
Guddoomiye Muuse oo hadalkiisa sii wata ayaa ka Hadlay dhaliilaha axsaabta mucaaridka ahi ku hayaan Safarka Madaxweynaha iyo Gebi ahaanba hannaanka Xukuumadda Kulmiye u hoggaamiso dalka, waxana uu taas ku tilmaamay siyaasad u taagan sidii ay wax u dumin lahayd oo kaliya.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay in hoggaanka mucaaridka aanu carrabkoodu aqoonin sida loo sheego wanaagga, taas beddelkeedana uu u taagan yahay inuu waxa xun oo kaliya sheego,waxana uu yidhi,
“Waxa jira Xisbiyo Mucaaridka madaxtooda qaarkamid ah oo aroor walba kusoo baxay saxaafadda, sanadkiina waa saddex boqol iyo sagaashan maalmood, ragbaana afar sano iyo dheer waagii baryaba soo baxayey, inta baddana ragaas mucaaridka ahi wali maalin qudha umaddu waxay ku faraxdo ma sheegaan, waxana caado u noqotay inay aroor walba ay war naxdin leh uun ay keenaan, arrintaasina waxan leeyahay ma aha Siyaasad, waxana wanaagsan inay Mucaaridku qaar wax dhisaya noqdaan.”
Himilo Media
No comments:
Post a Comment