Tuesday, January 27, 2015

Sarkaal Katirsanaa CIA-da Maraykanka Oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Xogo uu Baahiyey

New york:Jan,27,2015(Himilo)-Gudaha Dalka Maraykanka Maxakmad ku taalla ayaa xukun ku ridday sarkaal katirsanaa Sirdoonka dalkaas oo lagu eedeeyey inuu Bixiyey Xogo ay warbaahinta maraykanku dhawaan Baahisay.

steroSiraha ugu muhiimsan ee Sarkaalkani inuu bixiyey lagu eedeeyey, ayaa waxa kamid ah qoraallo buugaag lagu baahiyey oo sheegayey in maraykanku uu ku hawllan yahay carqaldaynta Barnaamijka Nuclear-ka dalka Iran oo uu dagaal kula jirey, kaas oo la tilmaamay in sarkaalkani warbaahinta siiyey.

Sarkaalka la xukumay oo magaciisa lagu sheegay Sterling, ayaa Xogtaasi uu bixiyey lagu daabacay buugaasi loo soo saaray 2006, waxana ay kamid ahayd qaabkii sirdoonka Maraykanka isugu dayey inuu macluumaad been ah oo la xidhiidha kobcinta Nukliyerka ay doonayeen inay u gudbiyaan khubarada reer Iran si loo jahwareeriyo ama fashiliyo barnaamijka nukliyeerka ee dowlada Iran.

Dowlada Maraykanka ayaa ku eedaysay sarkaalka u shaqeenayey C IA-da inuu isagu xogtan u gudbiyey suxufiga buugaasi qoray ee James Risen. Balse suxufi Risen ayaa diiday inuu sheego halka uu ka helay xogtaasi sirta ahayd.

Sidoo kale sarkaalka danbiga lagu eedeeyey Sterling ayaa sheegay inuusan bixin wax sir ah balse ku eedeeyey falkaasi in laga yaabo inay geysteen xubno u shaqeeya Baarlamaanka Maraykanka oo uu sheegay inay xogtaasi la bixiyey ay laftoodu hayeen.

Maxkamada ayaa shalay sheegtay inay danbiga ku heshay sarkaalkan u shaqeenayey CIA ee Sterling iyadoo lagu helay 9 qodob oo danbi ah, waxaana la filayaa in gadaal laga shaaciyo xabsiga lagu xukumi doono.

Dhinaca kale Wasaarada Cadaalada ee Maraykanka ayaa isla shalay dacwad kusoo oogtay 5 nin oo u dhashay dalka Ruushka oo la sheegay inay hawlo basaasnimo ka wadeen gudaha Maraykanka.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment