
“Nabadgelyaddii dhinaca gaadiidka oo wanaagsanaatay, intaa marka la isku geeyo waxa cad in toban jeer ay ka faa’iido badan tahay sidii hore ee ay waddadu ahayd. Qorshahani wuu wanaagsan yahay, waana in la hirgeliyo, annagu ciidan ahaana diyaar ayaanu u nahay, waanana wadnaa hawshaa,” ayuu yidhi Taliye-ku-xigeenka Boolisku.
Waxa kale oo uu sheegay in qorshahaas lagu beddelay nidaamka waddo-marista Hargeysa yahay mid faa’iido laga helay, isla markaana hoos u dhigay shilalka gaadiidka, waxaannu yidhi; “Qaabka maanta loo sameeyay waddo-marista gaadiidka tii hore toban jeer iyo in ka badan ayey ka fiican-yihiin, waxa yaaraday saxmada gaadiidkii aan kala heli jirin waddo ay maraan iyo shilalkii dhici jiray oo yaraaaday ama ku soo koobmay in toddobaadkii hal shil ka dhaco magaaladda.”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa digreeto uu soo saaray ku beddelay nidaamka waddo-marista Hargeysa, isagoo amray in jidka weyn ee madaxtooyada hor mara noqdo hal haad oo gaadiidku u maraan dhinaca galbeedka, halka waddada dhinaca dambe ka marta cusbitaalka guud ee Hargeysa laga dhigay haad qudha oo ay isticmaalaan baabuurta dhinaca bari u socda.
Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo maalintii Isniinta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawshani dawlada hoose leedahay, isla markaana uu shacabka ka raalli galinayo jaha-wareerka ka dhashay, isagoo go’aanka Wasiirka Daakhiligu ku beddelay nidaamka waddo-marista caasimadda ku sheegay mid lagu degdegay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment