
Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo masuuliyiin kala duwan, waxana u madaxweyne Erdogan xadhiga ka jaray Terminal cusub.
Dhanka kale Garoonka Aadan Cadde iyo Goobo kale oo magaalada Muqdisho ah, ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Turki ah oo si gaar ah u tababaran, si ay u suggaan ammaanka Hogaamiyaha Wadanka Turkiga.
Madaxweyne Erdogan, ayaa lagu wadaa inuu xadhiga Isbitaalka Digfeer, oo qalabayn ballaadhan uu Turkigu ku sameeyay.
Dowladda Somaliya, ayaa waxay maalmihii ugu dambeysay ay Magaalada Muqdisho ka waday qaban qaabo ballaadhan, oo ay ugu diyaar garoobeyso soo dhaweynta wefdiga Madaxweyne Erdogan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment