
Taliyaha Guud ee ciidamada dalka Yemen, Kornayl Saalax Al-Jamalani ayaa xaqiijiyey inay xoogagga mucaaradka ah ee Xuutiyiinta la wareegeen xarunta madaxtooyada, waxaanu tallaabadaas ku tilmaamay mid lagu af-gambiyey dawladdii Madaxweyne Cabdurabbi Mansur Haadi.
“Kooxaha Xuuthiyiinta ah waxay gudaha madaxtooyada ka billaabeen inay ka urursadaan hubkii ku kaydsanaa,” Sidaas waxa warbaahinta u sheegay Col. Jamalani oo intaas ku daray in sidoo kale mucaaradku ay bililiqo xooggan u geysteen qasriga.
Warka waxa uu intaas ku daray in madaxweynaha dalkaas oo xilliga uu dagaalku dhacayey ku sugnaa gudaha madaxtooyada uu isla markiiba ka baxsaday. Sidan oo kale, waxa isagana Isniintii dorraad Xafiiskiisa lagu weeraray raysal-wasaaraha dalkaas oo markii dambe dirqi kaga baxsaday xaruntiisa madaxtooyada.
Mucaaradka Yemen ayaa dagaalkooda sii xoojiyey bishii September ee 2014-kii iyagoo tan iyo xilligaas ku sii siiqayay goobaha ay dowladdu maamusho oo ay ka mid ahaayeen xarumaha warbaahinta dalkaas oo ay dorraad qabsadeen.
Heshiiska u dhexeeyey dawladda iyo mucaaradka, ayaa burburay kaddib markii dagaal-yahannada Xuutiyiinta ay Sabtidii toddobaadkan gacanta ku dhigeen madaxii shaqaalaha qasriga madaxtooyada, Axmed Cawad Bin Mubaarak.
Dagaalyahannada Xuutiyiinta oo caasimadda dalkaas xoog ku soo galay sannadkii 2012-kii, ayaa ku doodaya in ismaamul buuxa la siiyo gobolka ay deggen yihiin Shiicadu ee Sacaada oo ku yaalla xuduudka u dhexeeya Yemen iyo Sucuudiga, waxaanay tiraba dhowr jeer ka dhega-adaygeen baaqyo loogu jeediyey inay ka baxaan caasimadda, iyaga oo taas shuruud uga dhigay inay ka baxayaan marka la dhiso dawlad-wadaag ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment