Saturday, January 24, 2015

Qisada Gabadh Reer Hargeysa ah oo Diyaarad lagaga soo Samato-bixiyey Dalka Liibiya oo Muddo Afduub loogu haystay

Qaabka uu ku bilaabmay hawlgalkii baadi-doonkeeda iyo Safar ay Laba sanno ka hor kaga sibiq-dhaqaaqday Hargeysa

Hargeysa, 24 Jan, 2015 (Himilo)- Gabadh u dhalatay Somaliland oo muddo laba sanno ku dhow lagu haystay dalka Liibiya, ayaa lagu guulaystay in dib loogu soo celiyo waalidkeed oo deggen magaalada Hargeysa oo ay sannadkii 2013-kii kaga sibiq-dhaqaaqday Tahriib ay Yurub ku gaadho.
so20150123-1Gabadhan oo magaceeda lagu soo gaabiyey Fartuun oo markii ay dalka ka baxday miisaankeedu gaadhayey 60KG, ayaa muddo sannad iyo dheeraad ku siman oo ay gacanta ugu jirtay kooxo qawlaysatada ah ee wax-tahriibiya, waxa uu miisaankeedu hoos ugu dhacay 25Kg xaaladahii adkaa iyo xanuuno ku asiibay muddadaas, balse markii dambe lagu guulaystay in laga soo badbaadiyo.
Hawl-galka gabadhan lagu soo bad-baadiyey oo ay fududaysay hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan Muhaajiriinta ee IOM, kaddib markii laga war-helay inuu haleelay xannuun sababay inay sii wadan karto socdaalkeeda, sida uu sheegay Dr Calaa’diin Abulashim oo hay’adda u fadhiya dalka Liibiya.
“Waxaan u haysanay inay kaftamayso markii ay noo sheegtay inay u tahriibayso Yurub, inkasta oo qoyskayagu wax badan haysan, balse waan uga xanaanayn wanaagsanaan lahayn, maqadayaashii joogay Liibiya ee ka macaashayey,” Sidaa waxa yidhi Saleebaan oo ay walaalo yihiin gabadha la soo samato-bixiyey.
Sibiq-dhaqaaqa tahriibka Fartuun ayaa bilaabmay sannadkii 2013 xilligaas oo koox dhalinyaro ah oo ay ku jirtay gacanta u galeen koox dadka u kala tahriibisa Somaliland ilaa dalka Sacuudiga, halkaas oo ay uga sii gudubtay waddanka Liibiya, balse xaaladeedu waxay sii murugtay markii ay haleeleen Kooxaha ka ganacsada tahriibka dadka ee fadhiisinkoodu yahaya gudaha dalka Liibiya.
“Waxay ka qaadeen dhammaan alaabteedii, waxaynu ugu hanjabeen inay ciidamada u sheegayaan hadii ay baxsad isku deydo, halkaa oo muddo lix bilood ku jidhdilayeen,” sidaa waxa sheegay sarkaal ka tirsan hay’adda IOM oo warbixin ka diyaarisay hawl-galka gabadha lagu soo samato-bixiyey.
Xaalada Fartuun ayaa la sheegay inay soo gaadhsiisay hooyadeed, ka dib markii ay dhegeysatay barnaamij wacyigelin looga digo halisaha tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed oo hay’ada IOM maalgeliso.
Shaqaalaha hay’adda oo u hawl-galay soo samato-bixinta gabadhan, ayaa la sheegay inay baadi-doonkeedu inuu ku qaadatay muddo bilo ah, waxaana dedaal badan kaddib u suurta-gashay inay helaan, taasoo aakhirkii suurta-galisay In diyaarad lagaga soo qaaday dalka Liibiya lagu soo gaadhsiiyey magaalada Hargeysa.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment