Monday, January 26, 2015

Koonfurta Magaalada Kaalkacyo Oo Laga Mamnuucay Gaadiidka Wata Taarikada Puntland Iyo Xiisad Bilaabantay

Gaalkacyo:Jan,26,2015(Himilo)-Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, ayaa amarro kasoo saaray Gaadiidka ay ku xidhan yihiin Taarikadda Maamulka Puntland inay Gudaha u galaan Dhulka Maamulkaasi sheegtaan.

taargoTaliyaha ciidanka nabadgalyada waddooyinka maamulka Galmudug Gaashaanle Maxamuud Maxamed Cabdulle (Tarrax) ayaa warbaahinta u sheegay in maanta oo isniin ah laga bilaabo ay xidhayaan gaadiidka sita taarikada Puntland ee lagu arko Koonfurta gaalkacyo ama Galmadug

Waxaa uu uga digay wadayaasha gaadiidka in ay amarka jebiyaan oo ay sida ay u fareen u qaadan waayaan.

“Waxaan ka codsanayaa dadweynaha reer Galmudug, baabuurta ay ku xidhantahay taargada Puntland barito subax laga bilaabo, gaadhigii aan ku qabano waa 30 doolar oo ganaax ah, darawalkana waan xidheynaa, 24 saac ayuu xidhnaanayaa, taas oo ah wareegto kasoo baxday dowladda Galmudug” ayuu yidhi taliyuhu.

Waxaa uu ku amray in la qaato taarikada Galmudug lagana raadsado wasaradda maaliyada ee maamulkaas oo uu sheegay inay diyaar ku yihiin.

Marka loo eego Galmudug iyo Puntland waxay wada dagaan hal magaalo oo si u kala xidhan hase ahatee arrinkan waxay cidhiidhi ku keneysa baaburta tagaasida iyo kuwa xamuulka qaaada ee magalada ka wada shaqeya.

Gaadiidka leh muraayadaha madow ayuu sheegay haddii ay qabtaan inay ka qaadayaan lacag ganaax ah oo u dhiganta mida laga qaadayo baaburta ka timaadd Puntland.

Arrinkan ayaa ku soo beegmay xili ciidanka ilaalada wadooyinka Maamulka Galmudug ay ku hawllanayeen arrimo ku aadan kala hagida iyo baadhitaanka gaadiidka iskaga kala goosha Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo oo labadaas maamul kala sheegtaan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment