Addis Ababa, 31 Jan, 2015 (Himilo)- Hoggaamiyaha ugu da’da wayn Madaxda Qaaradda Africa, ayaa loo doortay guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika 12- bilood ee sanadkan 2015-ka, isaga oo xilka kala wareegay madawaynaha dalka Muritania Mohamed Ould Abdel Aziz oo jagadaasi hayay sanadkii 2014-kii.

Shir-madaxeedka hoggaamiyeyaasha Afrika ee wali ka socda magaalada Addis Ababa, ayaa diiradda lagu saarayaa Amniga Qaaradda waxaa si gaar ah isha loogu hayaa ururka Boko Xaaraam ee dalka Nigeria.
Rober Mugabe oo reer Galbeedku cuna-qabatayn xagga sodaalka ah ku soo rogeen, ayaa doorashadiisa kaddib khudbad uu ka jeediyey Madasha xilka loogu wareejiyey, waxa uu ka dareen-celiyey kalsoonida uu ka helay madaxda Qaaradda Afrika.
“Waan ku faraxsanahay haddii aad ii doorateen hoggaankiina si khushuuc leh ayaan u aqbalayaa go’aan-wadareedkiina,” ayaa uu yidhi Mogabi.
Mr Mugabe waxa uu soo-hadal qaaday dhaq-dhaqaaqyada madax-bannaanida doonka ee qaaradda Afrika, gaar ahaan dalka Saxaaraha Galbeed oo ka goostay waddanka Marooco, iyada oo dhammaan madaxdii ka qayb-qashay shirku ay u sacabbo-tumeen Mr Mugabe markii uu soo hadal-qaaday qadiyadda ka taagan Saxaaraha Galbeed (Western Sahara).
“Inta ay walaaladayashada Saxaaraha Galbeed ku soo hoos-jiraan Gacanta Marooko, wali maynaan dhammaystirin madax-bannaanideenna.”
Waddanka Saxaaraha Galbeed oo ay xuduud wadaagaan dalalka Mauritania, Al-jeeriya iyo Marooco oo muranku ka dhexeeyo, ayaa xubin joogto ah ku leh Ururka Midowga Afrika, waxaana maamulkiisa gacanta ku haysa Jabhad lagu magacaabo Polosariu oo muddo badan dagaal ka dhexeeyay dalka Marooco oo ku doodda in Saxaaraha Galbeed ka tirsan yahay dalkeeda.
Robert Mogabi ayaa noqonayaa hogaamiyihii 13-aad ee qabta jagada guddoomiyaha guud ee Midowga Africa oo ay si wareegto ah ugu tartamaan hogaamiyeyaasha shanta gobol ee bariga, galbeedka, waqooyiga, koonfurta iyo badhtamaha qaaradda Afrika.
Madaxweyne Mugabe oo ah hoggaamiyaha ugu xukunka dheer guud ahaan qaaradda Afrika, waxaanu dalkiisa hoggaaminayay tan iyo markii xorriyada uu qaatay waddanka Simbabwe sannadkii 1980-kii. waxaa lagu dhaliilaa inuu siyaasad kali talis ah ku maamulo dalkaasi, waxaana saaran xanibaad safarka ah oo ay kusoo rogeen midawga Europe iyo Maraykanka oo dalalkooda ka mamnuucay inuu yimaado taasi oo caqabad ku noqon karta xilkiisa cusub waxaana xilka uu hayn doonaa ilaa bisha January ee soo socota.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment