Tuesday, January 27, 2015

Ra’iisal-Wasaarada Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay Liiska Golaha Wasiirada Cusub Ee Xukuumadiisa

Muqdisho (Himilo)-Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabidrashiid Cali Sharmarke,  ayaa ku dhawaaqay liiska Golaha Wasiirada.Ra’iisal-Wasaaraha oo  hadal kooban jeediyay ka hor ku dhawaaqista liiska golaha cusub ee wasiirada ayaa ka codsaday baarlamaanka inay codka kalsoonida ah siiyaan waxaanu yidhi:-  “Aniga oo gudanaya waajibka dastuuriga ee ay ummadda Soomaaliyeed iga sugayso oo ah inaan soo dhiso Xukuumad buuxinaysa shuruudaha qabashada xilalka Wasiirnimo isla markaana ku sifoobaysa aqoon, hufnaan, waayo-argnimo iyo karti ay ku xaqiijin karaan himilada aynu doonayno inaan hiigsano sanadka 2016-ka. Kadib markaan wada- tashi dheer la sameeyey Madaxweynaha, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Guddoonka Baarlamaanka, Xubnaha Baarlamaanka, Qurba Joogta, Ururada Bulshada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, Aniga oo og muhiimadda ay leedahay in la helo xasilooni siyaasadeed oo horseeda sugidda amniga iyo horumarinta dhaqaaqalaha dalkeena oo maanta maraya meel wanaagsan ayaan magacaabay Golaha Wasiirada caawa” ayuu yidhi

CUMAR CABDIRASHIIDWaxa kaloo sheegay in golaha wasiirada uu soo dhisay aanay wax raad ah ku lahayn siyaasada Somalia, waxaanu yidhi:-

“Waxaynu la soconaa in muddooyinkii u dambeeyay uu hakad galay hawlihii Xukuumadda oo laf-dhabarka u ahaa ummadda, mana aha  arrin lagu sii jiri karo. Wakhtiga gaaban dartii, waxaan hadda soo gudbinayaa magacaabista Wasiirrada oo kaliya, waxaan sida ugu dhakhsaha badan usoo gudbin doonaa Wasiirro Ku-xigeenada iyo Wasiirro Dawlayaasha”.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu ayaa tilmaamay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu mas’uul ka yahay waajibna ka saaran yahay inuu gacan ka geysto hour-socodka dalka iyo inaan mar dambe dib loo noqon. Waxaa sidoo kale lagamamaarmaan ah inaan xaqiijino fulinta hawlaha ahmiyada koowaad u leh xukuumada gaar ahaan, doorashada 2016-ka.

Magacyada Wasiirrada

  1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga

  2. Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta

  3. Cabdirixhman Maxamed Xuseen Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka

  4. Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” Wasaaradda Maaliyadda

  5. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga

  6. Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda

  7. Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada

  8. Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda

  9. Cabdirixman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga

  10. Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka

  11. Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta

  12. Cali Axmed Jaamac “Jangali” Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada

  13. Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa

  14. Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha

  15. Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

  16. Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska

  17. Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha

  18. Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda

  19. Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga

  20. Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka.


Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment