecalahay in aan halkan ka xuso in Hay’adda FAO ay la wado Wasaaradda baraamij ballaadhan oo ay qorshihiisa ay la timid Wasaaradda Beerahu. Baaburtan waxay ka mid yihiin barnaamijkaasi maamul-daadijinta ah ee hawlaha fidinta beeraha iyo wacigalinta loogu tallogalay, waxaanan rabnaa in aannu farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka caawino aragtida ay la yimaadaan dawladda Somaliland iyo Wasaaradda Beerahaba, iyadoo aan u mahadnaqayo EU-da (Midawga Yurub) oo iyagu inta badan bixiya dhaqaalaha aannu ku qabano hawlahan,” ayuu yidhi Madaxa Hay’adda FAO ee Somaliland.
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo isna hadal ka jeediyey xafladaas, waxa uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay ka qaybgalka madasha Wasaaradda Beeruhu kula wareegtay gaadiidka lagu caawiyey, isagoo u mahadnaqay ciddii bixisay iyo ciddii la soo mariyeyba.
Waxa kale oo uu Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiintu farriin dardaaran ah u diray dadka loogu tallogalay inay ka faa’iidaystaan mashruuca lagu bixiyey gaadiidka ay la wareegtay Wasaaraha Beeraha Somaliland, waxaannu yidhi; “Mushruucan waxa uu socon doonaa muddo hal sanno ah, waxaanna fiican in heshiiskaasi sii socdo, si wanaagsana looga faa’iidaysto sannado badan, waxaanan si gaar ah farriin ugu dirayaa dadka loogu tallogalay oo aan leeyahay ha laga faa’iidaysto haddii ay tahay gobolada iyo degmooyinka Somaliland ee mashruucan gaadhayo, hana la arko inay dabooleen baahidii aynu ka lahayn.”
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi (Saylici) oo ugu dambayntii hadal ka jeediyey xafladda lagula kala wareegay gaadiidka loogu talogalay Wasaaradda Beeraha, ayaa mahadnaq u jeediyey Midawga Yurub iyo Hay’adda Qarammada Midoobay ee FAO, waxaannu yidhi; “Farxad ballaadhan ayey ii tahay in aan ka qaybgalo xafladdan wasaarada beeruhu kula wareegayso baabuurta tiradoodu tahay 8-da gaadhi oo wax weyn ka tari doona insha allaah wax-soo-saarka dalka, waxaanan marka u horraysa waxaan u mahadnaqayaa Ilaahay (SWT) oo arrintan suurtogeliyey, mar labaadkana waxa mahad leh Hay’adda FAO oo runtii mar walba barbar taagan wasaaradaha wax-soo-saarka ee Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Wasaaradda Kalluumaysiga.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment