Wednesday, January 28, 2015

Masuul Hay’ad Samofal Somaliland Ah Oo Qeyb Ka Noqday Wefti Soomaaliya Ah, Xilli Xukuumadu Mamnuucday In Taageero Loo Soo Mariyo Iyo Saamaynta Talaabadani Ku Yeelanayso Gooni-Isu-Taaga

Madaxa Bisha cas Somaliland oo lagu sheegay xidhiidhiyaha Soomaaliya

Doha 28 January, 2015 (Himilo)- Axmed Cabdi Bakaal, madaxa Bisha Cas ee Somaliland Axmad Bakaal ayaa la sheegay inuu  qeyb ka ahaa wefti guddoomiyaha Bisha Cas ee Soomaaliya Dr. Axmed Maxamed Xasan hogaaminayey oo heshiis isfaham  kula soo saxeexday Hay’adda bisha cas ee dalka Qatar, kulan ka dhacay magaalada Qatar.

Hayadaha-Bisha-Cas-ee-Qatar-iyo-SoomaaliyaKulankaa oo lagu sheegay in Axmed Bakaal inuu yahay xidhiidhiyaha Bisha cas ee Soomaaliya ee Somaliland ayaa la sheegay in ujeedadiisu ahayd iskaashi iyo xidhiidhinta hawlaha bisha cas ee Soomaaliya ka qabato dhinacyada abaaraha, caafimaadka, waxbarashada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay bisha cas ee Qatar.

Weftiga ka socday Soomaaliya  oo u hogaaminayey Dr. Axmed Maxamed Xasan, guddoomiyaha Bisha Cas ee Soomaaliya, kuna jireen Dr. Yuusuf Xasan Max’ed, ku xigeenka Bisha Cas Soomaaliya, Axmed Bakaal oo lagu sheegay xidhiidhiyaha Bisha Cas Soomaaliya ee Somaliland iyo Maxamed Axmed Cadli, xidhiidhiyaha Bisha Cas ee Muqdisho, Soomaaliya, ayaa heshiis la saxeexday Saalax bin Cali al Mohanadi, xoghayaha Bisha Cas ee Qatar.

“Heshiiskani waa kordhinta shaqada Bisha Cas ee Qatar ka wado Soomaaliya,” ayuu sheegay Al Mohanadi.

Sidoo kale, madaxa wefdiga Soomaaliya Dr. Xasan ayaa sheegay in heshiisku ka taageerayo gaadhitaanka inta ugu badan shacabka Soomaalida iyo wanaajinta nolashooda.

Inkastoo weli xukuumada Somaliland iyo hay’adaha u qaabilsan wax war ah ka soo saarin talaabada madaxa Bisha Cas ee Somaliland Axmed Bakaal qeybta kaga noqday wefti ka socda Soomaaliya, ayaa dhinaca kale ku soo beegmaya xilli badhtamahii sannadkii hore wasiirka Qorsheynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire gebi ahaanba gaashaanka ku dhuftay taageero dhaqaale oo Baanka Afrika u qoondeeyey Somaliland, balse la sheegay in loo soo marinayo dalka Soomaaliya, isla markaana sheegay inaanay aqbalayn taageero loo soo mariyo Soomaaliya.

Ugu dambayn, waxay bulshada Somaliland indhaha ku hayn doontaa talaabada xukuumada Somaliland iyo hay’adaha ku shaqada leh ka qaataan sababta masuul hay’ad samofal oo Somaliland ah qeybta uga noqday wefdi ka socda Soomaaliya, maadaama ay ka horimanayso mowqifkii shacabka dalkani ee madaxbanaanida lama taabtaanka ahayd.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment