Friday, January 23, 2015

Safar Madaxweynaha Turkigu Maanta Somalia Ku Tegi Lahaa Oo Dib Loogu Dhigay Geerida Boqorka Sucuudiga

Muqdisho:Jan,23,2015(Himilo)-Safar Madaxweynaha Turkiga Maanta ugu qorshaysnaa inuu ku tago caasimadda Somalia ee Muqdisho, ayaa dib udhacay kadib markii uu xalay geeriyooday Boqorkii Sucuudiga oo lagu wado inuu madaxweyne Erdogan ka qaybgalo aaskiisa.

erdoAfhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Da’ud Aweys ayaa sheegay in safarkii Madaxweyne Erdogan uu dib u dhac ku yimid, kadib geerida Boqorka dalka Sacuudiga.

Da’ud Aweys ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha Turkiga uu ku imanayo Soomaaliya uu noqon doono aaska Boqor Cabdalla kadib.

Madaxweyne Erdogan ayaa la sheegay in galabta uu dalka Sacuudiga uu kaga qeyb geli doono Salaada Janaasada oo salaada casar lagu dukanayo Boqorka Dalka Sacuudiga Carabiya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in salaada janaasada ee galabta lagu tukanayo Boqor Cabdalla ay ka soo qeyb geli doonaan Madax fara badan oo ka socota Caalamul Islaam.

Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu waday inuu ka soo ambabaxo magaalada Addis Ababa oo uu shalay booqasho ku tagay.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna lagu wadaa inuu ka qeyb galo aaska iyo janaasada, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin.

Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu waday in marka uu soo gaadho magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia, si uu xadhiga uga jaro mashaariic hourineed oo Dawladdiisu ka hirgelisay Halkaas.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment