Thursday, January 22, 2015

Madaxweyne Siilaanyo oo Dhiirri-gelin ah u jeediyey Kumanaan Ciidanka Qaranka ee Jiidda hore oo markii u horeysay uu Booqday

“Waa qiraal (Booqashada Madaxweynaha) laga markhaati kacay oo la leeyahay waad gudateen waajibkii iyo xilkii idinla gudboonnaa” – Wasiir Cadami

Hargeysa, 22 Jan, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey ku gudo-jiray socdaal ay ku marayaan gobollada dalka, ayaa shalay markii u horeysay booqasho ugu tagay Ciidamada Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay aagga Gambadha oo masaafo 30 KM ah dhinaca Koonfur-Bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.
IMG_1834Md Axmed Siilaanyo iyo weftiga uu hoggaaminayo oo shalay si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood oo uu uga gudbay fadhiisinka Ciidanka qaranka ee Gambadha, waxa uu halkaas kaga qayb-galay Carbis loo sameeyey cutubyo ka tirsan Ciidanka ee Jiidaha Hore ee gobolka Sool, waxaanu halkaas uga jeediyey hadal guubaabo iyo mahad-naq isugu jira, isaga oo ciidamada qaranka ku ammaanay gudashada waajibaadka saaran iyo difaaciska qaranimadooda.
Munaasibad lagu qabtay Fadhiisinka Ciidanka Qaranku ku soo dhawaynayeen madaxweynaha Somaliland oo ay ku wehelinayeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, taliyaha Ciidanka Qaranka, kuwaas oo hadallo dardaaran iyo dhiirrigelin ah u jeediyey Ciidanka.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay sharaf weyn u tahay isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaa inay booqdaan fadhiisimada jiidda hore ee Ciidanka Qaranka, waxaana hadalladiisa ka mid aha, “Sharaf weyn bay noo tahay aniga iyo weftiga ballaadhan ee ila socda inaanu halkan idinku nimaadno idinka oo ah ciidamada jiidda hore ee Qaranka. Aad baanu idinku faanaynaa, umaddu aadbay idinku faantaa, waxaad tihiin dadkii umadda iyo dalkan difaacayey, heeganka u ahaa, daacadda u ahaa, mar walba diyaarka u ahaa inay naftooda u huraan difaacista Qaranka iyo midnimadiisa,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayey kumanaan ka tirsan ciidanka Qaranka fadhiisinkoodu yahay fadhiisimada Jiidda hore ee Gambadha.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “In kasta oo aanu wararkiina helno oo masuuliyiintiinnu noo soo gudbiyaan, laakiin waxanaanu u nimi halkan u nimid inaanu indhahayaga ku soo aragno, idiin mahad-naqno oo idin faanino.”
Waxa kale oo halkaas ka halday Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami oo booqashada madaxweynuhu ciidanka ugu tagay jiidda hore ku sifeeyey xil-gudashada ciidanka oo shacabka iyo dawladduba ku qanacsan yihiin. “Saaka (Shalay aroornimadii) waa subax gooni ah oo ka duwan subaxyadii faraha badnaa oo idinkoo kaligiin ah oo dhufaysyada ku jira oo cadowga daafacaya, waana mihnaddii iyo xirfaddii aan ku soo caano-maasheen. Waa halkan loo yimid, warar badan oo wanaagsan baa baryahanba iska soo daba-dhacayey oo ka imanayey ciidamada Qaranka oo ku saabsan sida ay heeganka ugu yihiin difaaca qarankooda iyaga oo aan cidna waxba amaanaysiinin, cidna waxba uga tudhaynin,” ayuu yidhi Md Cadami, waxaanu intaas sii raaciyey, “Waa waxa ugu weyn ee ciidamada hadyad loo siiyo in boqorka ama madaxweynuhu hortooda tago. Waa qiraal laga markhaati kacay oo la leeyahay waad gudateen waajibkii iyo xilkii idinla gudboonnaa.”
Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqalle oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Ciidanka Qaranka, siiba qaybaha aagga Bari, waxa maanta sharaf u ah inuu madaxweynahoodu kala soo qayb-galo kulankan ballaadhan ee Ciidan-qarameedka ah si uu u arko xogogaalna ugu noqdo ciidanka uu taliyaha Guud u yahay. Madaxweyne, ciidanka halkan joogaa waa qayb ka mid ah Ciidanka Qaranka, waxaan aad iyo aad ugu ammaanayaa siday uga soo baxeen hawsha ciidanka iyo waajibaadka qaran ee ay umaddooda u hayaan.”
“Madaxweyne, waxaanu ugu ammaanaynaa kulan ballaadhan ee aad meesha fog uga timi si aad u aragto nolosha ciidanka, sida ay u nool yihiin, saannaddooda si la mid ah sida aad u indho-indhaynayso xaaladda gobollada iyo degmooyinka dalku ka kooban yahay,” Sidaas ayuu yidhi Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqalle.
Tuulada Gambadha oo fadhiisimada Ciidamadu duleedkeeda ku yaallaan, waxa uu madaxweynuhu u dhagax-dhigay Saldhig Boolis iyo Xarun Caafimaadka Dhallaanka iyo Hooyada ah oo ay ka codsadeen odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka ku dhaqan tuuladaasi.
Booqashada madaxweyne Siilaanyo ku tagay fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Gambadha, ayaa noqonaya markii u horeysay muddadii uu xilka hayey ee kormeer ku tago Jiidaha hore ee Ciidanka Qaranka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment