Hargeysa 27 January, 2015 (Himilo)-Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in Madaxweyne Siilanyo laga daayo xagxagashada, una soo jeediyey xisbiyada mucaaradka inay sugaan inta doorashadu imanayso, isla markaana soo jeediyey in ashqaasta dhibaatada ka wada gobolka Awdal sharciga la horkeeno.

“Siyaad waxaan leeyahay waa inaad saaxiibkaagii kula tartamay eed kaga badisay tartanka ee weli cadhada ku maqan inaad soo dhoweyso weeye, isaga iyo kooxdii la socotay ee dhisaysay, inaad ka daba tagtaan oo idinkoo gacmaha ishaysta mar kale munaasibad isugu nimaadno ayaa muhiim ah. haddaad maanta adigu qoslayso, isagana inaad ka qosliso weeye.
Mar uu ka hadlayey khilaaf la sheego inuu u dhexeeyo guddoomiyaha xisbga Kulmiye, Muuse Biixi ayuu yidhi, marmar waa lanagu qoslaa, laakiin waanu is jecelnahay, waxaanu yidhi, “Runtii meel kastoo tartan yimaado xurgufo yaryar baa iska yimaada, xisbiga kulmiye anniga iyo Muuse Biixi marmar waa lanagu yara qosqoslaa, waan isjecelnahay uun, oo waxaan wanaag ahayn nagama dhexeeyo, laakiin dee kuraasta ayaa la kala jiidanayaa, in la kala tago maaha. Waxa loo baahan yahay in lays jeclaado, ka laga yara badiyaa inuu cadhoodo maaha. Qofka laga badiyo tartanka yaanu cadhoon, boodhka iska tun, marka dambe ayaad badin doontaa. Nolosha waa la kala badiyaa mar walba.
Samaale waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka waxaanu yidhi:- “Arrinta doorashada xukuumada wey ka go’an tahay, oo madaxweynuhu doorasho ayuu ku yimid, miisaaniyadana waanu ugu darnay xadigii loogu tallo galay doorashada, hase yeeshee doorashadu inay waqtigeeda dhacdo iyo inay dhici weydo madaxweynaha iyo xukuumadiisa kuma xidhna, oo way ka duwan tahay oo Axsaabta qaranku way og yihiin, balse waa inay waddadeeda maraan”.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay kalsooni inuu kalsooni ku qabo in Madaxweynuhu doorashada ku guuleeysanayo “Doorashada diyaar baanu u nahay, Madaxweynaha iyo xukuumadiisa way u badinaysaa, inay dhici weydana anaga ayaa ka xun, waayo annagu waxaanu ognahay in codkii hore ee sanadkii 2010kii ku ka badan inuu haatan Madaxweynuhu ku soo baxayo”.
Qolooyinka muddo-kordhinta ka hadla. Madaxweynahii hore laba jeer ayaa loo kordhiyey, laakiin Madaxweyne Silaanyo muddo-kordhin dooni maayo, diyaarna uma aha. Haddiise ay timaado, duruuf siyaasadi keentay weeye iyo sunne soo socday bay ahayd iyadana ha diidina. Rabitaanka Madaxweynaha maaha, hadday korodhsiimo timaado, oo duruuftu keento mid isaga ka timi maaha, iyadana sandulle weeye in la aqbalo. Madaxweynaha doorashada dalka ku guulaystay, halaga daayo xagxagashada oo hala sugo inta doorashada doorashadeedu imanayso, marka laga guulaysto ayuu wareejin doonaa.
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay xaalada gobolka Awdal “ Waxaan runtii leeyahay waxyaalaha maalmahan danbe laga sheegayo gobolka Awdal, wax qurux badan maaha, waxaan anigu qabaa in ashqaas gaar ah oo danaystayaal ah oo dan gaar ah lihi ay ceebanayaan gobolka iyo dadkiisaba, waxaanan leeyahay gobolkaasi waa laf-dhabar ayuu ka yahay Somaliland iyo dhaqaalaha iyo horumarka dalka ka jira, sidaa awgeed ashqaas gaar ahi ma ceebayn karaan gobolka iyo dadkiisa midna, ashqaastaasina ha noqdeen kuwo ku jira axsaabta mucaaridka ah oo magaca gobolka sheeganaya oo si khaldan magaca gobolka iyo deegaanka u xumaynaya amase rag salaadiin sheeganaya oo dalka iyo dadka gubaya ha noqdeene, waxaan qabaa inay xumaantaasi iyaga ku kooban tahay ee aanay dadkaasi, deegaankaasi iyo gobolkaasi matelin ayaan qabaa, waayo gobolkaasi waa gobolkii uu ka soo jeeday Madaxweynihii u horeeyey ee ummada Somaliland codkooda ku dooratay, Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Somaliland, Madaxweyne-ku-xigeenka hadda iyo dhamaan masuuliyiinta kale qaranka ee ka soo jeeda gobolkaasi, waxaanan anigu qabaa in ashqaastaasi yihiin kuwo xumaynaya magaca iyo sharafta madaxdaasi, waxaanan leeyahay maalinba qof wax doonaya ayaa magaca dadka iyo deegaanka wax ka sheega ee gobolkaasi ma gayo waxa laga sheegayo iyo ceebta ay wadaan ashqaas gaar ahi, waxaanan leeyahay ashqaastaasi waa in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado”. Ayuu yidhi wasiirka maaliyadu Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment