Prof Saleebaan oo ka hadlayey xaflad shalay xilka kula wareegayeen madaxda daladda SONYO ayuu sheegay in dhalinyarada wakhtigani ka nasiib fiican yihiin kuwii hore, balse iyagana lagaga wacan yahay dhinaca hanti jacaylka oo dadkii hore aanay sidooda ahaan jirin.

“Qoladayada Jaamacadaha annigaa ugu da’ weyn ayaan filayaaye, ardaydii horena halkan way fadhiyaan, oo Cabdicasiis Samaale iyo Muuse biixi labaduba way joogaan. Doraad annigaa madax u ahaa, maantana iyagaa madax ii ah, xilku waa meerto, oo weliba si fiican ayey uga soo baxaan. Muuse Biixi fasalkii ugu horeeyey ee shaqada macalinimada aan ku bilaabay ayuu ahaa. Anniguna ma weyni, isaguna weli aad uma weyna wuu yar yahay, weli waxbaa noo hadhay, Cabdicasiis Samaale waxuu ahaa markii dambe ee jamaacada Lafoole.”
Prof. Saleebaan ayaa sheegay in dhalinyarada wakhtigan ka nasiib badan yihiin kuwii hore, oo xaga cibaadada kaga fiican yihiin, balse iyana ay jirto dhinac dhalinyaradii hore kaga wanaagsan yihiin kuwa dambe, waxaanu yidhi,
“Ardayda haddaad horjoogtid, hore looma gaboobo, annigu waan ka duwanahay ardaydii hore iyagu siyaasiyiin ayey noqdeen, culays werwer ima haysto sidooda. Dhalinyarooy, waad naga nasiib badan tihiin, waad naga cibaado badan tihiin, annagu berigii aanu dugsiga sare dhigan jirnay, laba boqol ayaan ahayn toddoba ayaa naga tukan jiray, inkastoo cilad aanan berrigii hore lahaan jirin leedahiin, oo ah xaga lacagta, waad naga lacag jeceshihiin.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment