Friday, January 23, 2015

Maamulka Puntland Oo Sas Ka Muujiyey Socdaal Madaxweyne Siilaanyo Dhawaan Ku Tegay Gobollada Bariga Somaliland

Garoowe:Jan,23,2015(Himilo)-Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa hadal gardarro ah kaga falceliyey socdaal uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo ku gaadhay Deegaanno ka tirsan bariga dalka, waxana ay ku sheegeen mid daan-daansi ah.

faeWar qoraal ah oo madaxtooyada maamulkaasi soo saartay, ayey ku sheegeen in socdaalkaasi ahaa mid aan meesha qaban, iyadoo ku andacoonaya in Madaxweyne Siilaanyo uu gudaha u galay goobo ka baxsan somaliland xilli madaxweynaha ciidamada iyo dadka shacabka ahi si weyn ugu soo dhaweeyeen Deegaanada Bariga dalka ee uu booqashada ku tegay.

Qoraalka Madaxtooyada Maamulka Puntland, ayaa lagu qoray Hadallo deelqaaf ah oo ka baxsan Diblumaasiyadda iyo Hannaanka Derisnimada, waxana lagu sheegay in somaliland ay masuul ka tahay wixii socdaalkaas ka dhasha.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa sidan oo kale booqday Bishii March ee 2014 Magaalada Xeebta leh ee Laasqoray, ee Gobolka Sanaag, iyadoo taasina ay dhalisay qaylo dhaan ay sameeyeen Maamulka puntland, taas oo ay sas kaga muujiyeen Safarka Madaxweyne Siilaanyo iyo Horumarka uu ka sameeyey Xagga xuduudda dalka.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment