Friday, January 23, 2015

Boqor Cabdalihii Sucuudiga Oo Xalay Geeriyooday Iyo Beddelkiisa Oo Maamulka La Wareegay

Riyad:Jan,23,2015(Himilo)-Habeenkii xalay wxa Cisbitaal ku yaalla Magaalada Riyad ku geeriyooday Boqorkii dalka Sucuudiga Boqor Cabdillah Bin Cabdil casiis oo muddo taban sano ah dalkaas soo hoggaaminayey.

File photo of Saudi Arabia's King Abdullah arriving at Heathrow Airport in west LondonBoqorka ayaa muddo afar bilood ah la tiicayey xanuun dhanka Sambabada ah oo haleelay, waxana nolohiisu ku tiirsanayd Qalabka hawada lagu qaato oo lagu rakibay muddo ka hor.

Boqor Cabdullaahi Bin Cabdulcasiis oo xilka saldanada dalka Sucuudiga qabtay sanadkii 2005-kii ayaa waxaa iminka si deg deg ah jagadaas loogu magaacay masuulka lagu magacaabo Amiir Suleymaan bin Abdul Aziiz Aala Sacuuud.

Baroortiiq qaadan doonta mudo dhowr maalmood ah ayaa ka bilaabtay dalka Sucuudiga waxaana lagu wadaa duugta Boqor Cabdullaahi Bin Cabdulcasiis in ay ka soo qeeyb galaan inta ugu badan madaxda Caalamka.

Dalalka Islaamka, gaar ahaa kuwa leh Nidaamka Boqortooyada, ayaa si weyn looga dareemayaa Dhimashada Boqor Cabdallah, waxana lagu wadaa in Aas weyn maalmaha soo socda loogu samayn doono Gudaha Dalkiisa, gaar ahaan Goobaha Xabaalaha u ah Boqorradii ka horreeyey ee Geeriyooday.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment