Tuesday, January 27, 2015

“Turkigu haddii uu doono yaanu dhexdhexaadba ka noqon, innaga Somaliland ahaan waynu goosanay inta qof inaga nool yahayna dawlad jirta ayeynu ahaanaynaa”

Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada
Hargeysa 27 Janaury, 2015 (Himilo)-Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Yuusuf Axmed, ayaa ka hadlay booqashadii Madaxweynaha Turkigu ku tagay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya malintii Axaddii ee toddobaadkan.
cali yuusufMd. Cali Yuusuf oo Warbaahinta la hadlay shalay, ayaa waxa uu sheegay in booqashada Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho iyo taageerada mucaawinada uu la garab taagan yahay Soomaaliya aanay waxba ka beddelin karin qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo dedaalka ay ku raadinayso aqoonsigeeda.
“Turkigu waa dawlad weyn, waana dawlad Islaam ah, innaga wax yar ayuu inoo qabtay, dawladda Soomaaliya-na mashaariic badan ayuu ka hirgaliyey, marka uu leeyahay (Madaxweynaha Turkiga) cilaaqaad dheer ayaa naga dhexeeya Soomaaliya, kama dhexeeyaan ee guryihiisii waxay ku yaaliin Berbera, markaas Somaliland ayuu ka dhexeeyaa, laakiin Xamar meel asaartii Turkigu kaga yaaliin ma jirto.
Turkigu haddii uu doono yaanu dhexdhexaadba ka noqon, innaga Somaliland ahaan waanu goosanay inta qof inaga nool yahayna dawlad jirta ayeynu noqonaynaa, cid kasta hayna dhexdhexaadiso, laakiin cid Soomaaliya inagu daraysaa habayaratee ma jirto,” ayuu yidhi. Md. Cali Yuusuf, waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Horta dawlad waliba xor ayey u tahay cidda ay wax siinayso Soomaaliyana ha noqotee waanu u hanaynaynaa, laakiin wax iska beddelay wadahadalkii u socday Somaliland iyo Soomaaliya ma jiraan, inagu halkii aynu ku goosanay ayeynu weli taaganahay, qaddiyaddeenuna maaha in aynu Soomaaliya ku biirno, laakiin waxa weeye in aynu goosanay, dalalka kala go’a faa’iido ayaa ku jirta Somaliland ayaa markii hore doonaysay in ay la midoobaan shantii Soomaaliyeed, balse markii taasi la waayay ayey Somaliland xorimadii ay Xamar geysay kala soo noqotay, aqoonsina way doonaysaa.”
Sidoo kale Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu tilmaamay in wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya sii socon doono, isla markaana Madaxweyne Silaanyo yahay ninka ugu habboon ee la gorgortami kara maamulka Xamar, “Madaxwaynaha Somaliland aqoon-dheer oo siyaado ah ayuu u leeyahay dhinaca siyaasadda, barigii hore lama odhan jirin Somaliland iyo Soomaaliya ayaa wada hadlaya, laakiin maanta Somaliland iyo Soomaaliya ayaa loo wada hadlaa, markaa arrinta wadahadalku meeshii ugu fiicneyd ayey maraysaa, waxaasoo dhan waxa jeexay Madaxweynaha Somaliland,” ayuu yidhi Md. Cali Yuusuf Axmed.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment