
“Waxan reer Borama ka Tacsiyadaynayaa Xabaddii Habeen hore uu suldaan Wabar la dulyimi iyagoo Hurda, muddo laba bilood ku dhaw waxa suldaanka ka soo yeedhayey erayo ah inuu dadka reer Awdal u raadiinayo xaq ka maqan ooo uu xorraynayo, isla-markaana kasoo horjeedo somaliland. Nasiib darro waxay kusoo gebogebowday in 300-nin oo uu horkacayo Guddoomiyaha Dhaqan reer Awdal Ugaas Cabdirashiid inuu Kaligii wabar garto inuu carruurtoodii ula weydaarto xabad oo yidhaahdo anaa kaliga wax garanayo oo rasaastaas ayaa soconaysa.” Ayuu yidhi Wasiir Abgaal.
Wasiir Abgaal oo hadalkiisa sii wata ayaa daadafeeyey Hadallo dadka qaarkiis sheegaan oo ah inay xubnaha Reer Awdal ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku jiraa ay yihiin qaar gumaysi ku jira oo milgihii iyo sharaftii ay lahaayeen god ku riday, waxana uu yidhi, “Dhawrka tirada yare e Jooga Canada iyo Latin America eek u sheekeeya hebellada Somaliland ee xilka hayaa isaaqa ayey u adeegaan oo axmed Siilaanyo ayey Kabaha u qaadaan, waxan leeyahay Taariikhda Somalida isir ahaan meel la igu gumaystay lama hayo dhaqankaana ma lihin, iyagana waxan leeyahay intii aynu noolayn qolo ahaan maynaan arag meel la inagu gumaysto haddaan Uurka Hooyadiin la idinku Gumaysan, Dadkan aynu la noolahay ee dhulka la leenahayna nooma shaqeeyaan umana shaqayno, kabo uma qaadno inoomana qaadaan”
Wasiirku waxa uu sheegay in Suldaan Wabar uu noqday nin fallaagoobay oo khaa’inimo ula badheedhay xukuumadda iyo Dadkii saldannada u doortayba, waxana uu yidhi,
“Wabar wuu nagu sumaabay beenna wuu noo sheegay wuuna na khaaimay reerkii xilka u dhiibtayna wuu khaa’imay, waana iska celinaynaa inta dibadda joogta ee xaaladaas kula socotana waxan leenahay waxba yaan dhulka idinka oollin, sheeko dambena waa soo dhamaatay.”
Wasiirka ayaa waxa ay isku beel hoose yihiin Sudlaanka Fallaagoobay oo haatan xaalkiisu gaadhay inuu Weerarro hubaysan kusoo qaado Gudaha Magaalada Borama, waxana ay taasi keentay in Xubnaha Xukuumaddu kusoo canaantaan inuu jawaab cad ka bixiyo Weerarkaas Gudaha loogu soo galay Magaalada Borama.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment