Warbixin uu baahiyay Tv-ga Al-Jazeera ayaa waxa lagu sheegay in dadka jaziiradda Lamu dadka nool ay badankood dhaqdaan dameeraha oo ay sidoo kale rartaan.

Marka qaaradda Afrika loo eego Lamu waxa loo aqoonsanyahay caasimada dameeraha Afrika marka aad magaalada dhex socotana waxa ugu badan ee indhahaagu qabanayaan waa dameero. Dadka magaaladan ku nool ayaa sidoo kale dameeraha u adeegsada tartamo la qabto oo sanadle ah.
Shee Faamow oo 14 jir ku nool Lamu ayaa u sheegay AlJaziira inuu weligii ku hamiyi jiray inuu dameer yeesho si uu mar uga qeybgalo tartanka sanadlaha ah.
Dadka Lamu ku dhaqan oo dameeraha uga faa’iidaysta xaabo gurashada, biyo dhaansiga iyo adeegyo kale oo nolosha muhiim u ah, ayaa kala siman Qaaradda Afrika iyo waddamo kale oo dunnida ku yaala guud ahaan, oo dameeraha u yihiin gaadiid muhiim ah oo dadku rartaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment