
Wefdiga madaxweyne Siilaanyo ayaa markuu gaadhay ina-af-madoobe oo uu si rasmiya xadhiga uga jaray wejigii koowaad ee waddada ceerigaabo halkaasi oo uu madaxweynuhu hore u dhagax-dhigay, nasiib wanaagna uu isagu maanta furay himiladii maalintaasi la hiigsanaayey oo qayb ka mid ahi hirgashay laguna talaabsaday iyadoo guud ahaan shacbiga somaliland iyo xukuumaduba u tafaxayteen sidii ay u noqon lahayd mid rumawda oo midho dhal ah, sida muuqata ee aynu maantaba arkayno waxa cagta la saaray laamigii u horeeyey ee Ceerigaabo looga baydhi-doono insha allaa.
dhismaha waddadan cusub ayaa dhamayd inta uu madaxweynuhu maanta furay 10Km iyada oo uu madaxweynuhu dhagax dhigay 100KM oo isugu jira wax caro kaawadu u dhamaystiran tahay iyo in la tumay oo u baahan uun in la saaro caro kaawada iyo daamurka, insha allaa waxa lagu rajo weyn yahay inay dhawaan hirgeli doonto 100km oo laami ah.
Madaxweynaha oo soo kormeeray waddada Ceerigaabo ayaa ku soo noqday degmada Qoryaale oo madaxweynaha loogu qado sameeyey si weyna ay ugu soo dhaweeyeen cuqaasha, waxgaradka iyo dadweynaha deegaanku, waxaanu madaxweynuhu goob fagaare ah kula kulmay dad tiro badan oo halkaasi isugu soo baxay.
Sidoo kale Madaxweyne Siilanyo ayaa dhagax dhigay wado 4 Km ah oo ay iska kaashadeen dadweynaha degmada qoryaale haddana ay baneeyeen oo ay diyaar u tahay in la saaro laamigii, isaga oo madaxweynuhuna ku hambalyeeyey sida ay u dedaaleen ee ay wax u wada qabsadeen ka deegaan ahaan.
Weftiga madaxweynuhu ku soo caraabeen magaalada burco oo ay soo gaadheen xilli habeenimo ah balse aad loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxaana madaxweynaha loo gelbiyey Madaxtooyada Burco oo uu madaxweynuhu ku degay, ka dib markii uu magaalada soo gaadhay shacabkuna si balaadhan u soo dhaweeyeen
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment