Wednesday, January 21, 2015

Madaxweyne Silaanyo Iyo Weftigii Uu Hogaaminayey Oo Gaadhay Magaalo madaxda Gobolka Sool Ee Laascaanood

Laascaanood (Himilo)-Madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, iyo weftigii uu hogaaminaayey ee toddobaadkan socdaalka ku maraayey gobolada dalka intooda badan ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda gobolka Sool ee laascaanood.
IMG_1029IMG_1019IMG_0882Madaxweynaha oo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo ayaa muddo toddobaad ahba safaro ku galaabixinaayey sideed gobol in ka badan oo kii u danbeeyey uu yahay gobolka sool, halka uu hore u soo maray gobolada, Awdal, Gabiley, Hawd, Daadmadheedh, Togdheer, Saraar, iyo qaybo ka mida Gobolka buuhoodle, safarkan oo ah mid uu madaxweynuhu ku maray xuduuda ay somaliland la leedahay waddamada jaarkeena ah ee Ethiopia iyo Soomaaliya, ayaa loogu magac daray safarkii Buuraha iyo Banaanka, ujeedadiisa koowaadna tahay in dalka guud ahaan uu madaxweynuhu ka war hayo, xaaladahooda dhaqan-dhaqaale, caafimaad, nolosha dadka iyo xoolaha ee deegaamada iyo xuduudaha dalkaba.

Abaaro 9:00kii subaxnimo waxa uu madaxweynuhu gaadhay magaalo madaxda sool ee laascaanood, waxaana halkaa si weyn ugu soo dhaweeyey shacbi aad u tiro badan oo ka socda bulshada qaybeheeda kala duwan oo kaga horyimid duleedka magaalada, kadibna madaxweynaha iyo weftigiisa u sii gelbiyey gudaha magaalada, isaga oo madaxweynuhu shacbigii isugu soo baxay waddada hareeraheeda salaan gacantaaga u fidiyey.

ka dibna waxa madaxweynaha la geeyey Xamdi hotel oo madaxweynaha ay ku sugayeen kumanaan dad ah iyo cuqaal aad u tiro badan, halkaasina waxa hadalo ka soo jeediyey garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed, Suldaamo kale, Chief Caaqilo, Guddoomiyaha Bah-weynta Nabada Marwo Carfi Jaamac Cali, Maayarka Magaalada, Badhasaabka gobolka, masuuliyiin kala duwan, oo uga mahadnaqay safarka uu ku yimid gobolka, markii labaad balse kala duwan labadaasi wakhti marka loo eego xilliyada laga soo gudbay, iyaga oo ku tilmaamay isbedelkaasina mid waxqabad oo ka gobol ahaan ay qirayaan in xukuumadani ay wax weyn u qabatay sool.
dhinaca xukuumadana waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Warfaafinta, Cukuse, Wasiirka hawlaha Guud Cabdirisaaq, Wasiirka Biyaha, Xuseen, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali warancade oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey markii danbe

iyada oo madaxweynuhuna uu uga mahadnaqay soo dhawaynta ay soo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisaba, isaga oo madaxweynuhu yidhi alle ha idin karaameeyo hana idin sharfo, waad nasharafteene, wixii baahiyo ka jira gobolkana waxa aanu halkan maanta u marayno ayaa kow ka ah, diyaarna waxaanu u nahay mar walba in aanu idin barbartaagnaano ka xukuumad ahaan.
Madaxweynaha oo markii ay xafladu soo dhamaatay u sii dhaafay laascaanood, dhinaca tuulada ganbadha,halkaana dhagax-dhigay rug boolis oo ay odayaasha dhaqanka ganbadhi ka codsadeen in loo suuro geliyo maadaama ay baahi weyn u qabaan, Rug boolis ama Saldhig boolis iyo xarun caafimaad iyada oo uu madaxweynuhuna ka aqbalay isla saacidiina u dhagax dhigay labadaasi gooboodba.
Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu kormeer ku soo maray fadhiisimada ciidamada qaranka Somaliland ee jiidaha hore ku sugan, isaga oo madaxweynuhu salaan ka qaatay ciidamada qaranka, ka dibna taliyaha ciidanka qaranka Sareeyo guuto Ismaaciil Shaqale iyo wasiirka gaashaandhiga Somaliland, ayaa ciidanka sharaxaad ka siiyey madaxweynaha oo socod lug ah ku soo mariyey ciidamada halkaasi ku sugnaa badankooda, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kormeeray xarumaha taliska ciidamada qaranka.
isaga oo madaxweynuhu halkaa mahadnaq iyo dardaaran u jeediyey ciidamada qalabka sida kuna adkeeyey inay halkoodii ka sii wadaan dedaalka iyo kartida ay shacbiga Somaliland u muujiyeen ee ay kolsoonida ugu seexdaan habeen iyo maalinba, isaga oo yidhi kalsooni wayn ayaan idinku qabnaa waanu idinku faanaa mar walba, ka xukuumad ahaana ay barbartaagan yihiin ciidamadu meel ay joogaanba sidaa aan aniga oo madaxweynihii qaranka ahba idin barbartaagnahay maanta idinka oo ku sugan jiidaha hore ee dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment