Wednesday, January 21, 2015

Wasiir Buureed oo ka hadlay Heshiis Dhexmaray Jabuuti iyo Caqabado hortaagan dabar-goynta Kalluumaysiga Sharci-darrada ah

Hargeysa, 21 Jan, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Somaliland Md Cali Jaamac Buureed, ayaa tafaasiil ka bixiyey heshiis dhinaca Kalluumaysiga ah oo u dhexeeya Somaliland iyo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu dhowaan socdaal ku tagay isaga oo halkaas ku soo saxeexay heshiis dhexmaray wasaaradda Kalluumaysiga ee dalkaas.
buureedWasiir Buureed oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay olole loogu jiro dabar-goynta kalluumaysiga sharci-darrada ah ee maraakiibta iyo Doonyaha dalalka Shisheeye ka sameeyaan Xeebaha dalka, waxaanu si gaar ah carrabka ugu dhuftay doonyo laga leeyahay dalka Yemen oo sifo sharci-darrada ah u gurta kheyraadka dalka, kuwaas oo uu sheegay inay gebi ahaanba ka mamnuuceen inay ka kalluumaystaan badda Somaliland haddii ay oggolaanshiiyo haystaan iyo haddii kaleba.
Isaga oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Yemeniyiintu si sharci iyo si aan sharci ahaynba way ku yimaaddaan, waxaana badan inta aan sharci ku joogin. Runtii marar badan baanu ka wada-hadalnaa wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ciidamada Ilaallada Xeebaha sidii wax looga qaban lahaa. Doonyo la soo qabtay way jiraan, waanu kala saarnay oo wixii sharci aan lahaynna tallaabo ayaa laga qaaday, wixii sharci haystayna waa la sii daayey. Laakiin, wali waxaasi maaha wax ku filan, doonyaha Yemeniyiinta ee sharci-darrada ku jooga dalkeena aadbay u fara-badan yihiin, laakiin waxaanu go’aansannay inaan wax sharci ah la siinin Yemeniyiinta, waxaanu samaynay sahan annagoo oo xeebaha tagnay sida hal mar loo wada-joojin karo inaan cid Yemeni ah sharci la siinin, cashuurna laga qaadin oo la yidhaahdo waddankaba ma iman kartaan. “
Haseyeeshee, Wasiir Buureed waxa uu kaga dhawaajiyey caqabado ay kala kulmeen oo uu cudur-daar ugu sameeyey kalluumaysiga sharci-darrada ah ee Doonyaha laga leeyahay dalka Yemen, waxaanu yidhi, “Laakiin mushkiladda meesha taallaa ee na qabsatay waxa weeyi dhammaan magaalooyinka Xeebaha ku yaallaa Saylac na ha ahaatee, marka laga reebo magaalada Berbera, waxay dadka ku nooli aaminsan yihiin haddii aanay Doonyaha Yemeniyiintu imanaynin, inayna iyaguna joogi karayn oo ay ka tagayaan oo waxay ku odhanayaan ‘haddii aad joojisaan (Kalluumaysatada Yemeniyiinta ah) annaguna waanu ka baxaynaa’, haddii iyaguna ay ka baxaan waxa toos u imanaya Yemeniyiinta.”
Wasiirka oo la weydiiyey ujeeddada socdaal uu dhowaan ku tagay dalka Jabuuti iyo arrimaha laga wada-hadlay, waxa uu ku jawaabay, “Waxyaabihii ugu Mihiimsanaa ee aanu dawlada jabuuti ka wada hadalnay waxa ugu muhiimsanaa Sidii Aanu Dhinaca kalluunka isaga Kaashan lahayn,haday Noqoto Xag aqooneed iyo illaalinta Badda, waxaana jira Heshiis ay Labada dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti wada gadheen oo ku salaysnaa Xagga Kalluunka, anaguna waxaanu soo wada saxeexanay heshiis aanu soo gaadhnay Labada wasaaradood ee kalluumaysiga, macnihiisa ugu waynina waxa uu ahaa sidii la iskaga kaashan lahaa dhinaca kalluunka maadaama oo uu suuqa ugu wayni yahay dalka jabuuti,” ayuu yidhi Wasiir Buureed.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay waxa ka hirgeliyey digreeto uu hore ugu mamnuucay Kalluunka laga keeno dalka dibaddiisa, waxaanu sheegay in go’aankaasi hirgalay, isla markaana inta ay ka war-hayaan aanu jirin kalluun dalka dibaddiisa laga keeno.
“Arrintaasi sidii aanu hore u sheegnay bay naga tahay oo ay sidaas ayey u dhaqan-gashay, wax dambe oo la soo dejiyeyna aanay jirin intii la joojiyey ayaanu wararka ku haynaa, taasna waxaanu u samaynay in fursad la siiyo kalluumaysatada waddaniga ah. Annaguna waxaanu ku nidhi waa inaad buuxisaan kalluunka meelahaas kale iyo Xamar laga keenayo inay meeshoodii buuxiyaan, iyaguna way nala qaateen. Qodobka kale ee aanu kala hadalnay wuxuu ahaa inay wax ka beddelaan qiimaha Kalluunka waayo waxa jirtay in Kalluunka Xamar laga keeno uu halkan ka jabnaado ka Berbera laga keeno,” sidaas ayuu yidhi Md Cali Jaamac Buureed.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment