Monday, January 26, 2015

Muran Ka Taagnaa Dhul Ku Yaalla Xaafadda Masallaha Oo Madaxweyne Siilaanyo Guddi u Saaray

Hargeysa:Jan,26,2015(Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa la sheegayaa inuu soo farogeliyey cabasho baahsan oo ka dhalatay dhul ballaadhan oo ku yaalla xaafadda Masallaha oo dhextaalla Taliska Ciidanka Qaranka iyo Odayaasha xaafadaas.

siilaayoooMadaxweynaha, ayaa si degdeg ah Guddi kooban ugu magacaabay turxaan bixinta dhulkaas, isagoo taliyaha ciidankana amray inuu ciidanka ka saaro Goobaha muranku ka taagan yahay oo aanu marnaba ku sheegin madaxweynuhu inuu dhul ciidan yahay.

Goobo kamid ah dhulkaas oo odayaasha xaafaddaasi ku sheegeen inuu Garoomo kubadeed yahay ayuu madaxweynuhu aqbalay, waxana uu tilmaamay inuu arrintaas ku raacsan yahay oo ay garoomadaasi yihiin kuwo umaddu leedahay oo ubadku kubadda ku ciyaarayaan.

Magacyada xubnaha Guddidaas, ayaan magacyadooda si rasmi ah loo shaacin, balse waxa la tilmaamay inay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha ciidanka Boolisku ku jiraan.

Taliyaha ciidanka qaranka, ayaa amarkaas qaatay, waxana la filayaa inay ciidamadu dhawaan halkaas iskaga bixi doonaan, isagoo markii hore Taliyuhu sheegayey inuu dhulkaasi yahay Xero ciidan oo aanu cidnaba uga tegi doonin.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment