Thursday, January 22, 2015

Al-Shabaab oo Baaq u jeediyey Taageerayaashooda Reer Yurub

Muqdisho, 22 Jan 2015 (Himilo)- Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanka gudaha dalkaasi Soomaaliya, ayaa shalay taageerayaasheeda ku sugan Qaaradda Yurub ugu baaqday inay ku day-daydaan labadii wiil ee tododbaad ka hor dadka badan ku laahay weerar ay ku qaadeen Xarunta Wargeyska Charlie Hebdo ee magaalada Paris, kaas oo daabacay sawirro af-lagaado ku ah Nabigeenna Muxamed (NNKH).
e3599982595d48098ab815cc83e4de47Al-shabaab ayaa weerarkii wargeyska Charlie Hebdo ku tilmaantay howlgal geesinimo ah, laguna qaaday dad gaalo ah oo gabood-fal ku kacay, uuna weerarkaas dowladda France u ahaa digniin weyn.
“Waxaan uga digaynaa dowladda Faransiiska iyo kuwa kale ee ku lugta leh dhibaateynta Muslimiinta inay la kulmi doonaan wixii ka dhacay Paris,” ayaa lagu yidhi hadal ay shalay oo Arbaco ah soo saartay Al-shabaab.
Al Shabaab waxay War Saxaafadeedka ku sheegtay in dagaal-yahanadeedu ay weeraro is qarxin ah ka geysan doonaan Faransiiska, haddii aynaan waxba ku qaadan weerarkii 7-dii bishaan lagu galay Xaruntii Wargeyska Charlie Hebdo.
“Faransiisku ammaan kuma naalloon doono inta ay sidan u dhaqmayaan, laamiyada iyo waddooyinka Paris, Toulouse iyo magaalooyinka kalena waxey ALLAH idankiis masrax u noqon doonaan camaliyaatka Mujaahidiinta. Haddiise aad wax garataan, ku cibro qaata Camaliyaatkii u danbeeyay.” Ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka.
Al-shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaanno u badan miyi oo Soomaaliya ku yaalla, iyadoo la sheegay in labadii nin ee howlgalkii magaalada Paris fuliyay oo ka tirsnaa ururka Al-Qaacida Jasiirada Carabta ay tababar ku qaateen Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, kartoonnadii uu daabacay wargeyska Charlie Hebdo ayaa wuxuu ka cadheysiiyay muslimiinta caalamka oo dhan, iyadoo waddamo ka mid ah kuwa Islaamka oo ay Somaliland ku jirto dibadbaxyo looga soo hor-jeedo laga dhigay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment