Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa dhambaal isugu jira tacsi iyo hambalyo u diray boqortooyada dalka Sucuudiga, oo ku kala wajahan geerida ku timid boqorkii sucuudiga, boqor Cabdalla Illaahay naxariistii janno hawgu deeqee, iyo boqorka cusub ee loo cumaamaday inuu noqdo boqorka dalka Aacuudi Arabiya.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa lagu cadeeyey tacsida Madaxweynuhu u diray boqotooyada Sucuudiga, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan shacbiga somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Boqortooyada Sucuudi Arabiya, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis Aala sucuud oo 23.01.2015 ku geeriyooday dalkaasi, sucuudiga.
Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo boqortooyada sucuudi arabiyana samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.
sidoo kale waxa uu madaxweynuhu Hambalyo u dirayaa boqorka cusub ee la wareegay boqortimimada, sucuudi arabiya, Amiir Salman Bin Cabdicasiis, oo dhaxal suge u ahaa boqorka geeriyooday.
Waxaanu madaxweynuhu alle uga baryayaa inuu xilka u fudaydiyo Amiirka, kana dhigo mid dalkiisa ku hogaamiya isku duubni iyo wada shaqayn waarta”.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment