Tuesday, January 27, 2015

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Sheegay In Turkigu Ka Caawin Doono Dhismaha Hay’addaha Dawladda

Muqdisho 27 January, 2015 (Himilo)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu haysto ballanqaad ay dawlada Turkigu wax kaga qeyb qaadan doonto dhismaha hay’addaha dawladiisa, sida Madaxweynaha Turkigu u sheegay, isla markaana ay siin doonaan mashaariic laga fulin doono dhamaan Soomaaliya.
660x398xMadaxweyne_Xasan_Sheekh_Maxamuud_HOL.jpg.pagespeed.ic.OKK74nF7SkMadaxwynaha Soomaaliya, Md. Xasan oo shalay saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhowaan la magacaabi doono xukuumad tayo leh, oo loo dhan yahay, xilli maalmo ka hadheen wakhtigii Baarlamaanku u qabtay in lagu soo dhiso, waxaanu yidhi,
”Dhowaan shacabka waxay maqli doonaan war ay ku farxaan oo la xidhiidha dhismaha Golaha Wasiirada. Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu wadaa dadaal farabadan si hawshan ay u qabsoonto. Waxaana xusid muddan in la tixgeliyo nidaamka awood qeybsiga beelaha ee dowladdeena ku dhisan tahay, iyo weliba kutladaha siyaasadeed ee baarlamaanka, lana muujiyo tanaasul, iyadoo danta dalka la eegayo”.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay dhowaan heshiisyo kale wada geli doonaan dalka Turkiga, isla markaana mashaariic kale oo horumarineed oo laga fulinayo Soomaaliya oo dhan.
”Labada dal waxay dhisan doonaan guddiyo iskaashi oo ka shaqeynaya hirgelinta mashaariic kale, iyadoo dhanka kalena Madaxweyne Erdogan uu ii balanqaaadey in la dhammeystiri doono dhismaha hay’adaha dowliga, dowladda Turkigana ay si buuxda u maalgelin doonto”.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale bogaadin u jeediyey ciidammada amniga oo uu sheegay inay qabteen hawl adag oo lagu faani karo oo xitaa ay qirteen wefdigii Turkiga ee uu horkacayey Madaxweyne Erdogan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment