
Mar uu ka jawaabayey sifaha lagu buuxinayo waxii shaqooyin ka banaanaada hawlaha sahaminta shirkadahu wadaan waxa uu yidhi, “Meesha wax laga baadhayo, waxii shaqaalaha aqoonta u leh hawsha laga shaqeynayo, laga yimaado, shaqaalaha caadiga ah waxa muhiimada koowaad la siinayaa deegaanka wax laga qabanayo, waa in dadka deegaanka hadii ay hawsha qaban karaan mudnaanta la siiyo, sida dunidu u shaqeyso, balse taa macnaheedu maaha qof kaloo reer Somaliland ah kama shaqeynayo, hadii uu khibradeeda leeyahay.” Ayuu yidhi. Isagoo raaciyey.
“Heshiiska aanu imika la galay shirkada Shiinaha waxa ku qoran in la gaadho heer boqolkiiba 70% ay noqdaan shaqale Somaliland ah dadka ka shaqeynaya, balse taa weli ma hayno khibardeeda, waa inaan tartiib tartiib u dhinaa shaqaalaha shiinaha, laakiin shaqada la qabanayo macnaheedu maaha waxa gaar loogu xidhayaa dadka deegaanka, laakiin mudnaanta iyagaa leh.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment